{"id":12470,"date":"2017-10-01T05:13:22","date_gmt":"2017-10-01T05:13:22","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12470"},"modified":"2017-10-01T05:13:22","modified_gmt":"2017-10-01T05:13:22","slug":"xaaladda-jasiiradda-puerto-rico-ee-mareykanka-oo-laga-dayrinayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12470","title":{"rendered":"Xaaladda Jasiiradda Puerto Rico ee Mareykanka oo laga dayrinayo"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Xaalada ka jirta jaziiradda Puerto Rico ee ka tirsan dalka Mareykanka oo ay labo jeer ku dhufatay duufaanta Hurricane ayaa ah mid aad u liidata xilli muran siyaasadeed oo ba&#8217;an uu hareeyay dedaalada Mareykanka uu kaalmada ku gaarsiinayo dadka halkaa deggan.<\/p>\n<p>Toban maalmood kaddib masiibadaasi ayaa deegaanada Jasiiraddaasi waxaa ka jira koronto la&#8217;aan, iyadoo deegaanada ka baxsan magaalada caasimadda ahi aanay ka jirin biyo, cunno iyo shidaal.<\/p>\n<p>Dedaalada gargaarka loogu fidinayo dadka halkaa ku tabaaleysan ayaa sii xoogeysanayo, iyadoo gawaari kuwa xamuulka ahi ay gargaarka aadka loogu baahan yahay gaarsiinayaan halkaasi.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku ballan qaaday in uu taageero u fidin doono dadka Puerto Rico ee ay duufaantu wax yeeleysay. Balse waxa uu xaaladda halkaa ka jirta ku eedeeyay saraakiisha maxaliga ah ee Jasiiraddaasi, xisbiga dimuquraadiga iyo warbaahinta.<\/p>\n<p>Weriyeyaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu halis ugu jiro inuu siyaasadeeyo masiibada bani&#8217;aadannimo ee halkaasi ka dhacday, iyadoo ay suurtagal tahay in dadka ku dhaqan Puerto Rico ay dareemaan in ay yihiin muwaadiniin ka derajo hooseeyo kuwa kale ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaalada ka jirta jaziiradda Puerto Rico ee ka tirsan dalka Mareykanka oo ay labo jeer ku dhufatay duufaanta Hurricane ayaa ah mid aad u liidata xilli muran siyaasadeed oo ba&#8217;an uu hareeyay dedaalada Mareykanka uu kaalmada ku gaarsiinayo dadka halkaa deggan. Toban maalmood kaddib masiibadaasi ayaa deegaanada Jasiiraddaasi waxaa ka jira koronto la&#8217;aan, iyadoo deegaanada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":12471,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-12470","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12470","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12470"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12470\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12472,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12470\/revisions\/12472"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12471"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12470"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12470"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12470"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}