{"id":11949,"date":"2017-09-09T07:29:06","date_gmt":"2017-09-09T07:29:06","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11949"},"modified":"2017-09-09T07:51:45","modified_gmt":"2017-09-09T07:51:45","slug":"tixda-miski-w-q-rashiid-sheekh-cabdillaahi-xaaji-axmedgadhweyne","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=11949","title":{"rendered":"Tixda Miski: Xasan Ganey Nolosha Dhabta ah buu Doortay \u2013 WQ: Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyn)"},"content":{"rendered":"<p>Waxa aan u malaynayaa su\u2019aasha muranka leh ee ugu horrayn, ku soo dhacaysa\u00a0 dersaha tixda Miski ee Xasan Cabdllaahi \u201cXasan ganey\u201d waa\u00a0 qodobka mudanka ah ee ay ku aroorayso. Xasan tixdan naftiisa ayuu kaga hadalayaa oo duunkiisa, damiirkiisa iyo dadnimadiisa ayuu ka warramaa.<\/p>\n<p>Haddana waayaha ku heeraara iyo awaalaha adduunka bulsho siyaasadeed ee uu marna ku dhexnool yahay, marna qudhahaantiisa debedda ka ah, ayuu hoos u muquurayaa oo uu ina muquurinayaa.\u00a0 Marka kale na, halganka uu naftiisa la galay, hubka uu ku dirirgalay iyo quwadda uu cuskaday iyo libinta uu haleelay, ayaa ah qodobay tixdu ka hadlayso.\u00a0 Halka, uu ugu dambayn sahankiisu tegay ee baaqiisu ka yeedhay na waa qodob kale.<\/p>\n<p>Waxaa qodob muuq dheer ah oo si gaar ah kuu dareenjiidanaya ammaanta nabi Maxamed(scws). Sidaa darteed, Miski waa tix wejiyo badan oo adduun balladhan hadba dhinac kaga imanaysa. Dhinacyadaas oo maskaxda akhristaha iyo dhegeystaha ku murmaya ayuu, isla markii,ku shubayaa qaabab farshaxannimo oo maansada Sooomaalida ku hor leh.<\/p>\n<p>Waxaa la igu yidhi waa tix nabi ammaan ah.\u00a0 Waxaad odhan kartaa waa run. Waa nabi ammaan, hase yeeshee ka badan.\u00a0 Waxa aad isodhan waa awaalewarran iyo hogatus sugaaneed, waa murti adduun iyo xaaladii ku saabsan.\u00a0 Ayadu na waa run.\u00a0 Haddana waxaad tidhaa waa waano iyo wacdi diineed ka digaya maalinta Alle la hortaagan yahay, waana durraamsho Alle dembi dhaaf ka tuugaysa. Waa halka ay tixdu, aakhirka fadhiisanayso oo waa run.\u00a0 Summadma ayey leedahay oo aynu siinnaa tixdan cajiibk ah?\u00a0 Intaba u daa.\u00a0 Haddana intaa uun ma aha.\u00a0 Dhismaha tixda, qaybaheeda kala toyashada ah iyo sida goongoonida ah ee mid waliba ammaanta nabiga(scws) ugu gororaysa ayaa ugub ah oo aan tixdan looga horraynin.Waxaa raaca qaab hor leh oo fiiro gaar ah mudan.Aynu arrimsahaas u tallaaboqaadno oo mar heer wax yar isdul taagno.<\/p>\n<p>Ta u horraysa, Xasan bilowga, ma araranayo ee afaaf sugan buu tixda ka guda gelayaa.\u00a0 Malaha, rag iyo dumar ba, qof waayaha bulshadiisa jiray oo caroogga suugaanta u siday, ereyga samodoonna aan maalinna dhulka dhigin, asaga oo weli faro madow jooga, haddii uu dhega adayga bulshadiisa ka cawdo, ama ba intiisa sheegto, waa gartii oo layaab ma laha.