{"id":12368,"date":"2017-09-25T12:17:48","date_gmt":"2017-09-25T12:17:48","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12368"},"modified":"2017-09-25T12:17:48","modified_gmt":"2017-09-25T12:17:48","slug":"angela-merkel-oo-markii-afaraad-oo-isku-xigta-ku-guuleysatay-doorashadamadaxtinimada-dalka-jarmalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12368","title":{"rendered":"Angela Merkel Oo markii Afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashadaMadaxtinimada Dalka Jarmalka."},"content":{"rendered":"<p>Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay.<\/p>\n<p>Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU\/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan.<\/p>\n<p>Hase yeeshee natiijada ayaa noqotay mid lala yaabo kadib markii xisbiga AfD uu helay codad gaaraya 13.5%.<br \/>\nIyadoo la hadlaysay taageerayaasheeda ayay Angela Merkel waxa ay sheegtay inay rajaynaysay inay codad intaa ka badan ay hesho.<\/p>\n<p>Doorashada ayaa dalka Jarmalka ka bilaabatay Siddeedii subaxnimo ee saaka iyadoo soo xirantay lixdii maqribnimo xilliga dalka Jarmalka iyadoo dadka u soo baxay codeynta ay inyar ka yaraayeen doorashadii ugu dambeysay ee dhacday afar sano kahor.<\/p>\n<p>Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin inay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.<\/p>\n<p>Merkel ayaa muddo 12 sano ah waxa ay u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la\u2019aanta,kobcinta koriinshaha dhaqaalaha,miisaaniyad dheelitiran iyo xiriirka dibadda in sare loo qaado.<\/p>\n<p>Guushan ay gaartay haweeneydan 63-jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maamulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii 2aad ee dunida.<\/p>\n<p>Sources;Jowhar<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay. Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU\/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan. Hase yeeshee natiijada ayaa noqotay mid lala [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":12369,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-12368","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12368","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12368"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12368\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12370,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12368\/revisions\/12370"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12369"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12368"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12368"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12368"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}