Aragtida Siyaasadda iyo Dawladnimada! — W/Q. Cabdixakiim Tiyari
February 10, 2017 - Written by C M

“Waxaa cirka lagu hujuumay

Waxaa dhulka lagu hubsaday

Waxaa badahaa hugmaaya

Bidhaansha guntooda hoose

Waxaa uummiyaha hanuunshay

Waxaa cudurkii halgaaday

Waxaa jahligii haleelay

Waxaa gaajadii hirdiyey

Horseed cilmiyeed miyaa?” Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) AHUN.

Soon-qaad suubban dhammaan walaalahayga Soomaalida ah. Qormadan baan doonaya in aan idin la wadaago maanta, kaddib markaan arkey in aynnu ku dawakhnay siyaasaddii iyo dawladnimadii; kala saari weynnay hoggaamiyihii iyo aqoonyahankii; dawladdii iyo siyaasaddii; wanaaggi iyo xumaantii, iwm. Qormadan waxaynnu kaga faalloon doonnaa unugga ay siyaaaddu ka soo if-baxday iyo ilaahey [subxaanahu watacaalaa] wuxuu aayadkiisa Quraanka kaga yidhi hoggaaminta. Waxa kale oo aynnu wax ka soo qaadan doonnaa labadanin ee faylasuufyada ah; Plato iyo Aristotel iyoaragtiyahoodii ku wajahnaa siyaasadda.

Haddaynu isku deyno inaynu raadcaynno asalka iyo isha ay ka soo ifbaxday weedha ah Siyaasad, afka qalaadna loo yaqaan ‘Politics’, waxa la tilmaamaa in ereygani asal ahaan ka yimid luqadda Giriigga. Waxa jira afar weedhood oo loo nisbeeyo in siyaasaddu kasoo jeedda ama ka timid: Politikos, Polites, Polis, Politei.

Marka loo eegayo xididka iyo asalka ay siyaasaddu katimid, afar taas baa loo aaneeya iney katimid weedh ahaan. Guud ahaanna qeexitaanka siyaasadda waxa lagu macneeya: waa xidhiidhka ka dhexeeya muwaadinka iyo nidaamka dawladnimo ee la unkey. Aristotel waa faylasuufkii ugu horreeyey ee sharaxey ama isticmaaley kalmadda “Politei”— kaas oo uu uga jeeday ‘Politics’; Aristotel wuxuu weedha siyaasadda ku qeexey sidan: Siyaasaddu— waa nooc kamid ah aqoonta, kaas oo ruuxa noloshiisu ku qotonto, kuna salleysan tahay xukun iyo maamul.

Siddeedaba falsafadda siyaasaddu waa maaddo la xiriirta dawladnimada iyo muwaadinka, taas oo muwaadinka la ga haqabtirayo dhammaan baahiyihiisa gundhiga ah ama aasaasiga ah. Falsafadda siyaasaddu/Political philosophy, kama mid aha shanta laamood ee falsafadda, balse waa qeyb door weyn kaga jirta seerayaasha falsafadda.  Falsafadda siyaasadda waxey inoo saamaxeysaa ineynnu qeexno oo fahamno xukunkasta in ficiladiisu yihiin kuwo wanaagsan ama xun, caddaalad ama caddalad-darro ah, sharciga waafaqasan ama aan waafaqsaneyn. Inakoo raaceyna baadhitaanno iyo tarjumaado ku aaddan Siyaasadd, waxaan u qalin qaatey in aan qeexo maxnaha siyaasadda. Maxaa dawlad u saamaxa iney noqoto mid maamul-wanaagsan.? Waa kuma hoggaamiyaha wanaagsani? Qeybaha dawladnimada?  Su’aalaas ayuu mawduuceennu ku qotoma akhriste.

Marka loo eego aragtida uu filosoof Plato ka heystey dawladnimada wuxuu ku macneeyey iney tahay: dawladu tahay shakhsiyaad midoobey. Dadka wanaagsannina waxey unkaan dawlad dhameystiran oo shuruudihii looga baahna buuxisay. Sidoo kalena tani macnaheedu waxey tahay in dawlad kasta iyo xukunkaast i’ uu tilmaamayo dadkeeda [Haddii ay xukuumaddu noqoto mid hoggaankeeda iyo maamulkeeduba liito, dadkeeduna waa la mid]. Si aynnu haddaba dawladnimada u ga hadalno waa ineynu ugu horreyn faaqidnaa sida ay muwaadiniinteedu yihiin. / In order to say something about a given state; it is necessary to know its first citizens.