\u00a0 Xasan waxa uu tixdiisa ku bilaabay, wax badan oo uu bulshadiisa waano yidhi iyo halka uu maanta ka taagan yahay.\u00a0 Intaasi waa ka hordhac iyo arar ka duwan tii soojireenka ahayd; waayo,ugu horrayn tixdan, maansoyahanka Xasan Cabdillaahi, waa xasan Ganeye,naftiisa ayuu inagu barayaa.\u00a0 Isahaantiisa ayuu meel sugan dhigayaa. Asagu dabcan, ma aha geed ka baxayban aan geed kale ku oollin, noole kale na aanu joogin. Waagiisa iyo awaalaha ka jira, shar iyo khayr ba, inta ku hirdamaysa, wax badan buu hordhaca inagu tusayaa.<\/p>\n<p>Bulshadaan muddo dheer u macallin ahaa<\/p>\n<p>Maansheeyey sidii mahiigaan<\/p>\n<p>Rag maali og baa markaa u cushoo<\/p>\n<p>Miciinkeeda maandhowway necebtoo<\/p>\n<p>Cashuurba mudduu u miisaayoo<\/p>\n<p>Waa kii maskaxdiisa maal siiyoo<\/p>\n<p>Maahmaah ka sameeyey mahadho ahoo<\/p>\n<p>Cabdi baa ku matalay miroodka lo\u2019dee<\/p>\n<p>Hadduu maqalkii musbaar kaga jiro<\/p>\n<p>Milgaha calankiyo midnimada ba<\/p>\n<p>Haddaanay u muuqan maaree.<\/p>\n<p>Qabyaalad masayrtay haw muhatee<\/p>\n<p>Waa kaa muruqoodi maadh ka qadshoo\u2026<\/p>\n<p>Hordhaca tixdu halkaas bay ka ambaxaysaa.\u00a0 Waa runtii oo waxba kuma uu masuugin; Wuxuu se ka cabanayaa oo ayadu na runtii ah, miciinkood-naca ay yahiin; waa dad ay isu beddelayaan kuwo nacabkood ahi oo masayrka qabyaaladeed ku kala maqan oo dal iyo midnimo qaran ba ku seeggan.<\/p>\n<p>Nolosha qofka aadanahu, teeda ifka iyo teeda aakhiro ba, waa doorashadiisa xorta ah.\u00a0 Qof ay hawada naftiisu qaadatay oo hungurigiisa raacay, oo caqligii iyo damiirkii Alle ammaaneeyey, dheg u dhigi waayey, ama ku caasi noqday, noloshii Alle la doonay buu xooray; dhimasho if iyo aakhiroba ah, buu doortay.\u00a0 Ammaanadii xorriyada doorashada samaha na wuxuu ka doorbiday addoonsiga hawada nafta iyo shaydaanka adeegsada.\u00a0 Addoonimada sharfani waa ta Alle loo addoon yahay.\u00a0 Ayadaa na xor lagu yahay oo nolol ah.\u00a0 Qof aan nolosha aadanaha ku habboon noolayni ma noola; waa bakhti soconaya. Jiritaanka qofka, taas baa dhabaysa.\u00a0 Qof waliba na asaga ayaa taas iyo sida kale ba, naftiisa u doora.<\/p>\n<p>Tixdan Miski, Xasan Cabdillaahi \u201cXasan Ganey\u201d in uu jiro oo uu nool yahay buu sheetay; xorriyaddii Alle ku mannaystay buu qaatay. Kuwo badan baa, ayaga oo ifka jooga, dhimasho doorta, Xasan in uu if iyo aakhiroba noolaado ayuu ku adkaystay. In badan tixdan macaankeedu halkaas buu ku jiraa.\u00a0 Bal day sida uu naftiisa u la hadlayo:<\/p>\n<p>Mur iyo dacar mowjadaha lidiqa ah<\/p>\n<p>Mabda\u2019aa lagu jabay mashruuca xilka leh<\/p>\n<p>Ruuxii ku milmaa xumaan martiyee<\/p>\n<p>Ha moodin in uu macaash ku jiroo<\/p>\n<p>Intoon dhiig ka miirto maatida<\/p>\n<p>Maryahaan ku tukado marmarin maayee<\/p>\n<p>Jidiinka madow nafyahay ha maqline\u2026.