{"id":10914,"date":"2017-07-10T20:00:35","date_gmt":"2017-07-10T20:00:35","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10914"},"modified":"2017-07-10T20:00:35","modified_gmt":"2017-07-10T20:00:35","slug":"qaar-ka-mid-ah-wax-garadka-beelaha-muqdisho-oo-madaxweynaha-somaliland-ka-codsaday-inuu-xoriyadiisa-u-soo-celiyo-maxbuus-ku-xidhan-magalada-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=10914","title":{"rendered":"Qaar ka mid ah Wax Garadka Beelaha  Muqdisho  Oo Madaxweynaha Somaliland Ka Codsaday Inuu Xoriyadiisa U Soo Celiyo Maxbuus Ku Xidhan Magalada Hargeysa."},"content":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Xawaadle (Hawiye) ee Gobolka Banaadir ee Dalka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Somaliland, ku-xigeenkiisa iyo Laamaha kale ee Dawladda ka codsaday in Xorriyaddiisa loo soo celiyo Nin lagu Magacaabo Aadan Waadi Siyaad, kaasi oo ay sheegeen inuu muddo 7-aad ah ku xidhnaa Hargeysa.<\/p>\n<p>Madax-dhaqameed iyo Waxgarad tiro badan oo Shir-jaraa\u2019id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ninkaasi uu muddo dheer ku xidhan yahay Hargeysa, Maxkamaduhuna wax dambi ah ku waayeen, sidaas darteed ay Xukuumadda Somaliland ka codsanayaan in Xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah Waxgaradka Beesha Xawaadle oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi \u201cOdayaasha Beesha Xawaadle ujeeddada ugu weyn ee ay iskugu<\/p>\n<p><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">yimaaddeen Maanta (Shalay) waxa weeyaan, Nin la yidhaahdo Aadan Waadi Siyaad oo muddo dheer ku xidhan Magaalada Hargeysa.\u00a0 Waxaanu ka codsanaynaa Madaxweynaha Somaliland, Golahiisa Wasiirrada, Maxkamadaha Dalkaasi, Xisbiyada Mucaaradka ah-ba waxaanu ka codsanaynaa in Ninkaa Xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.\u201d<\/span><\/span><\/p>\n<p>Mid kale oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Shirka jaraa\u2019id qabtay ayaa sheegay \u201cMadaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka, Golaha Wasiirrada, Golaha Guurtida, Wargeysyada iyo Dadka Xuquuqda Aadamaha u dooda waxaanu ka codsanaynaa in Ninkaasi oo lagu haysto Dambi aan jirin, dhowr jeerna inta Maxkamad la saaray dambi lagu waayay. Annaga oo ah Odayaasha dhaqanka ee Gobollada Banaadir iyo Hiiraan waxaanu codsanaynaa in Ninkaa la siidaayo.\u201dayuu yidhi.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, mid ka mid ah Culimada qaybta ka ahaa Shirkan Jaraa\u2019id, ayaa sheegay in Ninka Hargeysa ku xidhan uu Xanuunsaday, Carruurtiisuna ku dhibaataysan yihiin Muqdisho, \u201cWalaalkeen Aadan Waadi Siyaad oo Muddo 7 Sannadood ah ku xidhan Hargeysa, ku Xanuunsaday, Carruurtiisiina halkan (Muqdisho) ku baa\u2019ba san yihiin, waxaanu ka codsanaynaa Madaxweynaha Somaliland, ku-xigeenkiisa, Culimada Reer Somaliland, Madax-dhaqameedka iyo Dhammaan Shacabka Reer Somaliland inay Xorriyaddiisa dib u siiyaan Aadan Waadi Siyaad.\u201dayuu yidhi.<\/p>\n<p>Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ee Shirka jaraa\u2019id ku qabtay Muqdisho ma caddaynin Dambiga loo haysto Ninkan ay dalbanayaan in Xorriyaddiisa loo soo celiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Xawaadle (Hawiye) ee Gobolka Banaadir ee Dalka Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Somaliland, ku-xigeenkiisa iyo Laamaha kale ee Dawladda ka codsaday in Xorriyaddiisa loo soo celiyo Nin lagu Magacaabo Aadan Waadi Siyaad, kaasi oo ay sheegeen inuu muddo 7-aad ah ku xidhnaa Hargeysa. Madax-dhaqameed iyo Waxgarad tiro badan oo Shir-jaraa\u2019id ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":10915,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-10914","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10914","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10914"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10914\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10918,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10914\/revisions\/10918"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/10915"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10914"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10914"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10914"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}