Hindiya: Dhulkii Ilbaxnimada iyo Xadaaradda Bariga – Jimcaale M Xamari
November 3, 2017 - Written by maamule

Hindiya waa waddan ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya. Waa waddan aad u balaadhan, kana mid ah waddamada ugu korriinka badan dhinacyada dhaqaalaha iyo tirada dadka. Bedka dhulka Hindiya waa 3,287,263 KM oo laba jibaaran, waanna wadanka todobaad ee dunida ugu dhul balaadhan. Hindiya waa wadanka labaad ee dunida ugu dad badan, waxa lagu qiyaasaa tirada dadka waddanka in ka badan 1.3 Bilyan. Hindiya oo ku taalla qaaradda Aasiya waxa xuduuddo la wadaaga wadamada Bangladesh, Bhutan, Burma, China, Nepal, iyo Pakistan. Waa wadan ay ku nool yihiin dad ku kala duwan diinta, dhaqanka, caadooyinka, afka iyo waxyaabo kale oo badan. Boqollaal af ayaa lagaga hadlaa wadanka Hindiya. Dastuurka wadanku waxa uu aqoonsan yahay oo u diwaan gashan 22 af oo ay ka mid yihiin: Hindi 41%, Bengali 8.1%, Telugu 7.2%, Marathi 7%, Tamil 5.9%, Urdu 5%, Gujarati 4.5%, Kannada 3.7%, Malayalam 3.2%, Oriya 3.2%, Punjabi 2.8%, Assamese 1.3%, Maithili 1.2%, other 5.9% (CIA) IKK.

Hindiya waa wadanka ay ku nooshahay lo’da dunida ugu badan, waxa ku nool lo’ gaadhaysa 191 Milyan oo 123 milyan ay dhedig tahay. Hilibka lo’da ma cunaan dadka reer Hindiya, qalisteeduna waa ka madnuuc qoomiyadda Hinduga oo aad u waynaysa lo’da.

Dr. Zakir Naik oo ah buuni diimeed iyo dhakhtar culuumta dawaynta ah oo aad caan uga ah dunida ayaa ay qoomiyadda Hindugu kala hortimid dooddo aad u culus ka dib markii uu sheeggay in hilibka lo’du xalaal yahay. Waxyaabihii ugu waawaynaa ee ay ku dooddi jireen ayaa ahaa in sacu uu maalin kaliya kugu quudinayo hilib haddii aad qasho balse uu sanado caano kugu quudin karo haddii aad dayso. Sheekha ayaa isaguna ku doodday in aan Islaamku marka horeba ogolayn in la qalo neef dhalaya, irmaaan ama tarmi kara. Dooddahaas waxa aad ka helaysaan Youtubeka. Hindiya waa wadanka soo saara caanaha ugu badan dunida, waxa uu soo saaraa 19% caanaha dunida korkeeda lagu isticmaallo, iyada oo sanadkii 2014kii dhoofisay 789 tan oo caano ah. Suuqa caanaha ee Hindiya ayaa sanadihii dambe dalabkiisu kacay taas oo shaqo u abuurtay malaayiin Hindiyaan ah oo beeralay iyo xoolo dhaqato ahaa.

 