<\/p>\n<p>Tuduc dheer oo labaatan meeris ka badan buu ku talaxtegayaa inta xumo uu qayrkii ku kaco ee dhimashada if iyo aakhiro laga dheefo.\u00a0 Jidka nolosha dhabta ah ee uu naftiisa u dooray buu<\/p>\n<p>farshaxnimo qarqoorayaa. Waa laba jid oo mid ba miishiisa wax geeyo. Mid sharqabahaa leh oo<\/p>\n<p>naarta ayuu wax geeyaa; ka kale waa jidkii Nabi Maxamed(csws) oo asaga ayaa lagu la rafiiqaa.\u00a0 Kan dambe ayuu Xasan doortay. Go\u2019aanka xorriyadda iyo nolosha dhabta ah ayuu qaatay.Maalinta ay u daran tahay, in uu maciisa noqdo oo uu xawdkiisa ka cabbo ayuu ka doorbiday, la-moodda ifka lagu hayo.\u00a0 Asaga oo naftiisa la hadlaya waxa uu leeyahay:<\/p>\n<p>Ifka ba maararrowgu waa maalmee<\/p>\n<p>Marinka ha ka tegin la mahadinayoo<\/p>\n<p>Jannadaa malab iyo macaan badan lehe<\/p>\n<p>Maalintay darantee miciinka dhabta ah<\/p>\n<p>Mursalkii Alle doortay oo Maxamed ah<\/p>\n<p>In aan madashaas maciisa noqodoon<\/p>\n<p>Xawdkiisa maggaabso ka ma maarmarmee\u2026..<\/p>\n<p>Sibiq iyo si ma-garato ah ayey tixdu nabi ammaan ugu siibaynaysaa.\u00a0 Doorashada ereyada suugaaneed iyo suuradinta hummaagyada uu agaabaynayo, ayaa gaar u suntaya nabi ammaakan.\u00a0 Farshaxannimadii Xasan Ganey lagu ogaa, waxa ay soo ururinaysaa intii Soomaalidu bilic dabeecadeed iyo tu duunyo iyo uduggeed taaqaannay.\u00a0 Adiga oo isla baraad la\u2019 ayaad ku hambaberaysaa ammaanta Nabi Maxamed(CSWS).\u00a0 Waxa uu ku soo hoorinayaa oo aad wax walba kuillaabaysaa:<\/p>\n<p>Shan kastoy marsadaan malyuun cadarro ah<\/p>\n<p>Intaasu madad iyo marqaan ma lahee<\/p>\n<p>Waxaan marag iyo markhaati ka ahay<\/p>\n<p>Macbuudkaa ka abuuray maawaradoo<\/p>\n<p>Udgoon aan maydhmin Maxamed baa helay.<\/p>\n<p>Si kale ayuu u geeddi gelinayaa tixda.\u00a0 Kartida halabuurka cabqariga ahi xeerar iyo xuduudo jiraybay marar badan jebisaa.\u00a0 Quwadda hibada ayaa hoggaamisa oo u tallaabisa hirar aan qofka kutalo-galkiisa ahayn.\u00a0 Ma filayo Xasan Cabdillaahi \u201cXasan ganey\u201d in uu u hankaabsay oo ku fikiray dhisidda suuro suryaali ah oo suugaaneed.\u00a0 Bal ma filayo in uu xataa magaca surealism maqlay.\u00a0 Ayada oo sidaa ah, hadda na waxa uu ballaysimay oo aan looga horrayn, habdhismeed farshaxannimo suugaaneed, oo wejigaas leh ama salsallaawaya.<\/p>\n<p>Weligeedba suugaanta Soomaalidu way taqaannay qofayn ama wax aan dad ahayn oo laga hadliyo.\u00a0 Oollinta lama-taabtaanku na kama\u00a0 wada maqnayn.\u00a0 Maahmaahda tidhaa \u201cIllayn\u201d ama \u201cilleen talo isu ma kaa sheegto\u201d ayaa u tusaale ah oo taladii ayey ka dhigeen wax nool oo meeljoog leh oo hadlaya.