Waddamada England Iyo Croatia Oo U Soo Baxay Semi-finals Ka Koobka Adduunka Ee 2018
July 8, 2018 - Written by C M

Waddamada Ingiriiska iyo Korooshiya, ayaa u soo baxay semi-finals, ka dib markii ay labadu ba ay ciyaarihii shalay guul ka la hoydeen.

Xulka waddanka Ingiriiska oo ciyaar xamaasad lihi dhex martay xulka waddanka Iswiidhan, ayaa 2 iyo 0 ay guushu ku raacday Ingiriiska.

Halkan hoose ka daawada muuqaal soo koobaya sidii ay ciyaartu u dhacday.

Ciyaarta labaad ee shalay dhacday oo ahayd tii ugu dambaysay quartef-finals, ayaa dhex martay waddamada Ruushka oo ah dalka doorkan marti gelinaya koobka adduunka iyo Korooshiya/Croatia. Ciyaartaas oo ahayd mid labada kooxood ay wacdaro soo badhigeen,  ayaa sagaashankii miridh ee ciyaarta loogu talogalay waxay ku dhammaadeen 1 iyo 1. Waxana lagu daray soddon miridh oo dheeraad ah, halkaas oo labada kooxood ba ay mid hal gool keensadeen.

Markii ay kala bixi waayeen, ayaa waxa loo dhigay rikoodhayaal. Waxana ay sidaa guushu ku raacday waddanka Korooshiya/Croatia oo dhaliyey 4 gool iyo Ruushka oo 3 dhaliyey.

Halkan hoose ka daawada muuqaal soo koobaya sidii ay ciyaartu u dhacday.

 

 

 

 

 

Waxana semi-finals ka ay waddamadu isugu beegmi doonaan; Faransiiska iyo Biljimka (Salaasadda 10/7/2018), halka Ingiriiska iyo Karooshiya (Arbacada 11/7/2018).

 

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

 

COMMENTS