Somaliland: Ciidanka Qaranka Oo Badbaadiyey 12 Harimacad Dhalo Ah Oo La Soo Xaday
October 5, 2019 - Written by maamule

Hargeysa-(GLN): Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 12 Harimacad oo yar yar, oo saddex ka mid ahi dhinteen intii la soo siday, kuwaas oo si tuugo ah loo soo uruuriyey.

Ciidanku waxay sheegeen in aanay ku guulaysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii soo xaday, Waxay na Harimacadkaa yar yar sagaalka nool ku wareejiyeen wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga.

Gacanlibaaxnews.com

News Desk

COMMENTS