Haddii qof doonayo in uu abuuro xukun iyo dawlad wanaagsan, waa in uu muwaadiniinteeda ka dhigaa kuwo wanaagsan. Maadaama ashqaasta dawladnimadda hooggaaminaya ay yihiin dad kasoo dhex baxey shacabka [Society]. Aragtidan uu Plato rumeysnaa waxey muujineysaa xidhiidh ka ka dhexeeya shakhsiga muwaadinka ah iyo dawladnimada

Dabeecadda Bini’aadamka:

Marka loo eegayayo Plato, wuxuu tibaaxey in dabeecadda ama sameyska aadunuhu uu ka kooban yahay: Jismi iyo Ruux. Sida caadiga ahba jidhku wuxuu ka dhex sameyskaa adduunkan aynnu joogno, halka ay ruuxdana qofkuna ka timaado adduunka kale [Samadda]. Ruuxdu waa hagaha jismiga iyo dhammaan xubnaha kale oo dhan. Jismigu wuxuu ka kooban yahay saddex xubnood oo aas-aas u ah aadanaha; Maskax, Wadne, iyo Calool. Midkastaana shaqo gooni ah ayuu qabtaa. Intaas waxa ka dambeysa ruuxda oo ah ta waxkasta suurogal ka dhigeysa iney shaqeeyaan.  Haddaba waa kuma qofka dhameystirani? Waa ruuxa dhameystiran muuqaal ahaan iyo nafiyaad ahaan ba/ Physiologically iyo Psychologically, baa la odhan karaa waa ruuxa dhameystiran. Marka xubnaha jismigu ay dhan yihiin iyago aaney saameyn cuduro iyo xanuuno kale baa loo yaqaan ’Kaamil’. Sidaas si lamid ah nafta ama ruuxduna waxey kaamil noqotaa marka aannu jirin isku buuq iyo arrimo nafsiyeed.

Sidoo kale filosoof Plato, wuxuu aaminsannaa—in ruuxdu ka kooban tahay saddex qeybood oo kala duwan; Garaad, dareen, iyo jamasho.  Garaadku ruuxa wuxuu ka caawiyaa inuu fekero, doodo, hadlo. Dareenkuna ruuxa waa kan ka dhigi kara geesi ama doqon. Qeybta u dembeysa ee jamashada ahna waa tan ku aaddan cuntada, cabitaanka, iyo galmada. IWM.

Haddaba xikmada aynnu uga jeedno waxey tahay, bini’aadamka siddiisaba saddex qeybood baa mid ahaani shaqeysaa, waxa dhici kartaa in qofku uu saddexdaas koobsado, balse inta badan aadanahu ma buuxiyaan saddexdaas. Qofka jamashada badani waxkale ma xeeriyo, waanna sababta aad u aragto qof hammad badan, ama cunto badan. Doqonkuna waa mooge aan waxba kala socon koonka, halka garaad badnuhuna uu waxkasta la socdo. Siyaasiga Afrikaan ahi waa kan had iyo goor jamashada badan dhul iyo boob iyo cunto baa caaddo u ah. Maadama uu xidhiidh toos ahí ka dhexeeyo ruuxa iyo dawladda waxaa la odhan karaa, dawlad kastaa waa shakhsiyaad ka soo dhex baxey shacabka ama umadda. Sidaas darteed marka uu madaxweyne noqdo ama wasiir noqdo, dabeecaddahaas mid ahaan ayuu la soo baxayaa. Waana halka aynnu weli fahmi la’anahey.

