{"id":1271,"date":"2016-09-15T07:46:19","date_gmt":"2016-09-15T07:46:19","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1271"},"modified":"2016-09-15T07:46:19","modified_gmt":"2016-09-15T07:46:19","slug":"hayadda-unhcr-iyo-xukumada-kenya-oo-lagu-dhaliilay-hannaanka-dib-u-celinta-qaxoontiga-ku-sugan-xeryaha-dhadhaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1271","title":{"rendered":"hay&#8217;adda UNHCR Iyo Xukumada Kenya Oo Lagu Dhaliilay Hannaanka Dib U Celinta Qaxoontiga Ku Sugan Xeryaha Dhadhaab."},"content":{"rendered":"<h1>hay&#8217;adda UNHCR Iyo Xukumada Kenya Oo Lagu Dhaliilay Hannaanka Dib U Celinta Qaxoontiga Ku Sugan Xeryaha Dhadhaab Ee Dalka Kenya.<\/h1>\n<p>Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay&#8217;ad u dooda xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in inta badan dadka dib u noqday ay ka baqeen in la qasbo.<\/p>\n<p>Tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah ayaa dalka Soomaaliya dib ugu noqonaya kaddib markii sanado badan ay ku noolaayeen xeryaha qaxootiga oo dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay xirto.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda u dooda xquuqda aadanaha, HRW, waxay dowladda Kenya iyo hay&#8217;adda UNHCR ku eedeysay inay ku guuldareysteen in hanaanka dib u celinta ay waafajiyeen xeerka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga, Bill Frelick, waxa uu sheegayaa in maamulka Kenya aysan dadka dhiban siinin fursad ay ku kala xushaan inay noqdaan ama iska joogaan.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale sheegay in hay&#8217;adda qaxootiga ee UNHCR aysan dadka siin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay horey uga wada hadleen in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.<\/p>\n<p>Sikastaba, maamulka Jubaland ayaa dhowaantan waxa ay diideen in qaxootiga loo gudbiyo dhanka Soomaaliya, waxayna sheegayaan inaan la siinin taageerada bini aadamnimo ee ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>Go&#8217;aankaasi wuxuu dhaliyay in dad badan oo noqon lahaa ay ku xayiran yihiin xuduudda.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>hay&#8217;adda UNHCR Iyo Xukumada Kenya Oo Lagu Dhaliilay Hannaanka Dib U Celinta Qaxoontiga Ku Sugan Xeryaha Dhadhaab Ee Dalka Kenya. Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay&#8217;ad u dooda xuquuqda aadanaha. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1272,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1271","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1271","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1271"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1271\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1273,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1271\/revisions\/1273"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1272"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1271"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1271"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1271"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}