{"id":1054,"date":"2016-09-10T06:32:23","date_gmt":"2016-09-10T06:32:23","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1054"},"modified":"2016-09-10T06:32:23","modified_gmt":"2016-09-10T06:32:23","slug":"madaxwaynaha-somaliya-oo-muddo-xileedkiisii-dhammaaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1054","title":{"rendered":"Madaxwaynaha  Somaliya Oo Muddo Xileedkiisii Dhammaaday."},"content":{"rendered":"<h1>Madaxwaynaha Somaliya xasan sheekh\u00a0 maxamud Oo Maanta Muddo Xileedkiisii Dhammaaday<\/h1>\n<p>Maanta oo kale afar (4) sanno ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha iminka waqtigiisu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fadhiistay kursiga Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ( Villa Somalia) , xilligaasoo aheyd markii ugu horeysay ee uu ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya si rasmi ah.<\/p>\n<p>Guushii Xasan Sheekh Maxamuud ee Madaxtinimada sanadkii 2012 waxa ay filan-waa ku noqotay dad badan oo saadaalinayay siyaasadda iyo shaksiyaadka xilligaasi loolamayay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga guuleystay wareeggii u dambeeyay doorashada Madaxweynihii KMG ah ee xilligaasi xukunka hayay Shariif Sheekh Axmed oo siyaasadda kaga soo biiray dhanka Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas\u2019aasay dalka Eritrea , kaasi oo ka dhashay kala qeybsan-kii Maxaakimta Islaamiga iyo Ururka Al Shabaab.<\/p>\n<p>Dadka qaar ayaa sheegaya marka la is barbar dhigo Madaxweynayaasha kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed , in uu dhaq dhaqaaq iyo waxqabad balaarnaa Madaxweynihii KMG Shariif Sheikh oo hadda la saadaalinayo inuu ku dhawaaqo damaciisa markale kursiga Madaxtinimo ee dalka .<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud oo aan hore si weyn looga aqoon dalka Soomaaliya , hayeeshee lagu yiqiinnay howlaha waxbarashada iyo ka dhex muuqashada mararka qaar Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed , dadkuna ay ku sheegi jireen xilligaasi inuu siyaasadda u hagi doono sida Macallin iyo ardaydiisa oo micnaheedu yahay inaanu noqon doonin mid u nugul tallooyinka waxgalka ah ee la siiyo, balse ay hogaamiso maskaxdiisa iyo aragtida koox yar oo ku xeendaaban.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud ayaa durbadiiba la jaan\u00a0 qaaday ifafaalooyin loo riyaaqay, waxa uuna \u00a0shabaqa ku hubsaday gool soo daahay oo hore looga soo shaqeeyey,\u00a0 isaga oo nasiibka wacan siiyey in dowladiisa ay noqotay oo taariikhda dalka iyo tan caalamkaba ay ku gasho in ay noqoto tii ugu horeysay ee KMG looga baxay.<\/p>\n<p>Dad badan ayaa diiday in guusha Xasan Sheekh ee doorashada 2012 ay huwiyaan isaga, waxaase ay sheegeen inay aheyd mid laga soo shaqeeyay.<\/p>\n<p>Dad badan oo siyaasada odorasa ayaa durbadiiba ka gaabsaday in ay sii falanqeeyaan siyaasadda Xasan Sheekh laga filan karay.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weji cusub ku kordhiyay siyaasadda Soomaaliya, taasoo aheyd Magacaabiddii Ra\u2019iisul wasaraarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo dhismihii Xukuumad ka kooban 10 Wasaaradood oo qudha, oo meesha ka saartay halbeegga awood qeybsiga qabiilka ee 4.5, \u00a0taasi oo dad badan ay soo dhoweeyeen marka loo eego miizaaniyadda ku baxeysa oo xadidan iyo howlaha shaqo ee laga sugayay xilligaasi, halka beelo kala duwan oo iska dhex arki waayay Xukuumaddaasi ay diidmo kala horyimaadeen.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xilligii loo magacaabay xilkaasi sheegay in aysan shacabka Soomaaliyeed maqli doonin is qab-qabsi siyaasadeed oo Xukuumadda iyo Madaxweynaha soo kala dhex gala, \u00a0balse dad badan ayaa taa ku sifeeyey in ay Laab la kac aheyd.