Haddaba yaa shacabka xukumi karo ama hoggaamiye noqon karaa/ Who should rule? Annigu waxaan aaminsanahey in qofka ay aqoontiisu dhisan tahay kana aqoon badan asaagii, baa noqon karaa hoggaamiyaha dhabta ah ee bulsho xukumi karaa. Sidoo kalena, bartey culuumta hoggaaminta iyo maamulka, waayo aqoontu wey ka duwan tahay hoggaaminta. Cilmi iyo aqoon gaar ah bey u baahan tahay xukunka iyo hoggaamintu. Mid kamid ah dhibaatooyinka bulshada somaaliyeed heysta, waxey inta badan isku dhex qaldaan—Hoggaamiyaha iyo aqoonyahanka. Waxey ku odhanayaan hebel waa aqoonyahan. “Ruux kasta oo aqoonyahan ahí, ma noqon karo hoggaamiye”. Shakespear waa kii lahaa: “Qofkasta isagoo cunnug ah ayuu dhashey, balse ma uu dhalan isagoo hoggaamiye ah”/everybody is a born baby not a leader.

Xukunka wanaagsani wuxuu ka dhex dhashaa dad wanaagsan..! Xukun kastaana ma wanaagsana, dastuurka waddan leeyahay wuu wanaagsanaan karaa, wuuna xumaan karaa, horumarka maaddiga ah ee waddanka gaadhaana, waxaa gaadhsiiya hoggaamiyaha heysta. Laakin labo shardi waa inuu Hoggaamiyuhu buuxiyaa, ama lagu tilmaami karaa hoggaamiye wax qabad ah.

  1. Waa in akhlaaqdiisu dhameystirsan tahay oo uu a haada qof sharaf leh, dulqaad iyo samirna leh. Sidoo kalena yahay mid soo gudbin karaa waxa uu xambaarsan yahay.
  2. Inuu dhaqaalaha waddanka si wacan u maamuli karo, isagaa dabagal iyo baadhitaanno tiro badan falkinaya. Labadaas qodob haddii Hoggaamiyuhu buuxiyo, madaxweyne in lagu tibaaxo wuu istaahilaa.

Afarta weji ee dawladnimada u xun:

·         Xukun Mujaahid”Timocracy”:Waa iyadoo ay xukunka qabsadaan dad mujaahiddiin isku magaacaaba amaba sida runtii ah usoo halgamey waddanka ay xukumayaan. U jeeddada ugu weyn ee dadka ka leeyihiinna waa—in la maamuuso lana sharfo.

·         Xukunka hantiilayaasha” Oligarchy”:Marmarka qaarkood na waxaa loo gu yeedhaa “Plutocracy”. Waxaa badanaa xukunkani ku salleysan yahay dadka hantiilayaasha ah. Waxaa waddanka xukunkiisa heynayaa dadka Taajiriinta ah/ Elite. Ama dabaqadda sarre. Xukunkan noocan ahina ma sii waaro o’ waxaa dagaal ba’ani ka dhex dhashaa dadka faqiiriinta ah, iyo kuwo lacagta leh. Waayo dadka lacagta lihi cidna ma daneynayaa oo sidii ay hanti badan u keydsan lahaayeen bey raacdadeeda ku jiraan.

·         Dimuqraadiyadda “Democracy”: Laga soo bilaabo ilaa cahdigii Giriigga, dimuqraadiyaddu waxey aheyd mid ku tilmaaman khasaare.dhibaatooyinka ugu xajmiga weyn ee laga dhaxley xukunka dimuqraadiyadda ku salleysan, waa in la heley xorriyad la buun-buuniyey, sababtey na in ixtiraam iyo maamusidii hoggaamiyayaashu la haayeen lunto. Kii aqoonta lahaa iyo kii aan la heyniba wuxuu doonayaa inuu dooddo oo ka hadlo maamulka iyo jiritaankiisa. Waana aafooyinka ugu badan ee soomaali ahaan raggaadiyey, innana dumiyey.

·         Keligii-taliye “Tyranny/Despotism”:Saddexda qodob ee kor ku xusan ba, xukunkan marka loo eego wey ka roonyihiin. Se keligii-taliyuhu waa calooshii u shaqeysta dooneyn in dabadii la hadlo, tanna waa ta ugu xun ee si fudud shacab iyo dawladba noloshooda lumineysa.

