Hargeysa: Dr. Maxamed-Rashiid Oo Geeriyooday
February 22, 2019 - Written by C M

Hargeysa-(GLN): Alla ha u naxariistee waxa Hargeysa ku geeriyooday, oo maanta la aasay Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, oo ahaa siyaasi, aqoonyahan iyo suxufi ruugcaddaaya.

Aaska marxuumka, ayaa waxa qoraalka soo socda ka diyaariyey Axmed Siciid Cige, oo ka mid ahaa dadkii aaska ka qayb galay:

Kumannaan ka tirsan dadweynaha ku nool Hargeysa iyo dad kale oo ka ka la yimid Borama iyo magaalooyin kale, ayaa ka qayb galay maanta oo Jimce ah aaska Alla ha u naxariistee Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, oo xalay ku geeriyooda magaalan hargeysa.

Salaada jinaazada, waxaa ku tukaday marxuumka kumanaan qof oo ku tukaday masaajidka Sheekh Adaan-siire, ka dib na waxaa lagu aasay Xabaalaha Baqiic oo Hargeysa ku yaalla. waxaa ka qayb galay aaska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markaasi uun ka soo noqday socdaalkiisii Ethiopia , wasiiro , gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID faysal Cali waraabe iyo xuno kale ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani , gudoomiye xigeenka baarllamaanka Axmed-yaasiin ayaanle , xildhibano , aqoonyahan , Culimaa’udiin , bahda saxaafadda ,iyo madaxdhaqameedka qaarkood.

Madaxweyne Biixi, ayaa ku tilmaamay Maxamed-rashiid aqoonyahan kaalin weyn ku lahaa halganka iyo horumarinta somaliland . Sheekh adam siire ayaa khudbadii salaada jimcaha gebi ahaan ku soo qaaday maanta sida diinta islaamku u weyneyso qofka dadkiisa ka dhex muuqda dhinaca wanaaga iyo samofalka ee maxamed-rashiid oo kale .
Guud ahaan dadkii ka qayb galay aaska, ayaa aad ugu duceeyay Alla ha u naxariistee Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Gacanlibaaxnews
News Desk



COMMENTS