<\/p>\n<p>Xukuumaddii Ra\u2019iisul wasaarihii hore Saacid ayaa noqotay mid dad badan ay u riyaaqeen, taasi oo markii ugu horeysay meesha ka saartay nidaamkii 4.5 oo qabaa\u2019ilo badan xaqqooda lagu duudsiiyay, \u00a0iyada meesha laga saaray nidaamkaas si isku mid ah ay qabaa\u2019ilada u wadaageen dowladii abid ugu tirada yareyd balse loogu durbaan tumayey in ay ahaan doonto mid tayo badan, \u00a0waxaana markiiba saaxadda siyaasadda ka soo muuqday rag badan oo ugu dambeyn ku soo biyo shubtay in ay majaraha u qabtaan siyaasadda dalka, isla markaana dartood ay ku bururtay Xukuumado badan,\u00a0 waxaana meesha ka baxay yididiiladii loo qabay guulo ay gaarto Xukuumadda oo ay lugaha uga dhegeen Xubno Wasiirro iyo Kaaliyeyaal laga dhigay oo ahaa kooxda ku xeyn daaban Xafiiska Madaxweynaha, kuwaasoo ku caan-baxay habka loo abuuro khilaafka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday , mudadii uu xilka hayay , waxa uu dhex fadhiistay guuldarro siyaasadeed iyo amni oo ay huwadeen Madaxweynayaashii isaga kaga horeeyay xukunka si gaar ah Cabdiqaasim Salaad Xasan , Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheekh Axmed , waxaana ugu wacneyd khilaafka ragaadiyay Xukuumadihii kala duwanaa, ceyrinta iyo kala bad badalka Ra\u2019iisul wasaarayaal qaarkood waxqabadkoodu aad u liitay.<\/p>\n<p>Waxaa jira halkudhig ay ka sinnaayeen Madaxweynayaashii ugu dambeeyay ee dalka soo xukumay , taasi oo ah <strong>\u201cAbuur isirkiisa ma dhaafo\u201d<\/strong> waa raad raac siyaasadeed oo huwan guul darro , kooxeysi iyo u adeegsiga xilka dano gaar ah , waxaana xilalkoodii waayay Ra\u2019iisul wasaarayaal aad u firfircoonaa oo haddii fursad loo siin lahaa gudashada howlaha loo igmaday ay wax badan qaban lahaayeen.<\/p>\n<p>Dowladda uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh waxyaabihii loo igmaday muddada uu xilka hayay waxaa ka mid ahaa in la dhameystiro,a ftina loo qaado Dastuur uu dalku yeesho, in dalka uu gaarsiiyo doorasho madax bannaan oo ah hal qof iyo hal cod iyo hirgalinta iyo dhamyestirka Federaaleynta dalka,\u00a0Intuba ma jiraan wax ka hirgalay .<\/p>\n<p>Waxaa intaa dheer beryihii ugu horreeyay ee dowladda Xasan Shiikh iyo xilligii ololaha doorasho uu ku jirayba waxaa aad looga maqli jiray lix tiir oo ay xoogga saarayaan oo aas aas u noqon doonto dowlad dhisidda Soomaaliya ,Dhamaan tiirarkaas hadii hal hal loo kala dhig dhigo waxa ay dad badan oo Soomaali ah ay aaminsan yihiin in aaney jirin wax ku filan oo laga qabtay, tusaale aminga ayaa kow ka ahaa tiirkii aadka afka loogu cel-celiyay.<\/p>\n<p>Ma jirto hannaan hufan oo maaliyadeed oo weli la aamini karo oo waxaa maalin cad shaqsi uu boobayaa lacagta bangiga dhexe sida dhawaan dhacdayba, inkastoo madaxda dowladdu ay ku cel celiyeen in horumar fiican la sameeyay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Waqtigiisu idlaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda \u00a0Cumar Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke midkoodna uma kuurgalin howlaha shaqo ee Wasaaradaha Dowladda oo intooda badan aan wax shaqa ah ka socon, Wasiiraduna ay ku shaqeeyaan Hoteello, shaqaalahooduna yahay Xogheyno qurba joog ah oo ku heyb ah , waxaana taasi ay sabab u noqotay burburka heykalkii dowladnimo iyo wadashaqeyntii hoose ee Waaxyaha Dowladda u dhaxeeyay, waxaana loogu yeedhay <strong>\u201cXukuumadda Laptop-ka\u201d<\/strong> oo la micna ah in howlaha dowladda ay ku socoto shakhsiyaad kooban oo \u201c Emails\u201d is weydaarsada .<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke midkoodna mas\u2019uuliyad iskama saarin la socodka howlaha ciidamada X.D.S , ciidamada kala duwan ee ammaanka, Shaqaallaha dowladda iyo la xisaabtanka Wasiirrada iyo Hogaannada ciidamada, si loo helo adeeg hufan oo ay ku dheehan tahay dhiirigelin iyo joogteynta gunnooyinka maaliyadeed , si ammaanka qaranka loo adkeeyo .<\/p>\n<p>Dadka naqdiya siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeya inuu meesha ka saaray awooddii Baarlamaanka qaranka oo ah golaha sharci dejinta, isla markaana uu diiday in ay waajibkooda gutaan, \u00a0waxaana si xoogan loogu eedeeyaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha Maamulka Galmudug oo ugu dambeyn ka soo muuqday Saaxiib weyn oo uu Xasan Sheekh in badan u xaglin Jiray, kaasoo ah C\/kariin Xuseen Guuleedkaas oo iminka Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena labadii xukuumadood ee\u00a0hore ka soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo uu markii dambe iska casilay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Waqtigiisu idlaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaalin muuqata ku lahaa Maamulkii goboleedkii Koonfur Galbeed ee jaantaa roganka ku yimid, isla markaana fursad loo siin waayey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan ama ay ka hadlaan khaladaadkii jiray .