\u00a0 Wax badan oo ah habardugaag hadlaya oo sida dadka u dhaqmaya, ayaa suugaanta Soomaalida ka buuxa.\u00a0 Xasan Ganey, sida ay ila tahay, tan horteed ba, dheeraad buu taas ku lahaa.\u00a0 Weliba asagu kama hadlin oo keli ah ee ma-noolaha wuu ba la hadlay.\u00a0 Tusaale ahaan, tixdiisaDhegdheer(1982kii), geedka dhillowyanka oo ay suugaanta Soomaalidu, badi ba ugu sarbeebato deriskunoolnimo, toos buu u la hadayaa oo waxa uu ku odhnayaa:<\/p>\n<p>Adigu na dhillowyahan<\/p>\n<p>Dhirta aad ku marantahay<\/p>\n<p>Dhaqan la ma wadaagtide<\/p>\n<p>Haddaad xididdo dheertahay<\/p>\n<p>Dhoobadaa Ilaahay<\/p>\n<p>Rarka meel ad dhigatiyo<\/p>\n<p>Dharroor maad ka daydayan?!<\/p>\n<p>Tusaale kale oo kooban na, tixdiisa Carceer, waxa uu la hadlayaa ma-noolaha ceeryaamada oo uu leeyahay waxa aad quudhsatay cadceed aad dhulka iskaga gudbtay, ka dibna aad wax isku moodday.Wuxuu yidhi:<\/p>\n<p>Qorraxda ceeryaamoyahay,<\/p>\n<p>Canaanta u jeedisaa;<\/p>\n<p>Cadceedda dulmaa qarshee,<\/p>\n<p>Ciirow waa baa caddaan.<\/p>\n<p>Duurxulka afartan meeris, waxa uu dhacayaa cid uun been wax isku moodday; waa se meel aynaan hadda u dan lahayn oo intaas u dhaafi mayno.\u00a0 Ma se cusba oo Xasan iyo qarkiiba ka hadliye mayeedhaanka, noole iyo manoole ba; halkanse asagu waa uu la hadalay.\u00a0 Tixdan Miski waxa jira hirkicimo suugaaneed oo aan labadaas midna ahayn, Xasan na aan looga horrayn.\u00a0 Waxa uu goob iyo gelbis isugu keenay midabbobadan oo ah cadrado hablood,\u00a0 midkood waliba na ay meesheeda u goonid ah ku qurux leeedahay. Waxa uu ku gaafayaa daruuraha cirka iyo xiddigaha; waxa uu ka arbaynayaa dayaxa oo guurumeer ah.\u00a0 Hasaawaha iyo deexashada midda uu ka calmado, ayuu uga sii xiisayaa oo uu gaashaynayaa. Waa la hashiiyey oo aroos aan meher iyo macsi mid na lahayn, la na muraad seegin, baa u dhacaya oo waa lagu reeyey. Maxfalkeeda ayeynudaawanaynaa. Xiddigah ayaa ka milxiisaya oo arooska ka mashxaradaya; daruuraha ayaa gelbinayaa oo onkodka ayaa muusigga u tumaya.\u00a0 Waxa uu Xasan ina soo hordhigayaa oo aynu ku ashqaraaraynnaa gaafaan suuro gudban ah oo aynu kadaawanayno adduun ka koobmadabbaaldeg midabbo ah:<\/p>\n<p>Dayaxooy soddon midab macsuumeen oo;<\/p>\n<p>Daruuro malaasan meegaartoo<\/p>\n<p>Caddaan u muquurtay maariinoo,<\/p>\n<p>Maydhaan ku sameeyey muuqiiyoo,<\/p>\n<p>Miskeed yidhi sagal macaan badanoo,<\/p>\n<p>Mareego ku yeeshay madaxii iyo<\/p>\n<p>Miliilicay maydal qoor dheer oo<\/p>\n<p>Cagaar magansaday mucda u galay oo,<\/p>\n<p>maamuusay madow qardhaaso leh oo<\/p>\n<p>Ximir aan iska maydhin caad miray iyo<\/p>\n<p>Mataano yihiin mascideed oo<\/p>\n<p>Maalay iyo xaydh mullaaxsaday oo<\/p>\n<p>Maslaxanaaya dhiin masayr galay oo<\/p>\n<p>Mukhayntii ka yeeshay maasha Alloo<\/p>\n<p>Cawlaan la madaystay xoosh makaloo<\/p>\n<p>Muquunshay intaanu moos odhan oo<\/p>\n<p>Mudkiyo isku loohay maydhaqa oo<\/p>\n<p>Ka milicsaday meel agtiisa ah iyo<\/p>\n<p>Sugul u majeertay mee yidhioo<\/p>\n<p>Casuus ka maqnayd u muhanaayoo<\/p>\n<p>Meehaahay intuu ku maaxdumayoo<\/p>\n<p>Jeegaan isku maray macawiso leh\u2026.