Socdaalkii Senegal: Kaga bogo halkan. WQ: Cabdiraxmaan Gaas
March 17, 2018 - Written by C M
Wadanka Sinigaal ‘Senegal’ wuxuu ku yaallaa cidhifka galbeed ee qaaraddan cagaaran ee Afrika, wuxuu deris kala yahay dhinaca bari wadamada Guinea iyo Guinea Bissau, waqooyina Mauritania iyo Mali, Inta kalena bad-weynta Atlantic, waxaa xusid mudan inuu wadanka Gambia sidoo kale yahay wadan ku dhexjira Senegal oo dhinackasta uu kaga wareegsanyahay xagadda baddda mooyaane.
Taariikhda cusub ayuun baynu ku bilaabaynaaye, wuxuu xornimada ka qaatay wadanka Faransiiska 1964kii, waxaana madaxweynihii ugu horeeyey noqday Léopold Sédar Senghor oo xukumaayay 1964-1980kii; ahaana nin Kiristaan ah iyadoo wadanku yahay 94% Muslim, haye! Bal kasitee, waxaana xigay Abdou Diouf 1980 illaa 2000 waxaana bedeley Abdoulaye Wade oo xilka hayay 2000-2012kii, waxaana hadda madaxeyney ka ah Macky Sall oo isna Kiristaan ah.
‘Waxaa xusid mudan in wadankani yahay ka keliya ee galbeedka qaarada ku yaalla ee aan Af-gembe Meleteri ka dhicin weligii”
Dadka: Waxaa ku nool in ka badan 15 Milyan oo ka kooban 12 qoomiyadood oo shan ka midi ugu tunweyn yihiin, qoomiyadda ugu badani waa Wolof oo dega waqooyiga iyo badhtamaha; waxaana lagu qiyaasaa inay kala badh ka yihiin wadanka, luuqadoodu waa ta guud ee wadanka. ‘Assalaamu alaykum’, ‘malaykuma salam”, ‘non ge def’ waa erayada ugu horeeya ee aad ku salaamayso qofka Senegali ga ah. Woqooyiga wadanka waxaa wada deggan Fula/Peul/Fulbe/Fulani, waana qoomiyadaha ugu ballaadhan galbeedka Afrika. Serer waxay degaan gobolada badhtamaha, Malinke iyo Madinka waxay degaan dhinaca koofureed sidoo kale Diola/Jola waxay degaan koonfur galbeed. Qoomiyadaha yaryar waxaa ka mid ah Tukulor, Serahuli, Bassari, Bédik and Lebou. ‘Ufiirso qabaa’il maaha waxani waa qoomiyado  luuqada iyo dhaqankaba ku kala duwan weligoodna dagaal ma dhex marin’.
Soo dhawaynta iyo sooryeyntu waa dhaqan ay ku suntanyihiin dadka reer Senegal, waxaa intaa u dheer qoob ka ciyaar iyo damaashaad ay kugu qaabilayaan, waxaanay aad u farxaan haday arkaan inaad leedahay macag ay fahmayaan, tusaale ahaan aniga waxay iila bexeen ‘Demba Konato’, hadaad hesho qof aad isku magac tihiina wuu kugu dhegdhegayaa; farxad qaarana wuu dareemayaa, siiba dadka masaakiinta ah.
Adeegyada Bulshada: Caafimaadku waa meelaha uu  wadanku xooga saaro oo 12% miisaaniyada wadanku waxay gashaa caafimaadka waxaanay awooda saaraan cudurada ay ka mid yihiin, kaneecada, AIDS ka iyo Tallaalka, “Nasiib wanaag xaddiga xanuunka AIDS ka qabaa way ka yaryihiin 1%”. Iyadoo ay sidaa tahay hadana dhimashada caruurtu wey sareysaa oo 11 caruuraba mid baa dhinta intaanu shan jir gaadhin. Waxbarashada waa meelaha ugu sareeya Galbeedka Afrika dadka waaweyn 50% in ka badan ayaa kara akhriska iyo qoraalka, caruurtana 70% in ka badan ayaa dugsiyada aadda, wallow caqabado bandanna haystaan sida tirada Hablaha ee dugsiyada tegeysa oo hoosaysa, Buugaag ku qoran luuqadohooda gaar gaarka ah oo xadidan IWM.

Dhaqaalaha: Wadanku wuxuu isugu jiraa dad Beeralay ah, Kaluumaysato iyo Xoloo dhaqato, waxay soo saaraan cuntada ay cunaan inteeda badan, walaw dadku jecelyihiin sida Afrikaanka kale waxa lasoo dhoofiyo hadana waa wadan isku fillaan kara oo aan calooshiisa cid ugu yeedhanahayn. Sidoo kale waxay leeyihiin wershado sida kuwa Dharka tola, kuwo cuntooyinka farsameeya, kabaha iyo qaar kale. Wuxuu ku yaallaa meel aad u Istaraatiiji ah maadaama oo ay kulaalayaan qaaradda Ameerika iyo Yurub, waxay leeyihiin goobo dalxiis oo cajiiba sida Jaziirada Goree, sannadkii 2017kii waxay ku biirisay dakhliga guud ee wadanka (GDP) 11%; taasoo ka dhigan in dalxiisku muhiimad gaara u leeyahay. Qofkii waxaa kaga soo hagaagaaya Dakhliga guud ee wadanka 1093.40 USD, waana lacag aad u sareysa marka loo eego wadama Qaarada.
WQ: Cabdiraxmaan Gaas

COMMENTS