<\/p>\n<p>Si la mid ah, waxa uu Xasan Sheekh u taageeray doorasho dood badan dhalisay oo lagu sheegay in dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam \u201cMadoobe\u201d oo Baarlamaanka Maamulkiisa uu waayay sharciyadiisii kadib markii Baarlamaanka Federaalka uu ka soo saaray go\u2019aan wadajir ah, si loo dhiso Baarlamaan Jubaland ay u yeelato oo ay u dhan yihiin dhammaan beellaha wada dega gobollada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo, hayeesheee Axmed Madoobe ayaa ku andacooday in 10 Xildhibaan oo dheeraad ah ku kordhin doono Baarlamaanka Maamulkiisa si uu ugu qanciyo beelo aan waxba ku yeelan Baarlamaankaasi oo intooda badan degan gobolka Jubada dhexe oo kooxda Al Shabaab ay hadda maamusho.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guul dareystay markii uu isku dayay inuu u dhiso Maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo dadka wada degan ay yihiin walaalo, balse ay ka biya diideen in loo meeriyo habka ay wax u dhisanayaan, waxaana marna aan suuragalin in duqowda dhaqanka labada gobol gogol gaar ah la isku keeno kahor inta aanu la gorfeyn qaab dhismeedka Maamulka iyo awood qeybsiga , waxaana beellaha qaar ay shaki ka qabeen in rag ku xeen-daaban Xafiiska Madaxweynaha oo hore u dhiciseeyay Xukuumado in Xilka Madaxweyne-nimo ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loogu iibiyo lacag , iyadoo loo marayo hanaan doorasho oo u eg kii lagu dhisay GalMudug ee horseeday in Magaalooyinka qaar ee gobolka Galgaduud ay ku dhawaaqaan Maamul ka madax banaan maamulkaasi , waxaana kooxda Ahlusunnah Waljamaaca ay isku yeereen Maamul goboleed .<\/p>\n<p>Siyaasadda maldahan ee ku suntadan halkudhiggan <strong>\u201c Sac ninkii lahaa seynta uga taagan yahay ma kaco ! \u201c<\/strong> oo tilmaameysa siyaasad aan fulin ku saleysneen ayaa horseeday in dagaallo iyo siyaasaddo khalafsan ay hareeyaan gobollada Sool iyo Sanaag oo dhinacyo kala duwan ay sheeganayaan inay maamulaan, kuwaasi oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Maamulka Khaatumo, waxaana dadka deegaannadaasi ay noqdeen dhibanayaal lagu kor gorgortamo, balse aan laheyn go\u2019aan iyo garab caawiya.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo xileedkiisa sharciga ah ee Madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maanta ugu egtahay (September 10, 2012 \u2013 September 10, 2016), waxa uu galayaa diiwaanka Madaxweynayaashii soo maray dalka Soomaaliya , hayeeshee waxaa u dheer in dalka Soomaaliya uu geliyay markii ugu horeysay tan iyo gobonnimadii Soomaaliya iyo qaran burburkii dalka ( 1991-2000) \u00a0waxa lagu sheegay (Power vacuum) marxalad banaan oo aan sharciyad ku dhisneyn oo ah ( September 11 \u2013 October 30, 2016).<\/p>\n<p>Sources;Jowhar<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxwaynaha Somaliya xasan sheekh\u00a0 maxamud Oo Maanta Muddo Xileedkiisii Dhammaaday Maanta oo kale afar (4) sanno ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha iminka waqtigiisu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fadhiistay kursiga Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ( Villa Somalia) , xilligaasoo aheyd markii ugu horeysay ee uu ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1055,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1054","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1054","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1054"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1054\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1056,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1054\/revisions\/1056"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1055"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1054"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1054"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1054"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}