<\/p>\n<p>Sida uu u wado, ayuu sowsaba iyo samada ina la korayaa. Mar qudha ayuu ina soo dejinayaa. Adduunkii quruxda, waxa uu haddda, ku soo hoorinayaa ammaanta nabi Maxamed(scws). Inta uumar keli ah kaa dhexqaado gaafaantii ahayd quruxda midabbada, gelbiskii dayaxa, daruuraha iyo xiddigaha, ayuu ammaanta Nabiga (csws) kor kaga\u00a0 keenayaa.<\/p>\n<p>Shantooy muunaddaas indhuhu mahadshaan<\/p>\n<p>Intaasu madad iyo marqaan ma lahee<\/p>\n<p>Waxaan marag iyo markhaati ka ahay<\/p>\n<p>Mudanow nebigaa ka muuq dheer.<\/p>\n<p>Gaafada dabbaaldegga abuurta Alle; dayaxa guurdoonka ah, daruuraha iyo xiddigaha, onkodka iyo hillaaca iyo hablaha midabbada ahi, sidee ugu soo dhaceen maansoyahanka Xasan? Muran ma laha oo tan oo kale waa wax ka soo hinqada wacyiga duunka hoose ama shishe ee kartida halabuuraha cabqariga ah. Waa sawirro meel fog laga male-awaalo oo aan dad badan laga helin; halabuurrada fanku na aanay, awood ahaan, ka sinnayn.\u00a0\u00a0 Waxa ay u badan tahay in aanu Xasan war ka haynin dugsiga fanka ee suryaaliga la yidhaahdo(Surealism). Ayada oo sidaas ah, haddana Xasan Cabdillaahi, kartida hummaagaynta cabqariga ah ayaa hoggaamisay oo ka keentay suuraymahaas maan-daalidka ah.<\/p>\n<p>Hadda na,mar kale, tixda Miski waa tan oo waa Nebi Ammaan.\u00a0 Tuducyaas dheer bay uga gudbaysaa habeenkii Nebi Maxamed(scws) loo dheelmay samada. Habeenkii Maqdis la geeyey iyo geenyadii qaadday;\u00a0 derajada sarraysa ee Alle u deeqay iyo risaaladda lagu sharfay.<\/p>\n<p>Quraankoo mucjiso ah ayuu mulkiyoo<\/p>\n<p>Maskaxdii dunidoo masuulka runta ah<\/p>\n<p>U macallin ah meyti iyo xay<\/p>\n<p>Mowlahaa kor u qaaday magaciisoo<\/p>\n<p>Waxaan marag iyo markhaati ka ahay<\/p>\n<p>Makhluuqa in uu u mudanyahay\u2026.<\/p>\n<p>Xasan Cabdillaahi\u201dXasan Ganey\u201d, maansada Miski waxa uu ku soo goynayaa duco qalbiga qofkii Alle yaqaan, ku dhegaysa; duco runtii mudan in korka laga qabto.\u00a0 Waxa uu ducadiisa ka ambaqaadayaa sifaynta maaalinta Qiyaamaha ee Alle hortii la taaganyahay.\u00a0 In badan baynu maqallay sifaalaheeda; se maansaynta Xasan baa soo dhaweynaysa oo ku dhex geynaysa maalintaas iyo xaaldda lagu suganyahay.