{"id":10224,"date":"2017-06-07T07:56:52","date_gmt":"2017-06-07T07:56:52","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10224"},"modified":"2017-06-07T07:56:52","modified_gmt":"2017-06-07T07:56:52","slug":"madaxweynayaasha-mareykanka-iyo-turkiga-oo-dhexdhexaadinaya-muranka-waddamada-khaliijka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10224","title":{"rendered":"Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Oo Dhexdhexaadinaya Muranka Waddamada Khaliijka."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taleefoon kula xiriiray boqorka dalka Sacuudiga si uu ugala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada khaliijka kaddib markii dhowr dowladood ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto.<\/p>\n<p>Donald Trump ayaa horay u taageeray tallaabada ay Sacuudiga iyo saaxibadiisa kale ka qaadeen dalka Qadar.<\/p>\n<p>Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in farriinta Trump ay ahayd in midnimada gobolka ay muhiim u tahay la dagaalanka afkaarta xagjirnimada iyo maal-gelinta argagixisada.<\/p>\n<p>Trump ayaa kal hore sheegtay mas&#8217;uuliyadda cadaadiska ka dhanka ah Qadar, waxa uuna sheegay in durbaba ay miro dhal noqotay booqashadii uu dhawaan Sucuudiga ku tagay.<\/p>\n<div><span id=\"spnCOntent\">Trump ayaa qoraallo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in xilligii uu booqashada ku marayay Bariga Dhexe uu caddeeyay in aysan jiri karin cid maalgelisa fikradaha xagjirnimnada, hoggaamiyeyaasha gobolkuna ay farta ku fiiqeen Qadar.<\/span><\/div>\n<p>Balse Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseysa la wada xiriiray oo isku dayay in la xalliyo muranka u dhaxeeya waddamada xulufada la ah mareykanka.<\/p>\n<p>Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa Qadar uga mahadcelisay martigelinta saldhigga milatari ee ugu weyn ee ciidamada cirka mareykanka ee Bariga Dhexe.<\/p>\n<p>Dhowr waddan ayaa isniintii la soo dhaafay xiriirka u jaray dalka Qadar, kuwaasi oo xitaa hakiyay duulimaadyadii dhanka hawada ee dalalkani kala dhaxeeyay dalkaasi Qadar.<\/p>\n<p>Dowladda Qadar ayaa si weyn u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay taageerto islaamiyiinta xagjirka ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale, waddamada Turkiga iyo Kuweyd ayaa hadda u kala dab-qaadaya Qadar iyo waddamada kale ee uu muranka kala dhaxeeyo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan ayaa sheegay in xasaaradda ka dhex aloosan waddamadani aanan lagu xallin karin go&#8217;doomin iyo xayiraado.<\/p>\n<p>Sidoo kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Turkiga iyo amiirka Qadar, waxa uuna caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu taageero dedaal kastaa oo lagu xallinayo arrintan.<\/p>\n<p>Murankan ayaa saameyn ku yeeshay sicirka saliidda, isu socodka dhanka hawada iyo badda ee gobolka, waxaana arrintaasi ka dhashay in goobaha laga dukaameysto ee Qadar ay cunnadu gabaabsi noqoto.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa Qadar ugu baaqay in ay xiriirka u jarto kooxda Falastiyiniinta ee Xamaas iyo kooxda ikhwaanul muslimiinka ee dalka Masar, waa haddii ay dooneyso in xayiraadaha laga qaado.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sources: BBCSomali<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taleefoon kula xiriiray boqorka dalka Sacuudiga si uu ugala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada khaliijka kaddib markii dhowr dowladood ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto. Donald Trump ayaa horay u taageeray tallaabada ay Sacuudiga iyo saaxibadiisa kale ka qaadeen dalka Qadar. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":10225,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-10224","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10224","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10224"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10224\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10226,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10224\/revisions\/10226"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10225"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10224"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10224"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10224"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}