{"id":11944,"date":"2017-09-09T06:03:37","date_gmt":"2017-09-09T06:03:37","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11944"},"modified":"2017-09-09T06:03:37","modified_gmt":"2017-09-09T06:03:37","slug":"duufaanta-irma-malaayiin-qof-oo-ka-qaxaya-gobolka-florida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11944","title":{"rendered":"Duufaanta Irma: Malaayiin qof oo ka qaxaya gobolka Florida"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Duufaanta Irma ayaa khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah, sida uu sheegay madaxa hay&#8217;adda qaran ee xaaladaha degdega ah.<\/p>\n<p>Brock Long ayaa intaa ku daray in Florida ay koronta la&#8217;aan noqon doonto maalmo dhan, xilli in ka badan shan milyan oo qof lagu amray inay ka baxaan guryahooda.<\/p>\n<p>Barasaabka gobolkaasi, Rick Scott, ayaa ka digay in waqti badan aanay haysan dadka gobolkaasi, loona baahan yahay inay degdeg uga jawaabaan baaqa loo dirayo.<\/p>\n<p>Madaxweyne Trump oo khudbadiisa todobaadlaha ah u jeediyaya shacabkiisa, ayaa dadka ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan digniinta loo jeediyano.<\/p>\n<p>Duufaanta Irma ayaa burbur baahsan ku reebtay jasiiradaha Caribbean-ka, ayadoo saamaysay qiyaastii 1.2 milyan oo qof.<\/p>\n<p>Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 20 qof.<\/p>\n<p>Goobaha dadka laga daadguraynayo waxaa ka mid ah deegaanka Mar-a-Lago ee uu madaxweyne Trump ku leeyahay gobolka Florida.<\/p>\n<p>Ka dib marka ay ku dhufato xeebaha Florida, ayaa duufaanta waxaa la filayaa inay gaarto gobollada Georgia iyo Koonfurta Carolina.<\/p>\n<p>Wadooyinka iyo garoomada diyaadaha ayaa saxmad badan, xilli malaayiin qof ay ka cararayaan duufaanta.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Duufaanta Irma ayaa khasaaro baaxad leh ka geysan doonta gobolka Florida iyo gobolada deriska la ah, sida uu sheegay madaxa hay&#8217;adda qaran ee xaaladaha degdega ah. Brock Long ayaa intaa ku daray in Florida ay koronta la&#8217;aan noqon doonto maalmo dhan, xilli in ka badan shan milyan oo qof lagu amray inay ka baxaan guryahooda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":11945,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-11944","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11944","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11944"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11944\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11946,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11944\/revisions\/11946"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11945"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11944"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11944"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11944"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}