{"id":10296,"date":"2017-06-09T10:05:50","date_gmt":"2017-06-09T10:05:50","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10296"},"modified":"2017-06-09T10:05:50","modified_gmt":"2017-06-09T10:05:50","slug":"hogaamiyayaasha-dalalka-reer-yurub-oo-qiimaynaya-natiijada-doorashada-britain","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10296","title":{"rendered":"Hogaamiyayaasha Dalalka Reer Yurub Oo \u00a0qiimaynaya \u00a0natiijada doorashada Britain"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Hogaamiyayaasha Yurub ayaa qiimaynaya waxa ay natiijada doorashada Britain ee aanu xisbina helin aqlabiyadda ka bedeli karto wadaxaajoodka uu dalkaasi uga baxayo Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha Faransiiska, Edouard Philippe, ayaa sheegay in natiijada aanay bedelin go&#8217;aanka dalkaasi uu uga baxayo Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha miisaaniyadda ee Midowga Yurub, G\u00fcnther Oettinger, ayaa sheegay in aanu hubin in wadaxaajoodka ay Britain uga baxayso ururkaasi uu billaabmi karo waqtigii loogu talagalay oo ah 19-ka bishan Juun.<\/p>\n<p>G\u00fcnther Oettinger ayaa u sheegay idaacad Jarmal ah in haddii kooxda Britain uga qeyb galaysa wadaxaajoodka aanay awood badan lahayn, ay taasi wax u dhimi karto natiijada wadahadalka.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa suuragal ah in maalmo ama todobaadyo ay qaadato inta uu xisbiga muxaafidka soo dhisayo dowladda cusub.<\/p>\n<p>Nigel Farage oo ka mid ah xubnihii sida weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa sheegay in ra&#8217;iisul wasaare Theresa May ay khatar galisay hannaanka bixitaanka, uuna ka cabsi qabo in ay dhacdo afti labaad oo ku aaddan in dalkaasi uu ka baxo Midowga.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hogaamiyayaasha Yurub ayaa qiimaynaya waxa ay natiijada doorashada Britain ee aanu xisbina helin aqlabiyadda ka bedeli karto wadaxaajoodka uu dalkaasi uga baxayo Midowga Yurub. Ra&#8217;iisul wasaaraha Faransiiska, Edouard Philippe, ayaa sheegay in natiijada aanay bedelin go&#8217;aanka dalkaasi uu uga baxayo Midowga Yurub. Gudoomiyaha miisaaniyadda ee Midowga Yurub, G\u00fcnther Oettinger, ayaa sheegay in aanu hubin in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":10297,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-10296","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10296","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10296"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10296\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10298,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10296\/revisions\/10298"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10297"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10296"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10296"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10296"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}