Doorashadii guud ee wadanka Hindiya ka dhacday 2014kii, dadka coddeeyay waxa ay ka badnaayeen tirada dadka Maraykanka, Ingiriiska, Jabaan, iyo Ustaraaliya oo la isku geeyay, 54 crore oo u dhiganta 540 malyuun oo qof ayaa u soo baxay doorashadaas. Doorashadan oo ahayd mid lagu soo dooranayay xubno baarlamaan oo dhan 543 ayaa ahayd mid leh sagaal wareeg oo socday 7dii April ilaa 12kii May. Waxa ay ahayd doorashadii ugu wakhtiga dheerayd taariikhda wadanka. Gudidii doorashadu waxa ay sheegtay in 814.5 milyan ay isku diiwaangaliyeen codaynta doorashada, taas oo ka dhigaysa in ay 100 milyan ku kordheen tiradii isku diiwaangelisay doorashadii ka horaysay ee 2009kii. Tiradan oo ah tii ugu badnayd ee taariikhda doorasho isku diiwaangelisa. 23.1 milyan oo u dhiganta 2.7% dadkii is diiwaangeliyay ayaa ay da’doodu ahayd inta u dhaxaydsa 18-19 sano. 16kii May ayaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada oo ay u tartamayeen 8,251 musharax. Isbahaysiga dimuqraadiga ah ee NDA ayaa helay tirada ugu badan kuraasta wadanka. Narendra Modi oo ah hogaamiyaha isbahaysiga guulaystay ee NDA ayaa noqday raysal wasaaraha wadanka India. Narendra Damodardas Modi waa siyaasi rug cadaa ah hadana ah raysal wasaarihii 14aad ee wadanka Hindiya. Waxa la doortay bishii May ee sanadkii 2014ka. Waxa uu ahaa wasiirka koobaad ee gobolka Gujurat 2001dii ilaa 2014kii, waanna xildhibaan baarlamaan oo laga soo doorto gobolkaa.

Mudo aad u dheer, jaraa’idka ayaa ahaa nooca warbaahineed ee kaliya uguna wanaagsan ee dunida kale wax laga ga baran karo. Wariyayaasha waxa aad ugu adkayd, marar badana noloshooda dhib u keeni jirtay sidii ay war sugan ku heli lahaayeen. Caqabadahaas oo dhan ka dib waxa ay hawlwadeennadaasi soo saari jireen jaraa’id una gudbin jireen macaamiishooda gudaha magaaladaas ama dalkaas jooga si ay u helaan xogtaas ay u soo dhibaatoodeen. Bilawgii hore waxa jiray in warku aad u daahi jiray maadaama oo aan ay jirin wax dedejiya oo hawsha u fududdeeyaa. Tan ayaa keeni jirtay in aan jaraa’idku u talaabin meel ka durugsan meesha laga soo saaro. Isgaadhsiinta horumartay iyo tiknoolojiyada dunidu waxa ay suurta galiyeen in wararka dunida lagu helo wakhti aad u yar ama si toos ahba loola socda isla marka ay dhacayaan. Wadanka Hindiya oo soo maray xaaladdahaa kala gedisan ee mid waliba duruuftiisa iyo waayihiisa lahaa ayaa hada ka mid ah wadamada weli jaraa’idku yahay warbaahinta loogu jecel yahay. Waxa Hindiya maalintii ka soo baxa in ka badan 4700 oo jaraa’id, kuna qoran in ka badan 300 oo af. “Bombay Samachar” waa jaraa’idka ugu da’da wayn wadanka Hindiya. Waxa uu ku soo baxaa afka Gujuraatiga, waxaannu magaalada Mumbai ka soo baxayay tan iyo sanadkii 1822kii.

Mahatma Gaandi ayaa loo yaqaannaa in uu yahay aabbaha wadanka Hindiya.Waxa uu dhashay 2dii October sanadkii 1869kii, waxaanna  shirqool lagu dilay 30kii January 1948kii. Waxa uu hormuud ka ahaa dagaalladii xornimo doonka ee wadankaasi ku hantay madaxbanaannidiisa.

Dedaalka xornimo doonka ee Gaandi waxa uu ku salaysnaa diin, taas oo keentay in muslimiintii wadanku u arkaan nin aan dantooda wadin sidaana ay ku soo baxaan dad raba in dalka loo qaybiyo laba mid Hindidu leedahay iyo mid ay muslimiintu leeyihiin. Kii Hindidu waa Hindiyada aynu ka hadlayno, kii muslimiintuna waa wadanka wayn ee ay jaarka yihiin ee Pakistan. Ingiriiska ayaa Hindiya haystay muddadii u dhaxaysay 1858kii ilaa 1947kii. Markii Ingiriisku ka baxay, Hindiya waxa ay u kala jabtay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan iyo Jamhuuriyadda Hindiya. 1971kii Baakistaan waxa ka sii go’day jamhuuriyadda Bangaaladeesh, kadib dagaal muddo socday.

