Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweyne Muuse iyo Gudida Doorashooyinka
March 6, 2018 - Written by Gacanlibaaxnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland.

Image may contain: 1 person, smiling, indoor

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting, suit and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in  ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.

 

COMMENTS