Nuxurka Buugga “Sooyaal 2012” ee uu Qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo iyo Dareenka ka Dhashay 2018ka
April 9, 2018 - Written by C M

|Sawirka buugga Sooyaal oo soo baxay 2012 Waxa qoray Cabdiraxmaan C. Faarax “Guribarwaaqo”|

Maalmahan waxa aad loo hadalhayey buugga la magacbaxay SOOYAAL ee uu qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo. Buuggaas oo gacantayda soo galay 2012kii ayaan jeclaystay in aan dareenkayga ka dhiibto, maadaama siyaabo kala duwan loo sharxay, gaar ahaan gabayo ku jira oo aad looga cadhooday. Qalad maaha in wax la diido. Laakiin waxaa muhiim ah in aad buugga aragto, oo akhrido, si aad adigu dareenkaaga u cabbiri karto. Waa laga wanaagsanyahay in haddii war lagu soo gaadhsiiyo aanaad hubsan. Dadkuna isku fikir ma noqon karaan ee qofba si buu wax u arki karaa, waana sababta ay muhiimka u tahay in loo talobadsado, wax kasta oo aad go’aaminayso oo saamayn ku yeelan kara dadka. Marka aad si daacada oo Ilaah kugu ogyahay wax u saxayso ama qalad u tilmaamayso bulshada, waxa habboon in aanaad qalad ku sixin qalad kale.

Qoraaga buugga qoray maanta waa wasiirka Warfaafinta ee Somaliland, sidaa awgeed la yaab ma laha in buug la qoray 6 sannadood ka hor wax laga weydiiyo, waayo maanta waa masu’uul Qaran. Waanay habboontahay qof kasta oo xil qabanaya in wax laga ogaado qoraalkiisii iyo qawlkiisii hore. Inkastoo aynaan taa u bislayn, haddana lama yaabayo soo hadalqaadka buugga la qoray 2012. Waxaase farta innoogu fiiqay nin la yidhaahdo Beddel. Haddaba waxa yaab ah, sida la inoo sheegay in Beddel iyo Guribarwaaqo aanay isku cusbayn, oo hawli dhexmartay beri hore, oo uu wax tirsanayey Beddel, taasi waxa ay u muuqanaysaa inuu Beddel weerar ku yahay wasiirka oo xilka ku cusub ee aanay ka ahayn wax sixid.
Xaalku si kastaba ha ahaado’e buugga Sooyaal, anigoon lahayn wax ceeba laga heli maayo oo uu qoray qof banii’aadam ah, oo qaldami kara, ayaa waxa aan diidey hadalada odhanaya buugga waa in la gubaa. Horta buuggu muxuu ka hadlayaa? Waxa uu ka hadlayo waa la naqdiyi karaa, gabayada run ahaanshahooda waa la raadin karaa. Wixii been noqdana waxa furan in qoraagu sheego halka uu ka keenay, sida aan buugga ku arko, inta badan qoraalada buugga ku jiraa waa kuwo leh raadraac.
Muxuu Buuggu Ku Saabsanyahay?
Buugga waxaa sal u ah, dhalliilo uu lahaa Maxamed C Xasan. Dabcan odhan maayo buugga waxa ku qoran oo dhan waa dhalliilihii uu lahaa Maxamed Cabdulle Xasan, wax ka xun iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin inuu bulshada soomaalida u geystay, baa aynu dad badan ka soo gaadhnay oo ka sheekayn jiray. Laakiin weydiintu waxa ay tahay hore buug miyaa looga qaray baalka dhalliisha uu lahaa IHN, Maxamed Cabdulle Xasan? Haa, waa ay jiraan mase badna. Raadraaca uu Cabdiraxmaan sameeyey waa kuwo ku aroora buugaagtaa hore ee laga qoray sida bugga uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid 1984kii. Raadraaca buugga waxa aad ka arkaysaa dhammaadka buugga ilaa 25 buug oo uu qoraagu ka soo tixraacay qoraalka buugga ”Sooyaal”.