Indira Gaandi waxa ay ahayd raysal wasaarihii ugu horeeyay, uguna dambeeyay ee dumar ah ee wadankaas madax ka noqota. Waxa ay dhalatay 19kii November 1917kii, waxaanna ay shirqool ku dhimatay 31kii October 1984kii. Waxa dhalay raysal wasaarihii ugu horeeyay ee Hindiya Jawaharlal Nehru. In kasta oo ay wadato magaca Gaandi hadana meel kama soo gasho qoyska reer Mahatma Gaandi. Waxa ay raysal wasaare ka ahayd wadanka Hindiya 1966kii ilaa 1977kii, iyo mar labaad oo ahayd 1980kii ilaa dhimashadeedii 1984kii. Waa raysal wasaarahii labaad ee ugu mudada dheeraa taariikhda wadanka, aabaheed ayuunbaa ka wakhti dheeraa.

Shabeelka noociisa cad waxa laga hellaa kaliya wadanka Hindiya. Shabeelkan oo ah nooca loo yaqaanno Bengali ayaa leh dhogor cad iyo liidadkii madmadoobaa ee uu caanka ku ahaa shabeelka Bengal. shabeelka Bengalku waa ka inta badan lagu arki jiray filimaanta hindiga ah.

Hindiya waa wadankii ugu horeeyay ee dheeman laga qodo. Dheemankii ugu horeeyay taariikhda waxa laga helay Hindiya hilaaddii qarnigii afraad. Mudo aad u dheer ayaa loo haystay in Hindiya tahay dhulka kaliya ee dheeman laga heli karo ilaa markii dambe laga helay dhulal kale. Ganacsiga dheemanku aad ayuu caan uga ahaa Hindiya iyo China oo aduunka looga sii iib gayn jiray.

Heesta qaranka ee wadanka Bangaaladeesh waxa qoray Rabindranath Tagore oo ka soo jeedday wadanka Hindiya. Rabindranath Tagore waxa uu ahaa mu’alif reer Bengal ah oo magaalada Kolkata ku dhashay 7dii May 1861kii, isla Kolkatana ku dhintay 7dii August 1941kii. Waxa uu noqday ninkii ugu horeeyay ee aan Yurubiyaan ahayn ee ku guulaysta biladda Nobel Prize faraceeda suugaanta oo uu ku guulaystay 1913kii. Tagore aad buu kor ugu qaaday luuqadda Bengalka oo uu suugaan badan oo gabayo iyo buugba leh ka qoray.

Taj Mahal oo ka mid ah meelaha aduunka ugu yaabka badan ayaa ku taalla wadanka Hindiya. Waxa dhismihiisa la bilaabay 1632kii, waxaanna la dhamaystiray 1643kii iyada oo qurxintiisa iyo habayntiisu sii socotay toban sano oo kale. Waxa farta laga qaaday 1653kii. Waxa dhisay boqor muslim ah oo dhulkaas xukumi jiray 1628kii ilaa 1658kii. Boqorkan oo la odhan jiray Shah Jahan ayaa u dhisay xaaskiisii Mumtaz Mahal oo ahayd amiirad reer Beershiya ah una umul aroortay ilmahoodii 14aad. Jacaylka uu boqorku u qabay xaaskiisa oo ahaa mid aad u sareeya, murugo badanna ku riday ayaa ahayd sababta ka dambaysay dhismaha qasrigan. Waxa uu ku yaallaa koonfurta wabiga Yamuna ee magaalada Agra. Waxa uu ku fadhiyaa 17 hiktaar waxaanna ka mid ah masaajid, aqal martida loogu talo galay iyo beero ku wareegsan. Mudadaas uu socday waxa ku baxday lacag dhan 32 milyan oo rubi oo markii 2015 la qiimeeyay u dhigmaysay 52.8 milyan oo rubi una dhiganta 827 milyan oo doolar. Waxa dhismaha ka qaybqaatay in ka badan 20,000 oo farsamo yaqaan oo ay hor kacayaan injineero uu ugu horeeyo Ustad Ahmad Lahauri oo ahaa injineerka gaarka ah ee boqorka. Taj Mahal sanadkii waxa dalxiis ahaan u taga dad gaadhaya 7 ilaa 8 milyan. Waanna goob taariikhi ah oo cadaynaysa taariikhda iyo ilbaxnimada muslimiinta Hindiya iyo ta guud ee dalka.

