Aas Qaran Oo Xaaji Cabdi-Waraabe Loogu Sameeyey Toon
May 11, 2019 - Written by C M

Toon-(GLN): Rabbi ha u naxariistee marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf “Cabdi-Waraabe”, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey deegaanka Toon, oo koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa.

Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe, ayaa Jimcihii shalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla Hargeysa. Waxa uu ahaa na xildhibaanka ugu da’ weyn Golaha Guurtida ee Somaliland.

Gacanlibaaxnews
News Desk

COMMENTS