Waxaadse ogaataa buugaagta ugu badan ee laga qoray Maxamed C. Xasan waxa ay qariyaan wax alla wixii dhalliil uu lahaa halgankaasi. Waxa ay dhalliisha saaraan soomaalida intii diiddey hoggaankiisa uu doonay inuu xoog ku maamulo dadka inta ka ra’yiga duwan ama ku abtirsanayey Dariiqooyinkii markaa jiray ee Qaadiriya iyo Axmediya, oo uu ku qasbayey inay isaga raacaan oo qaataan ”Saalixiya”
Qof ahaan anigu taariikhda Maxamed C. Xasan, mar waan ku faanaa, oo waa marka uu yahay nin soomaaliyeed oo taariikh dheer dagaal kula jiray Ciidamadii Ingiriiska. Marna waxa aan ogolahay in wax laga ogaado sababihii dadka soomaalidu uga soo horjeesteen. Inta badan buugaagta aan arkay ee hore looga qoray Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan, dadka waxa ay ka dhigaan Gaalo-Raac iyo Daraawiish, taasoo weliba la sii sharxo oo beelaha qaar laga sii dhigo inay gaalada u adeegayeen, ahaayeenna dad aan garaad lahayn. Sharraxaaddaas oo ah gef laga gelayo bulshadii soomaalida ee berigaa noolayd.
Tusaale yar aan ku soo koobo, meelihii bilawgiiba laga diiday in lagu raaco hawshii uu ula yimi Ina Cabdulle Xasan bulshadii soomaaliyeed. Markii uu Berbera ka yimi waxa uu bartilmaameed ka dhigtay Guriga Dariiqada Sheekh. Goobtaas waxaa aasaasay Sayid-Aadan Axmed Madar, oo ilaa hadda qudbigiisu ku yaallo isla goobtaa. Inkastoo xilligaa ay ugu xoogbadnayd deegaanka soomaalida oo dhan Dariiqada Qaadiriya, balse Sayid-Adan waxa uu halkaa ka unkay Dariiqada Axmadiya/dandaraawiyah.
Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu ogaa in halkaas ay ka jirto Dariiqada Axmadiya, isaguna waxa uu watay ama uu Maxamed Saalax oo fadhiyey Maka uu u soo wakiishay Dariiqada Saalixiya, oo markii hore ka mid ahaan jirtay Axmadiya, intii aanuu Maxamed Saalax ka cadhoon culimadii Axmadiya/Dandaraawiyah ee aanuu ka bixin oo aanuu samayn Dariiqada Saalixiya. Haddaba markii uu Maxamed C. Xasan ula yimi Saalixiya culimadii Dariiqada Sheekh, waa ay diideen iyagoo u arkayey inuu hoggaaminayo qayb ka fallaagowday Dariiqadii Axmadiya. Ka dib waxa uu u gudbay deegaanka Oodweyne, halkaas oo uu markii danbe ka soo weeraray Culimadii Dariiqada Sheekh, waanuu gubay aqalladoodii, iyaguna waxa ay galeen buuraha dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Sheekh.
Ogsoonoow, bulshada soomaalida intooda badanina waxa ay ka mid ahaayeen Dariiqada Qaadiriya. Sidaa awgeed dhinaca Culimadii diinta kamuu helin taageero, ee waa ay ku gacansaydheen. Miyaa la odhan karaa dadkaasi waxa ay ahaayeen gaaloraac, mise arrimo ku sinnaa aqoontoodii ayey isku diideen? Anigoo sidaan horeba u tibaaxay ku faanaya halgankii Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan ayaan haddana ogsoonahay in wixii lagu diiday aanay ahayn gaalo-raacnimo ee ay jiraan waxbadan oo lagu diiday.
