{"id":13512,"date":"2017-11-20T09:53:58","date_gmt":"2017-11-20T09:53:58","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=13512"},"modified":"2017-11-20T09:53:58","modified_gmt":"2017-11-20T09:53:58","slug":"madaxweynaha-dalka-zimbabwe-rober-mugabe-oo-loo-qabtay-muddo-sacaaddo-ah-in-u-isku-soo-casilo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=13512","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Rober Mugabe Oo Loo Qabtay Muddo Sacaaddo ah In U Isku Soo Casilo."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweynaha Zimbabwe ee cadaadiska badan saaranyahay Robert Mugabe ayaa loo qabtay galinka dambe ee maanta in uu xilka kaga dego, haddii kale baarlamaanka uu u qaadi doono codka kalsoonida.<\/p>\n<p>Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa xilkii guddoomiyenimada ka qaaday Mugabe maalin ka hor.<\/p>\n<p>Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ah 12:00 duhurnimo xiliga Zimbabwe, wixii markaas ka dambeeyana xilka laga xayuubin doono.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenkii uu Mugabe xilka ka eryay Mr Emmerson Mnangagwa ayaa loo doortay guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee xisbiga, iyo musharaxa madaxweynenimada Zimbabwe ee sanadka 2018-ka.<\/p>\n<p>Farogalinta ciidanka ayaa timid kadib markii uu muran ka dhashay qofkii badali lahaa Mugane, iyada oo xaaskiisa Grace Mugabe loo waday in ay xilkaasi buuxiso.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-42011330\">Robert Mugabe, Halyeey qaran mise nin Zimbabwe hagardaameeyay?<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-42008229\">Lix astaamood oo lagu garto afgembiyada<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-42007194\">Waa kuma yaxaaska soo rogaalceliyay ee Zimbabwe?<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Duqa xisbiga Zanu-PF Lovemore Matuke ayaa laga soo xigtay isaga oo leh in ay diyaar u yihiin in ay Mugabe codka kalsoonida u qaadaan haddii uu iscasili waayo.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in baarlamaanka uu fariisan doono maalinta talaadada, loona baahanyahay aqlabiyad labo meelood saddex meel labada aqalba si madaxweynaha xilka looga qaado.<\/p>\n<p>Xisbiga mucaaradka ah ee MDC-T ayaa marar badan isku dayay in uu codka kalsoonida xilka kaga qaado Mugabe, balse hadda waxa ay u muuqataa in aqlabiyadda xisbiga Zanu-PF ee labada aqal ay ridi doonaan.<\/p>\n<p>Fergal Keane oo ah tifaftiraha BBC-da qeybka Afrika ayaa sheegay in ay u egtahay in Mugabe uu markii hore ogolaaday in uu xilka ka dego, balse markii dambe maskaxdiisa badalay.<\/p>\n<p>Taliyeyaasha ciidanka ayaanan doonaynin in ay qoriga caaradiisa xilka kaga qaadaan, taasi badalkeedana ay xisbiga Zanu-PF ay u ogolaadaan in uu maro wadada sharciga ah ee madaxweyne xilka looga qaadi karo.<\/p>\n<p>In codka kalsoonida lagala noqdo madaxweynaha waxa ay qaadan karta muddo todobaadyo ah.<\/p>\n<p>Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.<\/p>\n<p>Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.<\/p>\n<p>Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.<\/p>\n<p>Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin.<\/p>\n<p>Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga.<\/p>\n<p>Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Zimbabwe ee cadaadiska badan saaranyahay Robert Mugabe ayaa loo qabtay galinka dambe ee maanta in uu xilka kaga dego, haddii kale baarlamaanka uu u qaadi doono codka kalsoonida. Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa xilkii guddoomiyenimada ka qaaday Mugabe maalin ka hor. Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ah 12:00 duhurnimo xiliga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":13513,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-13512","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13512","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13512"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13512\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13514,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13512\/revisions\/13514"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13513"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}