Burco: Maxkamad Xukun Ku Ridday Khamri Iyo Dadkii Lagu Qabtay
February 10, 2019 - Written by C M

Burco-(GLN)- Bahda garsoorka iyo ciidanka ammaanka ee Burco, ayaa si wada jir meel fagaare ah ugu burburiyey 191 dhalo oo khamri, ka dib markii ay Maxkmi xukun ku ridday.

Waxa kale oo ay maxkamaddu xukun saddex sano iyo ganaax lacageed oo dhan 3 milyan oo shilinka Somaliland ah, ku riday laba nin oo khamriga watay. Gaadhiga ay khamriga ku wadeen na waxa lagu xukumay 5%, marka la qiimeeyo lacagta guud ee gaadhigu joogo.

Gacanlibaaxnews
News Desk

COMMENTS