Dawladdu waxey bixisaa adeegyo badan oo ay kamid yihiin; iney ilaaliyaan nabad gelyada shacabka, dhisaan goobe caafimaad/waxbarasho. IWM.  Si uu ruuxkasta u gaadho himiladiisa cidda keliya ee u fududeyn kartaa waa xukunka uu ku hoos nool yahay. Run mise been? Muwaadinku wuxuu muwaadin noqon karaa marka baahiyihiisa la daboolo, u jeeddada xukunkuna waa iney soo saarto muwaadiniin tolmoon. Aristotel wuxuu citiqaadsanaa in haddii aaney dawladu awoodin in muwaadini fiican soo saarto, taas la gu ma tilmaami karo dawlad, waa in waxkale lagu tilmaamo waxkale.

ۖﻗَﺎﻟُﻮﺍﻭَﻣَﺎﻟَﻨَﺎﺃَﻟَّﻋَﺴَﻴْﺘُﻢْﺇِﻥْﻛُﺘِﺐَﻋَﻠَﻴْﻜُﻢُﺍﻟْﻘِﺘَﺎﻝﻧُﻘَﺎﺗِﻞْﻓِﻲﺳَﺒِﻴﻞِﺍﻟﻠَّﻪِۖﻗَﺎﻝََﺇِﺳْﺮَﺍﺋِﻴﻞَﻣِﻦْﺑَﻌْﺪِﻣُﻮﺳَﻰٰﺃَﻟَﻢْﺗَﺮَﺇِﻟَﻰﺍﻟْﻤَﻠَﺈِﻣِﻦْﺑَﻨِﻲ

ﺑِﺎﻟﻈَّﺎﻟِﻤِﻴﻦَ﴿ﺍﻟﺒﻘﺮﺓ:  ﺇِﻟَّﺎﻗَﻠِﻴﻠًﺎﻣِﻨْﻬُﻢْۗﻭَﺍﻟﻠَّﻪُﻋَﻠِﻴﻢٌﻓَﻠَﻤَّﺎﻛُﺘِﺐَﻋَﻠَﻴْﻬِﻢُﺍﻟْﻘِﺘَﺎﻝُﺗَﻮَﻟَّﻮْﺍﺃُﺧْﺮِﺟْﻨَﺎﻣِﻦْﺩِﻳَﺎﺭِﻧَﺎﻭَﺃَﺑْﻨَﺎﺋِﻨَﺎۖﻧُﻘَﺎﺗِﻞَﻓِﻲﺳَﺒِﻴﻞِﺍﻟﻠَّﻪِﻭَﻗَﺪﺗُﻘَﺎﺗِﻠُﻮﺍ

٢٤٦﴾)

Aayaddan ku jirta suuratul Baqra 246- waxey tilmaameysaa in Hoggaamiyuhu lahaado labo sifo:

  1. Aqoon [=aqoon uu wax uu wax ku hoggaamiyo isagoo adeegsanaya aqoontiisa iyo xikmadiisa]
  2. Awood [ = awood uu go’aano geesinnimo leh ku qaadan karo]

ﺃَﻳَّﻤَﺎﺍﻟْﺄَﺟَﻠَﻴْﻦِ  ﻓَﻠَﻤَّﺎﻗَﻀَﻰٰﻣُﻮﺳَﻰﺍﻟْﺄَﺟَﻞَﻭَﺳَﺎﺭَﻣَﺎﻧَﻘُﻮﻝُﻭَﻛِﻴﻞٌﺍﻟﻘﺼﺺ: ٢٨ٰﻗَﻀَﻴْﺖُﻓَﻠَﺎﻋُﺪْﻭٰﻥَﻋَﻠَﻰَّۖﻭَﺍﻟﻠَّـﻪُﻋَﻠَﻰﻗَﺎﻝَﺫٰﻟِﻚَﺑَﻴْﻨِﻰﻭَﺑَﻴْﻨَﻚَ