Dhinaca Madaxdhaqameedka, waa ay iska horyimaaddeen, Garaaddo iyo Salaadiin bilawgii taageeray, oo markii danbe ka horyimi, waa uu dilay, wax qarsoonna maaha. Qaladaadkaa waaweyn ee uu galay Maxamed C. Xasan IHN, in wax laga qoro, waxdiidayaa ma jiraan. Haddii kale qoraalladaa hore ayuunbaa jiri doona ee odhanaya Daraawiish iyo Ina Cabdille Xasan ayuunbaa wax garanayey dadka inta kale waxay ahaayeen dad caammo ah oo indho la’.
Maxaa kale ee uu buuggu ku saabsanyahay?
Buugga Sooyaal waa buuggii iigu horreeyey ee aan ka akhristo heshiisyadii beelaha reer Somaliland ay la galeen Saancaddaalihii Ingiriiska. Waa heshiisyadii oo faahfaahsan, odayaashii heshiisyadaa saxeexay, goobihii heshiisyadaasi ka dhaceen iwm. Qaybtani, waa qayb aad u mihiim ah marka laga hadlayo taariikhda Somaliland. Heshiisyadaasi waxa ay ka dhaceen Cadan, Seylac iyo Berbera waxay bilaabmeen 1884kii waxaanay soo dhammaystirmeen 1886kii. Inkastoo uu Ingirsiiku dafiray berigii danbe, laakiin waa taariikh cad oo odayaashii xilligaasi ay heshiis la galeen Ingiriiskii, kaasoo ahaa ilaalin iyo in aanuu dalkooda siduu doono ka yeeli karin. Waxa laga yaabaa dalalka Afrika in aanay heshiisyo kuwan soomaalidu gashay, la mid ahi meelnaba ka dhicin, ma hubo waase wax la baadhi karo. Waxaana la odhan karaa Somaliland Protectorate ayey ahayd ee ma ahayn dal ingiriisku gumaysanayey oo siduu doono ka yeelayey, wixii aanay dadku fahmi karayn mooyaane. Wax kasta oo ay tuhmaan waa ay ka diidi jireen, isaguna tallaabo ayuu dib u qaadi jiray.
Waxa kaloo buugga ku jira.
Qaybo la odhan karo waxa uu qoraagu gorfayn ku sameeyey buuggii Aw Jaamac Cumar Ciise oo saddex Nuqul kala ah, kii 1976kii, 1999 soo baxay iyo kii lagu daabacay Jabbuuti ee soo baxay 2005. Saddexdaa nuqul waxa ku jira qoraallo aad mooddo in ujeeddo laga lahaa. Sida gabaygii Ina Cabdille Xasan ee ay ku jirtay “Ciisaha Bakhtiga Hiigayiyo Huqay Midgaanbaa leh” Diiwaankii 1976kii wax faahfaahin ahi lama socon, laakiin markii lagu daabacay Jabbuuti, waxa la raaciyey faahfaahin odhanaysa Ciise waa Ciise Muuse/Habar Awal. Buuggan Sooyaal ayaa si fiican inoo soo hordhigay arrinkaas loo badheedhay.
Waxa kaloo nuqulkii Diiwaanka Sayidka ku qoran in ay u tegeen Sh Maxamed Saalax oo ahaa shiikhii Ina Cabdille Xasan IHN, laba shiikh oo caan ka ahaa dhulka soomaalida oo kala ahaa Sh Ismaaciil iyo Sh Cali Nayroobi. Nuqulka danbe ee lagu daabacay Jabbuuti waxa ku qoran inuu saddex ku ahaa Sheekh Madar oo fadhiggiisu ahaa Hargeysa. Labada sheekh ee hore waa niman wakiil ka ahaa Dariiqada Saalixiya, oo u tegay sheekhoodii Maxamed Saalax, halka Sheekh Madar uu ka ahaa wakiil Dariiqada Qaadiriya, waa been abuur cad. Arrimahaas iyo kuwo kaloo badan ayuu buugga Sooyaal, innagu baraarujiyey.
