{"id":12849,"date":"2017-10-22T13:47:32","date_gmt":"2017-10-22T13:47:32","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12849"},"modified":"2017-10-22T13:47:32","modified_gmt":"2017-10-22T13:47:32","slug":"maxaa-loo-dhaariyay-weriyeyaasha-wq-khaalid-foodhaadhi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=12849","title":{"rendered":"Maxaa loo dhaariyay weriyeyaasha? WQ:\u00a0Khaalid Foodhaadhi"},"content":{"rendered":"<div>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Dooddii 19-10-2017 dhex martay musharraxiinta saddex xisbi qaran ee Somaliland ee u tartamaya madaxtinnimada dalka waxa iiga muuqatay arrin ugub ah oo aanan warbaahinta horay ugu arag hase ahaatee dooddan\u00a0 aan ku dhex arkay.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Waxa cusub ee iiga muuqday ayaa ah in weriyeyaashii doodda daadihinaayay la dhaariyay si kor loogu qaado kalsoonida dadka doodaya ay ku qabaan suxufiyiinta doodda u qaybin doonna. Taasna waxay u muuqatay mid muujinaysa in weriyeyaasha doodda xidhiidhinaayay aan kalsooni lagu qabin hase ahaatee markii la dhaariyay dhaarta la aamminay ee aan iyaga la aamminsanayn (Wallow iyagu sidii laga doonayay ay u qabteen doodda).<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Warbaahintu waxay ku shaqaysaa dhex-dhexaadnimo iyo dheellitirnaan mana jirto adduunka inta ogaalkay ah meel lagu dhaariyo ruux weriye ah oo qaaday masuuliyadda wayn ee weriyenimada. Sharciga saxaafadduna ma qabo in weriyeha la dhaariyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\"><b>Haddaba, maxaa ka dhalan kara arrintan?<\/b><\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Arrintan waxay horseedi kartaa in weriye kasta oo dood u qabanaya dhinacyo iska soo horjeeda la dhaarin doonno taasna waxay ka hor imanaysaa xorriyadda weriyeyaasha iyo warbaahinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Kooxda doodda soo qaban-qaabisay dadka uma sheegin sababta keentay in la dhaariyo weriyeyaasha maadaama warbaahinta tiirkeedu koowaad uu yahay runta iyo dhex-dhexaadnimada isla markaana aanay sharci ahayn in weriyaha ka dhaariyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Waan u cudur daari karnaa dadka doodda soo qaban-qaabiyay haddii aanay ahayn dad aqoontoodu tahay mid warbaahineed oo waxa la odhan karaa halkaas way il-duufeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\">Ugu dambeyntii, ma dafirayo in dhalinyaro dedaashay iyo dad is xil-qaamay ay qabteen wax wanaagsan oo u baahan ku dayasho haddana maadaama aan ahayn weriye waxa ii cuntami wayday arrintaas gefka ku ah warbaahinta iyo weriyeyaasha waana sababta keentay in aan sheekadan idinla wadaago.<\/span><\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><span style=\"color: #000000;\"><b>Mahadsanidiin.<\/b><\/span><\/p>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"x_gmail_signature\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<div dir=\"ltr\">\n<p><span style=\"color: #000000;\"><b><i>Reporter: Saab TV<br \/>\nHargeysa, Somaliland.<\/i><\/b><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><a style=\"color: #000000;\" href=\"mailto:Khaalidfoodhaadhi@gmail.com\" target=\"_blank\" rel=\"noopener noreferrer\">Khaalidfoodhaadhi@gmail.com<\/a><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\">Mobile:\u00a0<\/span>+252634012548<\/span><br \/>\n<span style=\"color: #000000;\">Thank you.<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dooddii 19-10-2017 dhex martay musharraxiinta saddex xisbi qaran ee Somaliland ee u tartamaya madaxtinnimada dalka waxa iiga muuqatay arrin ugub ah oo aanan warbaahinta horay ugu arag hase ahaatee dooddan\u00a0 aan ku dhex arkay. Waxa cusub ee iiga muuqday ayaa ah in weriyeyaashii doodda daadihinaayay la dhaariyay si kor loogu qaado kalsoonida dadka doodaya ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":12850,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-12849","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12849","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=12849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":12851,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/12849\/revisions\/12851"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/12850"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=12849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=12849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=12849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}