 ﻣِّﻦَﺍﻟﻨَّﺎﺭِﻟَﻌَﻠَّﻜُﻢْﺗَﺼْﻄَﻠُﻮﻥَ﴿ﻟَّﻌَﻠِّﻰٓﺀَﺍﺗِﻴﻜُﻢﻣِّﻨْﻬَﺎﺑِﺨَﺒَﺮٍﺃَﻭْﺟَﺬْﻭَﺓﻗَﺎﻝَﻟِﺄَﻫْﻠِﻪِﺍﻣْﻜُﺜُﻮٓﺍ۟ﺇِﻧِّﻰٓﺀَﺍﻧَﺴْﺖُﻧَﺎﺭًﺍﺑِﺄَﻫْﻠِﻪِۦٓﺀَﺍﻧَﺲَﻣِﻦﺟَﺎﻧِﺐِﺍﻟﻄُّﻮﺭِﻧَﺎﺭًﺍ

 ﺍﻟْﻌٰﻠَﻤِﻴﻦَ﴿ﺍﻟﻘﺼﺺ:٣۰ﺍﻟﺸَّﺠَﺮَﺓِﺃَﻥﻳٰﻤُﻮﺳَﻰٰٓﺇِﻧِّﻰٓﺃَﻧَﺎﺍﻟﻠَّـﻪُﺭَﺏُﺍﻟْﺄَﻳْﻤَﻦِﻓِﻰﺍﻟْﺒُﻘْﻌَﺔِﺍﻟْﻤُﺒٰﺮَﻛَﺔِﻣِﻓَﻠَﻤَّﺂﺃَﺗَﻯٰﻬَﺎﻧُﻮﺩِﻯَﻣِﻦﺷٰﻄِﺊِﺍﻟْﻮَﺍﺩﺍﻟﻘﺼﺺ:

 ﺍﻝْﺀَﺍﻣِﻨِﻴﻦَ﴿ﺍﻟﻘﺼﺺ:٣١ﻳٰﻤُﻮﺳَﻰٰٓﺃَﻗْﺒِﻞْﻭَﻟَﺎﺗَﺨَﻒْۖﺇِﻧَّﻚَﻣِﻦَﻛَﺄَﻧَّﻬَﺎﺟَﺂﻥٌّﻭَﻟَّﻰٰﻣُﺪْﺑِﺮًﺍﻭَﻟَﻢْﻳُﻌَﻘِّﺐْۚﻭَﺃَﻥْﺃَﻟْﻖِﻋَﺼَﺎﻙَۖﻓَﻠَﻤَّﺎﺭَﺀَﺍﻫَﺎﺗَﻬْﺘَﺰُّ

ﺇِﻟَﻰٰﻓِﺮْﻋَﻮْﻥَﻭَﻣَﻠَﺈِﻳ۟ﻪِۦٓۚﺇِﻧَّﻬُﻢْﻛَﺎﻧُﻮﺍ۟ﻣِﻦَﺍﻟﺮَّﻫْﺐِۖﻓَﺬٰﻧِﻚَﺑُﺮْﻫٰﻨَﺎﻥِﻣِﻦﺭَّﺑِّﻚَﻣِﻦْﻏَﻴْﺮِﺳُﻮٓﺀٍﻭَﺍﺿْﻤُﻢْﺇِﻟَﻴْﻚَﺟَﻨَﺎﺣَﻚَﺍﺳْﻠُﻚْﻳَﺪَﻙَﻓِﻰﺟَﻴْﺒِﻚَﺗَﺨْﺮُﺝْﺑَﻴْﻀَﺂﺀَ

ﺃَﺧَﺎﻑُﺃَﻥﻳُﻜَﺬِّﺑُﻮﻥِ﴿ﺍﻟﻘﺼﺺ:٣٤ﻭَﺃَﺧِﻰﻫٰﺮُﻭﻥُﻫُﻮَﺃَﻓْﺼَﺢُﻣِﻨِّﻰﻟِﺴَﺎﻧًﺎﻓَﺄَﺧَﺎﻑُﺃَﻥﻳَﻘْﺘُﻠُﻮﻥِ﴿ﺍﻟﻘﺼﺺ:٣٣ﻗَﺎﻝَﺭَﺏِّﺇِﻧِّﻰﻗَﺘَﻠْﺖُﻣِﻨْﻬُﻢْﻧَﻔْﺴًﺎﻗَﻮْﻣًﺎ   ﻓٰﺴِﻘِﻴﻦَ                             ﻭَﻫَﻞْﺃَﺗَﻯٰﻚَﻧَﺒَﺆُﺍ۟ﺍﻟْﺨَﺼْﻢِﺇِﺫْﺗَﺴَﻮَّﺭُﻭ  ﻭَﺷَﺪَﺩْﻧَﺎﻣُﻠْﻜَﻪُۥﻭَﺀَﺍﺗَﻴْﻨٰﻪُﺍﻟْﺤِﻜْﻤَﺔَﻭَﻓَﺼْﻞَﺍﻟْﺨِﻄَﺎﺏِ﴿: ٢ﻟﻘﺼﺺ: ٣٢