Ciyaarta Kirikitku waa ta loogu ciyaarista badan yahay, looguna jecelyahay wadanka Hindiya. Inkasta oo ciyaartan ay Hindiya bareen ganacsatadii reer Yurub qarnigii 18aad, kooxdii ugu horaysayna lagu aasaasay magaalada Calcuta 1792kii, hadana xulka qaranka Hindiya ee kubadani muu noqon mid ciyaara ilaa laga soo gaadhay 25kii Juun 1932kii markaas oo ay ahayd wadankii lixaad ee la diiwaangeliyo. Hindiya waxa ay ka mid ahayd wadamada ugu jilicsan Kirikitka sanaddihii hore iyada oo guulaysatay kaliya 35 kulan oo ka mid ah 196kii kulan ee ugu horeeyay. Labaatankii sano ee ugu horeeyay Hindiya may badin hal ciyaar. Xulka Hindiya ayaa noqday mid awood leh oo laga baqo todobaataneeyadii qarnigii labaatanaad. Hindiya waxa ay qaaday koobka Kirikitka aduunka laba jeer 1983kii iyo 2011kii.

 

Mumbai oo horena loo odhan jiray Bombay waa caasimadda maamul-gobolleedka Maharashtra, waana magaalada ugu dadka badan wadanka Hindiya. Waxa ku nool dad ka badan 18.4 Malyuun. Mumbai waxa ay kaabiga ku haysaa xeebta galbeed ee wadanka, waanna xarunta dhaqaallaha, ganacsiga iyo madadaalada ee wadanka. Waa magaalada ugu maalqabeennada badan Hindiya. Shirkada caanka ah ee filimaanta hindiga ah ee Bollywood oo xarunteedu tahay Mumbai waa shirkadda ugu way nee soo saarta filimaanta ee wadanka Hindiya iyada oo soo saarta 43% filimaanta hindiga ah. Shirkadaha kale ee Tamil iyo Telegu ayaa iyaguna sanadahan dambe xoog u soo saara filimaanta iyaga oo soo saara 36% filimaanta hindiga ah. Magaca Bollywood inta badan waxa isticmaala dadka aan hindida ahayn balse marka la joogo Hindiya shirkaddan waxa loo yaqaannaa ‘Indian Cinema’ oo ah magacii ay shirkadu lahayd ama loo yaqaanay berigii hore. Bollywood waa mid ka mid ah shirkadaha filimaanta ee ugu waawayn aduunka marka la eeggo inta qof ee ka shaqaysa iyo inta filin ee ay soo saartay. Sanadkii 2011ka in ka badan 3.5 milyan oo tigidh ayay shirkadu iibisay tan oo ka dhigaysa in ay 900,000 oo tigidh dheerayd shirkada filimaanta Maraykanka ee Hollywood.Bollywood waxa ay soo saartay 252 filim sanadkii 2014ka.

