Wasiir Khaliil Oo Xalliyey Dacwad U Dhexaysay Garyaqaan Iyo Sheekh
March 31, 2019 - Written by C M

Hargeysa-(GLN): Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta ee Somaliland sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa maanta sheegay in uu xalliyey, oo uu heshiisiiyey dacwad u dhexaysay garyaqaan Guuleed Dafac iyo sheekh Cabdiraxmaan Dheere.

Waxa ay dacwaddaasi salka ku haysay, ka dib markii uu garyaqaan Guuleed shalay xeer ilaalinta Somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan sheekh Cabdiraxmaan Dheere, oo garyaqaanku ku eedeeyey in uu maalintii Jimcihii khudbad uu jeediyey sheekhu in uu wax kaga sheegay isaga, is la markaa na uu dadka ku diray.

Gacanlibaaxnews
News Desk

COMMENTS