Maxaa la qoonsaday?
Gabayga dad badan ka cadhoodeen ee buugga ku qoran waa afar sadar, dabcan ujeedada qoraagu way caddahay oo waxa uu tusaalaynayaa in aanay dhaqan ahaan iyo diin ahaanba qummanayn in haweenka la aflagaadeeyo. Sidaa awgeed ayuu leeyahay, gabaygaas ninkii tiriyey wuu ka dhaartay, waase la xukumay, oo lagaga saaray gabayaanimadii. Tusaalahaasi waxa uu qoraagu ku iftiiminayey, in aan gabayada Ina Cabdulle Xasan wax xukun ah lagu sheegin iyo in nin shiikh ah oo laga danbeeyaa uu gabayadaa aflagaadada ah tiriyo aanay isqabanayn.
laakiin saddex qodob, waan dareemayaa in loo baahanyahay. 1. In qoraagu buugga si mug leh u sharxo goor ay ahaataba 2. In qoraagu halka uu ka soo raadraacay gabaygaas dib ugu noqdo, oo hubiyo isla markaana sharxo ujeedadii uu ka lahaa. 3. Dadka Toojka innoogu qabanaya sadarada kooban ama baal ka mid ah buugga inay Ilaahay ka baqaan, oo fidnada ay dadka ku dhextuurayaan ka waantoobaan. Waxa qoraaga ka muuqata inuu wax hagaaji islahaa, laakiin waa cashar laga baran karo wixii qoraal gelaya ee magacdhebaya reer ama reero ama shaqsiyaadba.Waxa kaloo ila habboon, gabayada Ina Cabdille Xasan IHN, meelaha ay ku jiraan erayada aan akhriska ku habboonayn, in si kale loo sheego oo shareeran. Arrimahaasi waa talo aan u soo jeedin lahaa qoraaga.
Beddel oo ah ninka caroogga qaatayna, waxa aan odhan lahaa, sidaa waa laga habboonaa, oo adigii baa faafiyey wax aan hore loo ogayn, adigii baa maanta dhigay Internetka meelkasta ku faafiyey, haddii buuggu uu hal danbi lahaa 100 danbi ayaad yeelatay. Haweenku waa hooyo, oo aynu ugu jecelnahay dunida, beelna maaha hooyo waa hooyo! ee wadwadka noocaas ah, waa laga wanaagsanaa. Si sharaf leh oo Milge leh oo asturan baa loo eegi lahaa wixii qalad ah ee la qoonsado.
Gebagabo.
Buuggu haddii uu dhalliil leeyahay, dheefna waa leeyahay. Ha la gubo afka way ka weyntahaye yeynaan horseedin dagaal la la galo buugaagta. Ha la saxo buugaagta inoo soo baxda, ha la tifaftiro, ha la akhriyo. Waxa caddayn u ah in aynaan waxba akhriyin buuggaa, soo baxay 2012 inta aragtay ee aan akhriyin ayaa badan ama inta laba jeer la rogrogay la iska dhigay. Qoraayadana waxa aan leeyahay, aynu la jaanqaadno bulshadeenna, wax badan ayaa u baahan xeerin iyo xaqdhawr. Qofkastana masuuliyad baa ka saaran dadkiisa, inuu si deggen oo aan fidno abuur ahayn uu wax u xalliyo. Qoraalka aad qoraysaa, waa uun qawlkii aad ku hadlaysay. Banii’aadam baynu nahay oo waynu qaldamaynaa, laakiin yeynaan u badheedhin qaladka.
Alloow Eex Ma Tiraabine Aqoon Haygu Cadaabin……………Gaarriye, IHN
Nabad iyo Caano
24/03/2018 Iswidhan
Sayid-Axmed Dhegey
——————————————————————————–
Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.

COMMENTS