\u00a0 Maxsharka la tubanyahay; muddugga qaawan ee la wada yahay; maalqabeen iyo mucsur, madax iyo minjo, milicda la wada tuban yahay, surmiga iyo gaajada laga simanyahay; maalinta ay xubnaha jidhku mudduci noqonayaan ee naf iyo wax ay mudan maaliggu uun ogyahay, maalintaas ayuu Xasan xusayaa oo Alle, sidan u baryayaa:<\/p>\n<p>Macbuudka Alle an magansanayow<\/p>\n<p>In kastoon Maka iyo Madiina ba tegey<\/p>\n<p>Faralka ka maqnaan maskiiddada oo<\/p>\n<p>Soonka na ku mitido markaan ladanahay<\/p>\n<p>Sakada ku masuugin maalhayn<\/p>\n<p>Ma moogi in aan madmadow badanoo<\/p>\n<p>Miciinkaagu waa mid mowjadahoo<\/p>\n<p>Addoon ku martiyey mindhaa ma qadee<\/p>\n<p>Dembigaannu maleegnay naga maydhoo<\/p>\n<p>Dhammaan muslimiinta maamuusoo<\/p>\n<p>Jannadaada macaan ha noo miyin.<\/p>\n<p>Tixdu guud ahaan, fartii Xasan Ganey bay leedahay. Ereyga iyo suuradaha hummaagga toolmoon iyo toyashada murtida mugga leh; shareereyaasha duurxulk fog leh iyo shubaalinta hadalka inta ba, dhiskii maansada Xasan Ganey ku goonida ahayd, bay tixidani wadataa.\u00a0 Waxaa si gaar ah tixdan u sii astaynayaa oo ayadana maansada Xasan lagu yaqaan, sunsuminta sadarrada tixda ee uu, sida goonida ah ugu adeejiyo xidhiidhiyeyaasha hadalka, sida\u201ciyo, ee, oo\u201d.\u00a0 Xidhiidhiyeyaashanu tebinta macnaha sadarrada iyo tuducyada tixda ayey sululuxiyaan oo ay bilciyaan.\u00a0 Maansada Xasan Ganey baa, si gaarah,\u00a0 ugu suntan taas oo lagu yaqaan.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, waxaynu hore u nidhi tixdan Miski,tauu Xasan qofnimadiisa u dooray buu ina soo hordhigayaa.\u00a0 Daw cusub buu maansadanmariyey,waa na jid uu maansoyahanka kasta oo kale na uu wax ku tusayo.Waxaa se weeye, soojireenkii maansada Soomaalida, gabayguwaxa uu ku caan ahaa arar iyo dhextaal uu maansoyahanku isku faaniyo, qaayaha tixdiisana ku buunbuuniyo.\u00a0 In kasta oo aan isla-weynida la ammaani jirin, hadda na dhaqan bay ahayd oo gabaygaaga lagu ma qoonsan jirin.\u00a0 Xasan Cabdillaahi \u201c Xasan Ganey\u201d tixdiisan Miski, doorashadiisa nolosha, if iyo aakhiroba ah, ayuu jid hor leh u furayaa. Dawga dadnimada ku wacan buu qaaday.\u00a0 Sidaa darteed waxa uu ka xiidhiidh-goostay oo ku falaagoobay jidraacii naftii-hafarka ahaa ee lagu ogaa maansoyahanka Soomaalida. Alle iyo aadamiga ba wuu isu dhuldhigayaa oo kartiisa iyo murtidiisa ba wuu yaraysanayaa. Badweynta tixdiisan Miski oo aanan runtii, garanayn mid la agdhigo, waxa uu inooga dhigayaa bilaale.\u00a0 Waxa la yaab leh sida ay u kala fogyahiin tixdan iyo tilmaanta Xasan naftiisa ka bixinayaa.\u00a0\u00a0 Murti la tirshaba qayrkii baa iska leh; asagu se tiisa waxa uu ku sheegayaa luggooyo. Tusaale ahaan, maahmaahahan soo socda oo aanan runtii garanaynin -qurux iyo murti- wax loo dhigo,ayuu ujeeddada quudhsiga naftiisa ugu soo araranyaa:<\/p>\n<p>Masalo adag oo mihaajka ku taal;<\/p>\n<p>Marsada cilmiga ah muftaa furfura.<\/p>\n<p>Marwadii fiican baa majeero geyda.