Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Kormeer Kedis Ah Ku Samaysay Shaqaalaha Ammaanka Ee Madaarka Hargeysa
October 2, 2018 - Written by C M
Hargeysa (GLN): Masuuliyiin uu horkacayo guuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalha Dawladda ee Somaliland Sharmaarke Geelle, ayaa saaka kormeer ku kedis ah ku sameeyey tirada iyo tayada shaqaalaha ammaanka ee garoonka diyaaraha ee Hargeysa.
Guddoomiyaha oo qoraal uu ku faahfaahinayo ujeedda kormeerka ku qoray bartiisa Facebook, ayaa waxa uu yidhi: “Subaxnimadii hore ayey ahayd kadib markii hawl-wadeenada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay wehelinayaan Madaxda madaarka Hargeysa oo uu horkacayo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland kormeer kadis ah ku soo mareen qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Ammaanku ka hawl-galaan gegada diyaaradaha ee Cigaal International Airport,” ayuu yidhi guddoomiye Sharmaarke: “Kormeerkan oo isugu jiray hubinta joogitaanka shaqaalaha iyo indho-indhaynta hufnaanta hawl-gudashada ayaa socotay 6:30 Subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo halkaas oo labada kal shaqo “Two Shifts” loogu kuur-galay xiliga, xaalada iyo xirfadooda ba.”
Waxa uu mar kale intaa raaciyey oo uu yidhi: “Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii dawladdu dib u la soo noqotay gacan ku haynta ammaanka madaarka iyada oo shaqaalihii ka hawl-galayeyna sidoodii shaqada u wataan.”
Waxa uu sheegay inay arkeen shaqaale feejigan oo shaqada ku wanaagsan: “Intii kormeeku socday waxa Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u muuqanaysay shaqaale ay ka muuqato farsamo iyo feejignaan dheeri ah, kuwaas oo qof iyo qalab ahaan ba u diyaarsan in ay sugaan Amniga madaarka oo ah marinka iyo muraayada koobaad ee dal laga soo galo,” ayuu yidhi guddoomiye Sharmaarke.
Waxa uu guddoomiyuhu shaqaalaha ay kormeerka ku sameeyeen ku ammaanay qaabkooda gudashada shaqada, isaga oo arrintaa ka hadlaya na waxa uu yidhi: “Ugu dambayn, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay hambalyeynaysaa shaqaalihii saacadihii shaqada sida wanaagsan u ilaalinayey, kuwaas oo ay ku adkaynayso u jajabnaanta shacabka iyo bixinta adeeg hufan. ”
Waxa uu sheegay in ay samayn doonaan kormeerro kale oo dabagal ah: “Kormeerkan ayaa bilow u noqon doonto kormeero lama filaan ah oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku daba-gali doonto shaqaalihii is-diiwaangeliyey mudooyinkii dambe in ay xarumihii shaqada ku sugan yihiin iyo sida oo kale in si cad la xisaabtan uga imaado saacadaha shaqada ee shacabku xaqa ugu leeyihiin shaqaalaha,” ayuu yidhi guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalah Dawladda Somaliland Sharmaarke Muxumed Axmed Geelle.










Gacanlibaaxnews.com
News Des.
COMMENTS
|
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
-
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
-
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
-
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. “Kuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
-
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
-
Muranka Somaaliya iyo Jabuuti, Waxaa La Gaadhay Xilligii Uu Farmaajo Xilka Ka Degi Lahaa. Faallada Xassan Cumar Hoorri
Dadweynaha Somaaliya ayaa, maalmahan, si isdabajoog ah u eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyagoo ku canb...
Monday, August 6, 2018
-
REFLECTIONS ON BERBERA PORT CONCESSION AGREEMENTIN ANTICPATION OF CHANGINGES IN THE HORN OF AFRICA. By: Dr. Mohamed Fadal:(mohdfadal@yahoo.ca)
The Berbera Tripartite Concession Agreement which Somaliland entered with the DP World of the United...
Saturday, August 4, 2018
-
Qasab Ma Aha Inaad Gudubtaa! WT: Xamse Cumar Kujoog
Maalmo ka hor markii ay ardaydu galayeen imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ayuu maamulihii dugsigu farr...
Monday, July 23, 2018
-
Baaq-nabadeed Iyo Talooyin Ku Waajahan Nabadaynta Ceel-afweyn. WQ: Jaamac Gaabuush
Aniga oo aad uga xun in aanay ii suurtogelin in aan ka qaybqaato nabadaynta labadaa beelood ee dad i...
Tuesday, July 17, 2018
-
Xalka Colaada Ceel-Afweyn Waa Qaranimo Qabyaalad Maaha
Waxaan Xasuustaa in aan laba sannadood ka hor qoray maqaal cinwaankiisu ahaa: (Talo Soo Jeedin Ku Sa...
Friday, June 22, 2018
-
Lacagta Jabhadda! WQ: Khaalid Foodhaadhi
Safar degdeg ayuu ahaa kaasi oo aan ugu baxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Abba...
Friday, June 22, 2018
-
Hoggaaminta Geeljiraha iyo Askariga midna laguma hodmo W/Q:Dr-Abdulqani Hussein Bede
Raacatada waxa ugu cadowsan geeljiraha, dadkana waxa ugu qalafsan askariga.
Intaas dood...
Tuesday, April 17, 2018
-
Yusuf-kii kale: Yusuf Garaad
Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii ...
Monday, April 16, 2018
-
Nuxurka Buugga “Sooyaal 2012” ee uu Qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo iyo Dareenka ka Dhashay 2018ka
[caption id="attachment_15555" align="alignright" width="196"] |Sawirka buugga Sooyaal oo soo baxay ...
Monday, April 9, 2018
-
Socdaalkii Senegal: Kaga bogo halkan. WQ: Cabdiraxmaan Gaas
Wadanka Sinigaal ‘Senegal’ wuxuu ku yaallaa cidhifka galbeed ee qaaraddan cagaaran ee Afrika, w...
Saturday, March 17, 2018
-
Magaalada Hargeysa. WQ: Hibo Ciise Maxamed
Hargeysi waa caasimada Jamhuuriyada Somaliland, waxay dhacdaa dooxada Galgodon ee deegaanada Oogo...
Monday, February 19, 2018
-
Waddo Halaq! W/Q: Xamse Cumar Kujoog
“Haddii aad rabto inaad Bulsho burburiso, Qoyska weerar, Waxbarashada dhaawac, Haldoorka ka dhaqaa...
Friday, January 26, 2018
-
Gorfeyn iyo Guud-mar: Dhiganaha “Habeen Kaama Tegin” W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
3dii Jenewari 2017ka oo aan magaalada Gebiley kaga qayb-galnay bandhigga labada buug ee “Habeen ka...
Tuesday, January 23, 2018
-
Baanankaiyosoomaalida. WQ: CabdifataaxSulaymaanCaw
Umadasoomaaliyeedbadankeeduwaxay u baahantayinayfahantowuxuyahaybangi, shaqaduqabto, faa-idadabangiy...
Tuesday, January 23, 2018
-
WAAN HAYAA DAWADII. W/Q: Xamse Cumar Kujoog
“Wanaagga dunida oo dhammi waxa uu ku jiraa werwer la’aan, wanaagga aakhiro oo dhammina waxa uu ...
Tuesday, January 23, 2018
-
Hindiya: Dhulkii Ilbaxnimada iyo Xadaaradda Bariga – Jimcaale M Xamari
Hindiya waa waddan ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya. Waa waddan aad u balaadhan, kana mid ah wadd...
Friday, November 3, 2017
More Wararka
|