Delhi waa caasimadda wadanka, waanna magaalada labaad ee wadanka ugu dad badan. Waxa ay ku fadhidaa dhul baaxad ahaan lagu qiyaaso 1484 sq Km. Waxa ku nool dad tiro ahaan dhaafay 19 malyuun. Delhi waxa ay ku taallaa waqooyiga wadanka waxaanna hareeraha ka xiga labada maamul ee Haryana iyo Uttar Pradesh. Wabiga Yamuna oo taariikh ahaan kala qaybin jiray Punjab iyo Uttar Pradesh ayaa dhulka Delhi u dhaw ka dhigay mid hodan ku ah beerashada inkasta oo uu u nugu yahay daadad soo noqnoqda iyo wabiga oo ku fataha. Warbixin ay hay’ada caafimaadka aduunku soo saartay sanadkii 2014ka waxa ay ku sheegtay in Delhi ay tahay magaalada hawadeedu ugu wasakhawga badan tahay aduunka. 2016kii waxa ay hoos ugu dhacday kaalinta 11aad. WHO ayaa sidoo kale sheegtay in wasakhawga hawada ee Hindiya uu dilo dad gaadhaya 10,500 sanadkii. In kasta oo ay Delhi tahay caasimadda guud ee wadanka, waxa ay leedahay maamul u gaar ah, badhasaab, gole wasiiro ah, xubno baarlamaan oo ay doortaan dadka ka diiwaangashan magaaladu iyo wasiir koobaad oo maamula golaha wasiirada. Waxa magaalada ku yaalla madaarka caalamiga ah ee Indira Gandhi oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan qaaradda Aasiya, sanadihii 2015ka iyo 2016ka waxa uu qaabilay 48 milyan oo qof oo ku safray diyaaraddaha ka kacay ama fadhiistay madaarkaas. Dhinaca wadooyinka, Delhi waa magaalooyinka ugu jaamka iyo mashquulka badan, basaska baabuurta ugu badan ee ay adeegsadaan dadka magaalada ku dhex safrayaa. Tareennada ayaa sidoo kale laga isticmaalaa magaalada in kasta oo ay dadka isticmaalaa u badan yihiin kuwa u safraya magaalooyinka Delhi ka baxsan. Shan meelood oo tareenka laga raaco ayaa ku yaalla magaalada delhi.

Delhi waa magaalada 28aad ee loogu dalxiis tagida badan yahay aduunka iyo ta koobaad ee Hindiya. Badi dadka ajaanibka ah ee Hindiya soo booqdaa waxa ay tagaan Delhi

Muslimiintu waa dadka labaad ee diin ahaan ugu badan wadanka Hindiya marka laga yimaaddo Hinduuga. Muslimiintu waa 14% dadka Hindiya waanna tiro u dhiganta 172 malyuun, in kasta oo tirakoobyada qaar sheeggaan tiro tan aad uga badan oo gaadhaysa ilaa 240 malyuun. Qarnigii todobaad ayaa ay ganacsato carbeed Islaamka gaadhsiiyeen dadkii ku noollaa Hindiya. Cheraman Juma waa masjidkii ugu horeeyay ee laga dhiso wadanka Hindiya, waxaannu ku yaallaa magaalada Kerala. Maalik Diinaar ayaa dhisay 629kii. Hindiya waa wadanka dunida ugu masaajiddada badan, waxa ku yaalla 300,000 oo masjid, tiro ka badan xataa wadamada muslimiintu u gaarka yihiin.

Dhinaca waxbarashada, wadanka Hindiya waa mid tayo ahaan iyo tiro ahaanba waxwayni u kordheen sanadihii dambe. 74% dadka reer Hindiya waa kuwo wax qora waxna akhriya. Waxbarashada wadanka Hindiya waxa ay u qaybsantaa mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay. Dastuurka wadanka Hindiya waxa uu waalidka ku qasbayaa in ay caruurta u dhaxaysa 6 ilaa 14 wax baraan, waxaanu dhigayaa in waxbarashada da’daasi tahay xuquuq aasaasi ah oo ilma wal oo Hindi ahi leeyahay, waxaanna loo diyaariyay waxbarasho bilaash ah tayo ahaanna aad loo amaanno. Cilmibaadhis la sameeyay sanadkii 2011kii waxa lagu ogaaday in 97% caruurta ku nool miiyada wadanka Hindiya ay u dareereen dugsiyo hoose. Tacliinta sare ee wadanku sanadba ka ka dameeya waa ay soo wanaagsannaanaysay. Marka uu ardaygu ka baxo . dugsiga sare waxa uu toos u helayaa kuliyadda uu doonayo, waxa sidoo kale Hindidu aad u dhiiri galisaa barashada farsamada gacanta oo aad loogu baahi qabo wadanka.

