{"id":11181,"date":"2017-07-25T11:20:02","date_gmt":"2017-07-25T11:20:02","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11181"},"modified":"2017-07-25T11:20:02","modified_gmt":"2017-07-25T11:20:02","slug":"dawlada-turkiga-oo-markii-ugu-horeysay-qabanaya-shir-la-isugu-keenayo-hoggaamiyaasha-sacuudiga-iyo-qatar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11181","title":{"rendered":"Dawlada Turkiga Oo Markii Ugu Horeysay qabanaya shir la isugu keenayo Hoggaamiyaasha Sacuudiga iyo Qatar."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo soo gaba gabeeyay safaro uu ku marayay dalalka Khaliijka ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qatar iyo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.<span id=\"more-75132\"><\/span><\/p>\n<p>Erdogan oo lugtii u dambeysay ee safarkiisa xal u raadinta xiisada khaliijka ku maraya dalka Qatar, isagoo dadaal ugu jira sidii shir fool ka fool ah isugu keeni lahaa labada dhinac.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay qaban lahaayeen shir la isugu keenayo Hoggaamiyeyaasha Qatar iyo Sacuudiga.<\/p>\n<p>Madaxweyne Erdogan ayaa la kulmay Amiirka Qatar, isagoo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Khaliijka.<\/p>\n<p>Erdogan ayaa la soo kulmay Hoggaamiyeyaasha Kuwait iyo Sacuudiga, waxaana uu u bandhigay in dhex dhexaadin toos ah laga sameeyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka.<\/p>\n<p>Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa ka soo dabcay mowqifkooda iyo shuruudihii 13 qodob ahaa, waxaana ay ku soo koobeen lix qodob oo kaliya.<\/p>\n<p>Bishii la soo dhaafay ee June ayay aheyd markii dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, kuna soo rogeen cunaqabateyn, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada.<\/p>\n<p>Sources;Jowhar<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo soo gaba gabeeyay safaro uu ku marayay dalalka Khaliijka ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qatar iyo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga. Erdogan oo lugtii u dambeysay ee safarkiisa xal u raadinta xiisada khaliijka ku maraya dalka Qatar, isagoo dadaal ugu jira [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":11182,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-11181","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11181","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11181"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11181\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11183,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11181\/revisions\/11183"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11182"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11181"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11181"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11181"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}