<\/p>\n<p>Hashii mohollinaa martida deeqda.<\/p>\n<p>Soorta na milixdaa macaanaysa.<\/p>\n<p>Rag baa maaxda oo mataano roga.<\/p>\n<p>Suugaanta mugga weyn in baa murtisee;<\/p>\n<p>Anigu ma aqaan murtida la tirshee;<\/p>\n<p>Shantayda midh waan mutuhinaayee;<\/p>\n<p>Maansada aan luggooyo miimka ah.<\/p>\n<p>Isdiiddada murtida culus ee maansadan Miski iyo heerka isdhuldhigga curiyaha Xasan Ganey, ayaa maansada sii qurxinaya, asaga nakor u qaadaya oo haybad iyo sharaf huwinaya.Mar ba si buu ugu imanayaa saddexda sadar ama meeris ee dhextaalka ugu dambeeya. Mar walba na si gooni ah buu kuu ashaqaraar gelinayaa.<\/p>\n<p>If iyo aakhiro ba Xasan Xaaji Cabdillaahi\u201dXasan Ganey\u201d nolosha dhabta buu doortay oo uu inoo doorayaa; waayoo qofkeen walba faldhaqankiisu waa baaq uu cid wal ugu yeedhayo oo farayo in uu yeelo sida uu yeelay.\u00a0 Tixdan ayada ah, Xasan waxa uu sheegtay xornimo; waayo, loo ma doorin ee asagaa ku go\u2019aan qaatay xornimada aadami lagu yahay.\u00a0 Waa jidka Alle loogu addoon yahay ee qayrkii na lagaga xor yahay.<\/p>\n<p>Waxa Qoray, Qoraaga Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed (Rashiid-Gadhweyne)<\/p>\n<p>August 14, 2017<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/RASHIID-XAAJI-CABDILLAAHI-GADHWAYNE-300x268.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-11950\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/RASHIID-XAAJI-CABDILLAAHI-GADHWAYNE-300x268.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"268\" \/><\/a><\/p>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;<\/p>\n<p>Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxa aan u malaynayaa su\u2019aasha muranka leh ee ugu horrayn, ku soo dhacaysa\u00a0 dersaha tixda Miski ee Xasan Cabdllaahi \u201cXasan ganey\u201d waa\u00a0 qodobka mudanka ah ee ay ku aroorayso. Xasan tixdan naftiisa ayuu kaga hadalayaa oo duunkiisa, damiirkiisa iyo dadnimadiisa ayuu ka warramaa. Haddana waayaha ku heeraara iyo awaalaha adduunka bulsho siyaasadeed ee uu marna [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":11950,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-11949","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11949","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=11949"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11949\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11958,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/11949\/revisions\/11958"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/11950"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=11949"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=11949"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=11949"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}