Tirada eber ‘0’, shaanbooga timaha iyo ciyaarta Jeeska loo yaqaanba waxa ikhtiraacay khubaro reer Hindiya ah. Tiradan oo ah midda suuragalisay in ay horumarto xisaabta dunida iyo tiknoolajiyadu waxa qarnigii lixaad lagu ikhtiraacay Hindiya, waanna mid ka mid ah horumaradii ay xisaabtu gaadhay kuwa ugu muhiimsan, maadaama oo aan calculas iyo jajab toonna la soo saareen tiradan la’aanteed.

Celcelis ahaan nolosha dadka Hindidu waxa ay noolaadaan 68.35 sanno. Caafimaadka wadanku waa mid horumar balaadhani ku socdo, dastuurka wadanku waxa uu waajib ka dhigayaa in qof kasta oo Hindi ahi helo caafimaad bilaash ah. Degmo kasta oo wadanka ku taalla ugu yaraan waxa ku yaalla hal cusbitaal oo dawladdu leedahay, kaas oo bixiya adeeg bilaash ah. Hindiya ma laha caymis caafimaad taasina waxa ay keentay in cusbitaallada gaarka loo leeyahay noqdaan kuwa ugu badan ee bixiya adeegyada caafimaadka. Dhaqaalaha Hindiya waa mid ka mid ah kuwa ugu koritaanka badan dunida, sanadkan waxa uu kordhay 7%.

Ciidamada qalabka sida ee wadanka Hindiya waxa la isku yidhaahdaa ciidamada dhulka, cirka iyo badda. Waa ciidanka labaad ee dunida ugu badan waxaan lagu qiyaasaa in 1.4 milyan oo askari ay hada shaqeeyaan, halka 2.1 milyan ay yihiin ciidamo kayd ah, sidoo kale waxa ay caawimo ka helaan ciidamada sida milatariga u tababaran oo gaadhaya 1.3 milyan.

Kashmir waa gobol ay isku haystaan wadamada Hindiya iyo Baakistaan. Waxa uu ku yaallaa cidhifka waqooyi ee qaarad u eekihii la odhan jiray Hindiya. Khilaafka labada dal u dhexeeyaa waxa uu bilaabmay isla markii la kala qaybiyay Hindiya iyo Pakistan 1947kii. Labada wadan saddex jeer ayay ku dagaalameen gacan ku haynta gobolka sanaddihii 1947kii, 1965kii iyo 1999kii. Gobolka 43% waxa xukunta dawladda Hindiya, 37%-na waxa xukunta dawladda Baakistaan halka inta soo hadhayna ay ku jirto gacanta wadanka Shiinaha.

Inkasta oo kumanaan qof oo muslimiin ahi ku dhinteen khilaafka u dhexeeya dadka reer Kashmir iyo dawladda Hindiya, hadana dilalkaasi waa kuwo yaraaday sanaddahan dambe. Ciidamada Hindiya waxa ay Kashmirta ay gacanta ku hayaan ka gaysteen falal badan oo ka baxsan bini aadannimada sida dil, jidh-dil, kufsi iyo ku qasbid in ay baxsadaan dadkaasi. Maleeshiyaadka reer Kashmir laftoodu dhibaatooyin waa ay gaysteen, balse marnaba lama barbar dhigi karo tacadiyada ay ciidamadu gaysteen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa qoray:
Jimcaale M  Xamari
Hargeysa – Soomaaliland.

COMMENTS