 ﻭَﻛُﻮﻧُﻮﺍ۟ﻣَﻊَﺍﻟﺼّٰﺪِﻗِﻴﻦَ﴿ﺍﻟﺘﻮﺑﺔ: ١١٩ﻳٰٓﺄَﻳُّﻬَﺎﺍﻟَّﺬِﻳﻦَﺀَﺍﻣَﻨُﻮﺍ۟ﺍﺗَّﻘُﻮﺍ۟ﺍﻟﻠَّـﻪَﻟْﺄَﻭَّﻟِﻴﻦَ﴿ﺍﻟﺤﺠﺮﻟَﺎﻳُﺆْﻣِﻨُﻮﻥَﺑِﻪِۦۖﻭَﻗَﺪْﺧَﻠَﺖْﺳُﻨَّﺔُ

Dhammaan aayadka kala ah: Al-Baqrah 246, Sad: 20-38, Al-Qasas:28-34, Al-Hujrat: 49-13. Waxay koobsanayaan sagaalkan sifo, kaas oo ilaahey quraankiisa ku sheegey in hoggaamiyaha la ga helo.

  1. Aqoon [=aqoon uu wax uu wax ku hoggaamiyo isagoo adeegsanaya aqoontiisa iyo xikmadiisa]
  2. Awood [=awood uu go’aano geesinnimo leh ku qaadan karo]
  3. Ka garnaqis/ Sound judgement [= in qofka madaxweynaha noqonayaa uu garta iyo muranka yareyn karaa]
  4. Dulqaad [=In qofku dulqaad yeesho waxey ka saacideysaa in uu wax badan ka fiirsado]
  5. Caddalad [= in ruuxa hoggaamiyaha doonaya ah uu caddaalad sameyn karaa]
  6. Xidhiidh bulsho [=in uu bulshada dhex geli karaa, oo aannu meel ku faquuqin, faqiir iyo taajirba waa inuu la dhaqmi karaa]
  7. Taqwo [= waa inuu yahay qof ilaahey ka cabsanooya, oo Eebbihii abuurey ka xishoonaya]
  8. Naxariis[ =inuu ahaado mid naxariis badan, oo kii dulman u gar-gaara]
  9. Run[= beentu waa xaaraan, runtu se waa sadaqo iyo akhlaaq]

Diinteena islaamku waxey ina fareysaa in ruuxa hoggaamiye doonaya ama ahiba, uu sifaadkaa yeesho, haddii kale hoggaamiye loo ma aqoonsanayo. Waxaan rajeynayaa in bulshadeeda somaaliyeed ee halbeegi ka hallaabey, iney raacaan kitaabka alle iyo astaamahaas Quraankeenna ku xusan [Waa haddii la doonayo horumar iyo barwaaqo waara]. Qabyaaladda waxaan jeclaan lahaa in laga fogaado, qabyaaladda waxaa isticmaala qofka ‘fuleyga’ ah iyo kan ‘jaahilka’ ah. Wabbilaahi tawfiiq

Xaaji Aadan Af-qallooc miyaanu odhan:

Afkaa laga maqlaa maaddadiyo, ereyga qaanuune,

Faqii guriga lagu soo ebeyay, ka akhriyeen koore,

Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gab ah,

Iyo oday ergo ah baa sharciga, dila abidkoode,

Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uurxumiyo ciile

Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,

Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,

Marka xaqa la awdaa tolmino loo abtiriyaaye.

Facebook:Cabdixakiim-Tiyari

Email: Abdi.177@hotmail.com

Addis Ababa, Ethiopia

SI-ARAG © Weedhsan Corporation

 
——————————————————————————————————————————————————-

Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.

COMMENTS