Xalka Colaada Ceel-Afweyn Waa Qaranimo Qabyaalad Maaha
June 22, 2018 - Written by Gacanlibaaxnews

Waxaan Xasuustaa in aan laba sannadood ka hor qoray maqaal cinwaankiisu ahaa: (Talo Soo Jeedin Ku Saabsan Nabadaynta Sanaag) oo aad ka daalacan kartid boggag badan oo af-soomaali ku qoran oo uu ka mid yahay boggani (http://somalilandtoday.com/talo-soo-jeedin-ku-saabsan-nabadaynta-sanaag-prof-maxamuud-jaamac-axmed-xamdi/), waxa aan ka soo xiganayaa dhawr layn:

marka ugu horraysa waa in aan u mahad-naqaa isla markaana bogaadiyaa xukuumada JSL dadaalada ay ku raadinayso nabada gobolka sanaag, laakiin waxaan aaminsanahay in qaabka ay wax u wado ay hollac iyo mushkilad ka weyn ay dhalinayso mustaqbalka dhaw.

Maanta oo maqaalkan laga joogo 2 sannadood, dadka qaar waxay odhan karaan holaca iyo dhibta ka weyn ee aad wakhtigaasi sheegaysay wuu dhacay, aniguna waxaan leeyahay dhibta iyo holaca aan u jeeday wuxuu ahaa in uu dagaalku soo gaadho Hargeysa, laakiin Ilaahay mahadii dagaalku deegaanadaasi muu soo dhaafin wali, oo xita magaalada Burco oo ah goob khatar badan ayaanuu wali u gudbin, laakiin waxa aan 100% hubaa inuu wakhti aad u dhaw uu soo gaadhi doono magaalada Burco iyo Ceerigaabo ugu horrayn ka dibna uu ku dambayn doono Hargeysa, markaasaanay dhacaysaa dhibtii ugu weynayd ee aan ka digaayay…. Ilaahay xaaladaasi inama gaadhsiiyo… waxa kaliya oo baajin kara dhibtaasi waxay tahay inay xukuumadu badasho qaab-dhaqankeeda ay dalka ku maamulayso guud ahaan, siiba xiisada Ceel-afweyn.

Si aan fikrada u soo koobo, waxaan u soo bandhigayaa qaab su’aalo ah:

  1. Ma Waxa Dagaalamaaya Muwaadiniin mise Reero?
  2. Haddii Ay reero dagaalamayaan, yaa reeraha ka masuul ah? Ma Madax-Dhaqameedka mise Dawlada?
  3. Haddii ay madax-dhaqameedku ka masuul yihiin dadwaynaha deegaankaasi, maxay dawladu masuul ka tahay?
  4. Ciidanka Qaranka ee kala dhex fadhiya waa ayo? Ma Reer-baa mise waa dawlada?
  5. Haddii uu dawlada yahay, miyaanay askartiisu ka koobnayn dad reero ka soo jeeda? Mise iyagu reero kama soo jeedaan?
  6. Dhacdada Kornayl Caare ma wax u gooni ahbaa? Mise waa arrin askarta kale lafteeda ay dareemayaan? Oo askarigu ugu dambayn wuxuu la dareen yahay jawiga guud ee dalka ka taagan haddii ay tahay Qabyaalad ama Qaranimo, mise isagu jasiirad gooni ah ayuu ku nool yahay?
  7. Haddii ay dawladu laba reerood dhex-dhexaadinayso, dadka dawlada ka shaqaynaaya iyaga laftoodu miyaanay reero noqonayn?
  8. Khilaafaadka maanta taagan miyay la mid yihiin kuwii sagaashameeyadii taagnaa?

Si kooban aan u xuso in xal kasta oo canjilaaya qaabkii heshiisiinta reeraha ee sagaashameeyadii uu guul-darro ku dhammaanaayo mar kasta, sababtoo ah sagaashameeyadii dagaaladu waxay ku saabsanaayeen dhisida dawlada, laakiin wakhtigan dagaaladu waxay ku saabsan yihiin manfaca dawlada iyo danta laga dheefaayo.

Sagaashameeyadii qofka yidhaahda (dawlada aynu taageerno) wuxuu qofkaasi ka dhignaa qof dan guud ka hadlaaya, laakiin qofka maanta isla eraygaasi yidhaahda wuxuu u muuqdaa qof dantiisa gaarka ah difaacaaya, sababtoo ah qeexitaan dawladnimo oo laga midaysan yahay ayaan jirin.

Dawladnimada waxa astaan u ah inay dadka ay si toos ah ula dhaqanto, iyadoo aan u marayn cid kale, taasoo gabi ahaan ka hor imanaysa qaabka reernimo, iyadoo madax-dhaqameedku ay isku arkaan inay masuul ka yihiin cid kasta oo ku ab-tirsata reerkaasi, sidaa awgeed haddii ay dawladu doonto inay xal ka gaadho, xalkaasi ma waxa fulinaaya dawlada mise reeraha meesha degan?

