Afhayeenka Ganacsade Axmed Geelle Oo U Jawaabay Mayaxtooyada Somaliland
April 5, 2019 - Written by C M

Hargeysa-(GLN): Afhayeenka ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo shirkadihiisa, Axmed Cali Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu salka ku hayo khilaafka soo ka la dhex galay Axmed Cismaan iyo qoyska madaxweynaha Jabuuti, oo uu sheegay in ay is ku seegeen saami ay qoysku ka dalbadeen shirkadda sharaabka ee uu Somaliland ka hirgeliyey, is la markaa na afhayeenku waxa uu madaxtooyada Somaliland ku eedeeyey in ka been abuurty gacanadaha, si qaldan na uga hadleen arrinta muranku ka taagan yahay.

Waxa uu sheegay in aanu gacansade Axmed Cismaan Geelle lacag la soo baxsan, bal se markii ay Jabuuti is afdhaafeen uu bangigii lacagta uu ka amaahday u sheegay in dayntii ay ku lahaayeen ay u qaataan hanti uu sheegay in ay ku qiimaysnayd 25 milyan oo dollar, oo bangigu daanad ahaan haystay, halka uu ganacsaduhu hore bangiga uga amaahday 20 milyan oo dollar.

Gacanlibaaxnews
News Desk

COMMENTS