{"id":12488,"date":"2017-10-02T05:02:15","date_gmt":"2017-10-02T05:02:15","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12488"},"modified":"2017-10-02T05:02:15","modified_gmt":"2017-10-02T05:02:15","slug":"qurbe-joogta-beelaha-akisho-oo-markii-ugu-horeysay-taageero-ballaadhan-u-muujeyey-xisbiga-waddani","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12488","title":{"rendered":"Qurbe-joogta Beelaha Akisho Oo Markii Ugu Horeysay Taageero Ballaadhan U Muujeyey Xisbiga Waddani."},"content":{"rendered":"<p>Aqoonyahanka, Ganacsatada Iyo Wax-Garadka Beelaha Akisho Ee UK Oo Cududooda<br \/>\nTaageero Ku Barbar Joogsaday Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI<br \/>\nLondon (GLN )- Ganacsatada, Aqoonyahanka, wax-garadka, Dhallinyarada iyo Haweenka beelaha<br \/>\nAkisho ee ku dhaqan Guud ahaan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa go\u2019aansaday in ay si rasmi<br \/>\nah taageeradooda iyo Cududooda kula midoobaan kulana barbar-joogsaday Xisbiga Mucaaridka<br \/>\nah ee WADDANI kadib in muddo ah oo ay indho-indhaynayeen xaaladda siyaasadeed ee<br \/>\nSomaliland wakhti dalka ay ku soo fool-leedahay doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la<br \/>\nfilayo in ay horraanta Bisha dambe ee November ka qabsoonto geyiga somaliland.<br \/>\nQaban qaabada xaflad ballaadhan oo beelaha Akisho ee qurbo-joogta ahi kula midoobayaan<br \/>\ncududooda taageerana ku biirinayaan xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI ayaa laga<br \/>\ndareemayaa guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalkaasi Boqortooyada Ingiriiska iyada oo<br \/>\nla qorsheeyey in xafladdaasi magaalada London ka qabsoonto 10-ka Bishan Oktoobar.<br \/>\nAqoonyahan Maxamuud Aw Cabdi Aadan (Madaale) oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada iyo<br \/>\nAqoonyahanka Qurbe-joogta Beelaha Akisho oo saxaafadda kula hadlay Magaalada London ee<br \/>\nCaasimadda UK ayaa sheegay in guud ahaan Ganacsatada iyo Aqoonyahanka Beeshu go\u2019aan ku<br \/>\ngaadheen in ay taageeradooda siiyaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isaga oo ka war<br \/>\nbixiyey halka ay marayso qabanqaabada Hawsha xaflad ballaadhan oo beeshu cududooda ku<br \/>\nmuujin doonto uguna biiri doonaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI taasi oo si weyn uga<br \/>\nsocota guud ahaanba Deegaamada Boqortooyada Ingiriiska.<br \/>\nMasuuliyiinta Xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI laamihiisa qaaradda Yurub ayaa si weyn u<br \/>\nsoo dhaweeyey Go\u2019aanka Beelaha Akisho ku qaateen in ay kaga mid noqdaan bah-wadaagta<br \/>\nguud ahaan shacabka reer Somaliland ee taageeradooda la garab joogsaday Xisbigaasi<br \/>\nMucaaridka ah ee WADDANI wakhti dalku isku diyaarinayo doorashada madaxtooyada oo<br \/>\ndhawaan geyiga Somaliland looga dareeri doono.<br \/>\nBeelaha Akisho ee reer Somaliland waxa ay kaalin muuqata ku lahaayeen geeddi-socodkii<br \/>\ndhismaha qaranka Somaliland tan iyo markii Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay<br \/>\niyada oo beeshu mar walba door muuqda ku lahayd kaalinta dhismaha qaranka iyo taabbo-<br \/>\ngalintiisa ayaa waxa ay wakhtigan aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka beeshu rag iyo<br \/>\nhaweenba si weyn uga dhex muuqdaan dadaallada horumarineed ee dalka iyo dadka, wakhtigana<br \/>\nay beeshu go\u2019aan ku gaadhay in ay dhisaan Xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI.<br \/>\n\u201cDiyaar baannu u nahay in aannu dhisno Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Aqoonyahanka,<br \/>\nwaxgaradka iyo ganacsatada beeslaha Akisho ee UK waxa ay Bishan 10-keeda xaflad balaadhan<br \/>\nku muujin doonaan taageeradooda ay kula bahoobayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI<br \/>\nwaxaanan ugu baaqayaa qurbe-joogya Beelaha Akisho in ay si weyn uga lib keenaan taageerada<br \/>\nXisbiga ee Hiil iyo hooba leh\u201d sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Maxamuud Aw Cabdi Aadan<br \/>\n(Madaale) oo warbaahinta la hadlay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Aqoonyahanka, Ganacsatada Iyo Wax-Garadka Beelaha Akisho Ee UK Oo Cududooda Taageero Ku Barbar Joogsaday Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI London (GLN )- Ganacsatada, Aqoonyahanka, wax-garadka, Dhallinyarada iyo Haweenka beelaha Akisho ee ku dhaqan Guud ahaan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa go\u2019aansaday in ay si rasmi ah taageeradooda iyo Cududooda kula midoobaan kulana barbar-joogsaday Xisbiga Mucaaridka ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":12489,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-12488","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12488","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12488"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12488\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12490,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12488\/revisions\/12490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12489"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12488"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12488"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12488"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}