Galabsi. Qalinkii: Hibo Ciise Maxamed
May 11, 2017 - Written by C M
Omoska, diihaalka iyo boodhka ka kacaya meeliba meelbay kasii liidataa, adoo tii hore ka
yaabanaa ayaad haatana amaakaagtay, amakaag lama yidhaa tanoo kale waa anfariir iyo naxdin
markaliya ku saaqey. Duunyo waxay noqotaba idlaatay inta kasii joogtaana naf lama sii joogto,
dadkiibaa se imika qarqarka u saaran inay oon iyo xanuuno ka dilaacay abaaraha u dhintaan.
Haddaba bushadii aynu u kala saarno in Miyi ku nool iyo in Magaalo joog ah. Kii Miyiga
markuu Illahey nimcadiisa u shubo halkii uu ka mahadnaqi lahaa buu kibray oo xoolo layska
dhaco iyo reer hebel baa nasoo eegay anana hubkaanu guranaynaa laga bixi waayey markaasaa
cirkaa la maray, xoolihii yaraa ee ay haysteen markii ay barwaaqada iyo nimcada deegaanka
heleen wakaa u batey ee ay daawashadiisi ku ashqaraareen sidii ooy waligood caynkaa
ahaanayaan. Kasii darane Sakadii iyo sadaqadiina ay la bakhayleen . intooda yar ee bixisaana
neef uduuf ah oo uu laga samraybay sii jeed ku bixinayaan. Masaajidadii iyo salaadihii Illahey
ku faral yeelayna aduunyo ayey kaga mashquuleen.
Magaaladiina waxay noqotay meel ay wax walba ka dhacaan macaasidii oo aan loo kala Aabo
yeelayn ha noqoto Khamrigii oo sharaab la mooday, Sinadii oo wax iska caadiya noqotay,
amaanadii oo la dayaco, beentii iyo ballan furkii oo ka mid noqdayba tiirarkii nolosha, dulmigii
oo oodaha jabiyey, wax aynu siyaasad nidhi oo la yidhi waxa lagu kala badinayaa cadaalad
darrada, eexda, qof jeclaysiga IWM, Ka aynu siyaasiga leenahayna uu ku caanbaxay isku dir,
danaysi, been & munaafaqnimo…..
Alle (SW) inagama aargoosnayo balse quraankiisu ku cadeeyay in aanay cidna wax aanay
galabsan aanu ku dhaceyn. Hadday wanaag sameeyaan ay natiijada arki doonaan taa kasoo
horjeedkeeduna u jiro.
Afka iyo fagaarayaasha ayaa Alle laga baryaya iyadoo quluubtiina mugdi, xiqdi iyo xanuuno aan
daawo laheyn ku dhaceen.
Bulsho Islaam ah baynu nahay bal aynu isku dayno in aynu dhaqankeenan sii janjeedhsamaya
halkiisii ku soo celino oo cilmigan inagu dhex dayacan ay dawgiisa marino quluub nadiif ahna
aynu Alle SW la hor istaagno.
 Allahaan gaf aadmiga ku qadin, qadaf kastuu gaysto.
 Allahaan adoomaha gumayn , gacanta hoos haysta.
 Isagaa gufeyn kara docdaan hararku gaadhayne.
 Go,a madhan Raxmaan baan u dhigay gumaradiisiiye.
 Adigaa ninkaad gaadh u tahay gudufna jiidhaynine
 Adigaa ninkaad gawdhisaa gabagaboobaaye.
 Adigaa ninkaad guusha siin tiisu gudubtaaye.
 Adigaa ninkaad gaax tirtana gaajo solataaye.
 Adaan geedna kaa qarin qalbiga xaalka gubayaaye
 Inkastuu gabood falo nafluhu gu, iyo Jiilaalba.
 Guulaha dulqaataad tahee oon hanagu goynin.
 Gaargaaroow Raxmaan baad tahee cayn hanagu giijin.
 Gacmihii madhanaabaan wadhnee maanta nagu goobo.
 Abaaruhu gafkayagii batiyo galabsi weeyaane.
 Goortaan dulmiga gaaxsanay guurtay dhibicdiiye.
 Raboow gamashi baan taaganee roobka noogu gurmo.
Xigasho
Hibo Ciise Maxamed
hibafaakhir@gmail.com

COMMENTS