{"id":10685,"date":"2017-06-29T20:10:29","date_gmt":"2017-06-29T20:10:29","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10685"},"modified":"2017-06-29T20:10:29","modified_gmt":"2017-06-29T20:10:29","slug":"raysal-wasaaraha-soomaaliya-oo-la-kulmay-wasiirka-arrimaha-dibadda-norway-oo-booqasho-ku-tagay-magalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10685","title":{"rendered":"Raysal Wasaaraha Soomaaliya  oo la kulmay Wasiirka Arrimaha  Dibadda Norway oo booqasho ku Tagay Magalada Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Norwey B\u00f8rge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.<span id=\"more-73726\"><\/span><\/p>\n<p align=\"left\">Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo taageerada Norway ee dib u dhiska Soomaaliya, waxaa kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad.<\/p>\n<p align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo heysta dhalashada Norway, marna Madax ka soo noqday Hey\u2019adda Qaxootiga dalkaas ee NRC ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah.<\/p>\n<p align=\"left\">Mr Kheyre ayaa sheegay in dowladdiisa ay guul wax ku ool ah ka gaartay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh.<\/p>\n<p align=\"left\">\u201cBooqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo\u201dayuu yiri R.W Khayre.<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey B\u00f8rge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.<\/p>\n<p align=\"left\">Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4-tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in la sii adkeeyo.<\/p>\n<p align=\"left\">Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay\u2019adaha dowladda.<\/p>\n<p align=\"left\">Norway ayaa ka mid ah dalalka taageerada dhaqaale ku bixiya Soomaaliya, hase ahaatee dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu eedeynayay inay taageersaneyd qorshaha Kenya ku dooneysay inay shidaal kaga qado dhul badeedka dhaca biyaha Soomaaliya oo la sheego inuu shidaal leeyahay.<\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/kheyre-norway2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-73728\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/kheyre-norway2.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/kheyre-norway.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-73727\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/kheyre-norway.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Norwey B\u00f8rge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo taageerada Norway ee dib u dhiska Soomaaliya, waxaa kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":10686,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-10685","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10685","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10685"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10685\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10687,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10685\/revisions\/10687"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10686"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10685"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10685"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10685"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}