Haddii ay xukuumadu go’aamo soo saartay dhawr jeer oo hore ka dibna ay dhibtu soo noq-noqotay, ma waxa eedda leh Dawlada fulin kari wayday go’aamadeedii, mise dadka deegaanadaasi degan?

Haddii ay eedda yeelanayso xukuumadu, taas mecneheedu waxay tahay in lala xisaabtamo masuuliyiinta sare ee xukuumadan iyo tii hore isla markaana xilka laga qaadaa kuwa hadda xilka haya, maadaama ay ku fashilmeen inay nabad-dhaliyaan, oo loo dhiibo dad uga aqoon badan ama uga daacadsan.

Laakiin haddii ay masuuliyada soo noqoshada dagaalka ay sabab u yihiin dadka deegaanka degan, markaa su’aashu waxay noqonaysaa (dawladu shaqadeedu maxay tahay?), shaqadeedu ma waxay tahay inay baaq dirtaa sida qaramada midoobay marka ay laba wadan is-dilaan? Mise masuuliyad ayaa saaran?

Dabcan jawaabtu waxay tahay in masuuliyada  100% iyo eeddu ay saaran tahay xukuumadan iyo tii hore, maadaama shaqada ugu yar ee dawladaha loo xil-saaray ay tahay ilaalinta amniga shacabka, oo haddii shacabka isaga loo xil saaraayo inuu amnigiisa ilaaliyo, markaa dawladi inay jirtaa wax baahi ah oo loo qabaayo ma jirayso.

Markaa nabada laga hadlaayo waxa loo yaqaanaa inay tahay hannaan (Ongoing Process), balse ma aha arrin hal mar la dhammeeyo sida dagaalka oo kale, sidaa awgeed guddi kasta oo loo diro cida ay doonto ha ka koobnaato way awoodaa inay xal qurux badan soo saarto, laakiin su’aashu waxay tahay ma jiraa nidaam dawladeed oo shaqada maalin-laha ah qabanaaya si nabadu u sii kobocdo?

Jawaabta muuqataa waxay tahay in aanay jirin nidaam dawladeed oo hufan oo qaban kara shaqooyinka maalin-laha ah ee dadwaynuhu u baahan yihiin xaaladaha caadiga ah ee nabada lagu jiro, iskaba daa marka lagu jiro xaalad amni-darro.

In la helo nidaam dawladeed oo hufan oo muwaadiniinta si qaranimo leh ugu adeegi kara waxa caqabad weyn ku ah maamulka maanta jira oo ah maamul qabyaalad ku suntan, oo sifo kasta oo Qaranimo leh ay argagax galinayso, maadaama ay ka dhalanayso in lala xisaabtamo.

Markaa dadka sama-doonka ah ee dhab ahaan u doonaaya inay nabadgalyada ka shaqeeyaan, waxa la gudboon in aanay ka garaabin jileeca dawladnimo oo ay is-yidhaahdaan (waad buuxin kartaan kaalintaasi), taasina waxay sababaysaa inay dawladu sii jilicdo isla markaana xal aan laga gaadhin, iyadoo tani la mid tahay guddiyada gurmadka abaaraha oo iyagu curyaamiya wasaaradaha iyo hayadaha dawlada inay kobcaan oo ay shaqadooda si fiican u gutaan, isla markaana aan gurmadka wax badan ka tarin.

Arrinta kale ee khatarta leh mar kasta oo la ballaadhiyo dadka ka qayb qaadanaaya daminta colaadaasi waxay tahay, in maadaama ay fashilaadu tahay arrin 100% la hubo maadaama aanuu jirin nidaam dawladeed oo qaab qaranimo leh u shaqaynaaya, sidaa awgeed ergada tirada badan ee ay guul-darradu gaadho waxay noqonayaan shidaal lagu sii shubo colaada, iyagoo cid gaar ah eedayn doona marka ay colaado soo noqoto, taasina waxay sii xoojinaysaa xaalada colaadeed, arrintanna waxaynu aragnay sannadihii hore oo mudan in aynu cashar ka qaadano oo aynaan mar dambe soo celin.

Markaa Xalku waa inay xukuumadu Qabyaalada ka dayso colaadaasi ee ka bilaabmaaya odhaahda ah (laba reerood) oo ay qaab dawladnimo leh u dhaqanto, oo ay eeda saarto qof iyo qofaf, balse aanay ku hadlin af-reereed…. Xalka ugu fudud waa kaas, laakiin su’aashu waxay tahay yaa xukuumada ku khasbaaya inay xalkan qaadato maadaama ay masuuliyiinta xukuumada ay dhibaato ka soo gaadhayso fulinta xalkan???? Su’aashan jawaabteeda ma hayo…

Ilaahay SWT waxaan ka baryayaa inuu danteena ina garansiiyo… Nabada iyo horumarkana inoo xoojiyo … Aamiin.

WQ: Maxamuud

COMMENTS