{"id":13665,"date":"2017-11-29T12:00:16","date_gmt":"2017-11-29T12:00:16","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=13665"},"modified":"2017-11-29T12:00:16","modified_gmt":"2017-11-29T12:00:16","slug":"golaha-wasiirrada-waxaan-ku-soo-xuli-doonaa-aqoontooda-waayo-aragnimadooda-iyo-kartidooda-madaxweyne-muuse-biixi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=13665","title":{"rendered":"\u201cGOLAHA WASIIRRADA WAXAAN KU SOO XULI DOONAA AQOONTOODA, WAAYO-ARAGNIMADOODA IYO KARTIDOODA\u201d MADAXWEYNE MUUSE BIIXI"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p><strong>\u201cMaamulkayaga waxa ka go\u2019an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga \u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday inuu suulin doono Musuqmaasuqa, soona celin doono kalsoonidii bulshada<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hargeysa(<strong>Allsomaliland<\/strong>\u00a0)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa\u00a0 shaaca ka qaaday inuu suulin doono\u00a0 musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada \u00a0ee uu \u00a0magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti.<\/p>\n<\/div>\n<p>Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu Salaasadii maanta ku qoray Wargeyska caanka ah ee\u00a0<strong>Financial Times<\/strong>, waxaana qormadan ciwaan looga dhigay\u00a0<strong>\u201cCaqabadaha Somaliland ay waajahaysaa \u00a0\u00a0maaha dhalanteed.\u201d<\/strong><\/p>\n<p>Warbixintan oo aad u xiiso badan waxaa soo turjumay Tifaftiraha Guud ee\u00a0<strong>Wargeyska Dawan<\/strong>, \u00a0Cumar Maxamed Faarax, waxaanu ka diyaariyay warkan:-<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay dimuqraadiyada iyo doorashadii Somaliland, waxa uu yidhi; \u201cToddobaadkii hore Guddida doorashooyinka madax-bannaan ee Somaliland waxay\u00a0 ku dhawaaqeen natiijadii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November.<\/p>\n<p>Waxay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh uga qabsoontay Somaliland, illaa 2003-dii, dadweynaha Somaliland waxay ka qaybgaleen nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii nabadgelyada u qabsoomay, kuwaasi oo 60 goobjooge oo caalami ahi caddeeyeen inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah oo ay aqbaleen natiijadii \u00a0doorashada \u00a0saddexdii xisbi ee murrashaxiintoodu tartanka galeen.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu intaas ku daray \u00a0in \u00a0diiwaangelintii codbixiyeyaasha \u00a0ee Somaliland \u00a0adeegsatay farsamada \u00a0isha bu\u2019deeda la sawirayo \u00a0ee loo yaqaanno (iris-recognition technology) uu caddaynayo \u00a0sida Somaliland ay uga go\u2019an tahay inay jeebadeeda \u00a0ka maalgeliso hay\u2019adaha dimuqraadiyada iyo isku-xukunka sharciga.<\/p>\n<p>Muuse Biixi waxa uu sheegay inay sharaf u tahay \u00a0isaga\u00a0 in \u00a0ummadda reer Somaliland \u00a0u doorteen madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socda. \u201cWaxaa ii sharaf ah in dadka reer Somaliland ii xusheen madaxweynahooda. kooxdayda xiliga kala-guurku waxay bilaabeen shaqo adag oo ay ku diyaarinayaan xaflada caleemo-saarka ee bisha fooda innagu soo haysa qabsoomaysa,\u201dayuu\u00a0 yidhi madaxweynaha la doortay.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay in xasilooni darrada ay kooxda Alshabaab gayaysiisay \u00a0meelaha ka baxsan xadka \u00a0koonfureed ee Somaliland\u00a0 la wadaagto Soomaaliya iyo facaa\u2019ilka budhcad badeedu ka wadaan xeebuhu, ay Somaliland ku kalifeen inay si adag ula socoto oo ay taageerto dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxahaas.<\/p>\n<p>\u201cMaamulkayaga waxa ka go\u2019an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga \u00a0iyo dadka ajaanibka ah \u00a0ee degan ama \u00a0ka ganacsada dalkayaga,\u201dayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Biixi waxa uu tilmaamay in caqabadaha dhaqaale ee \u00a0jiraa \u00a0ay Somaliland \u00a0ka dhigeen \u00a0dalka\u00a0 ugu hooseeya \u00a0\u00a0[GDP] wax-soo-saarka gudaha (Gross Domestic Product). Waxaannu intaas ku daray in shaqo la\u2019aantuna marayso heer aad u sareeya, gaar ahaan dhallinyarada,\u00a0 iyadoo\u00a0 Boqolkiiba Toddobaatan bulshada reer Somaliland ay da\u2019doodu\u00a0 ka hooseyso 30 jir.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu maalgelin doono kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu abuuri doono fursado shaqo, waxaannu yidhi \u201cWaxaannu rajaynaynaa horumarinta waddooyinka, korontada, \u00a0dekedihii hore u jiray iyo dekeddo cusub oo laga hirgeliyo xeebtayada dhererkeedu yahay 850km\u00a0 ay suurtogelin doonto koboc iyo isku-dheelitirka dhaqaalahayaga.\u201d<\/p>\n<p>\u201cMaamulkaygu wuxuu ku \u00a0qalabayn doonaa wasaaradda caafimaadka inkaaniyaadka aasaasiga ah, si hoos loogu dhigo heerka \u00a0dhimashada caruurta. Waxa kaloo aanu ka shaqeynaynaa sidii biyo nadiif ah loogu heli lahaa degaannada miyiga ah,\u201dayuu yidhi Madaxweynuhu.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada, waxaa \u00a0uu iftiimiyay in waxbarashada \u00a0la helaa\u00a0 ay hooseyso \u00a0Somaliland, \u00a0taasi oo ay kala mid tahay dalalka kale ee mandaqada. Waxa uu carabaabay inay dhiirigelinayaan xoojinta heerta tacliinta sare oo ay samayn doonaan dib u hayn. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in hagaajinayaan tayada waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse waxa uu xusay in maalgashigii \u00a0DP World \u00a0ay \u00a0$442 Milyan \u00a0gelinayso marsadda Berbera ay tahay mid muhiim u ah dedaalka Somaliland ugu jirto inay dekedda ka dhigto xuddunta ganacsiga Geeska Afrika.<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu horumarinay ganacsiga aanu la wadaagno dalka isu-tagga Imaaraadka carabta \u00a0iyo Itoobiya oo aanu sii ballaadhinayno shanta sannadood ee soo socda,\u201dayuu yidhi Md. Muuse Biixi.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladiisu sii wadayso dedaalka ictiraaf raadinta Somaliland oo uu samayn doono inuu ku xoojiyo qorsheyaal mucayin ah oo ay ka mid tahay inay dalalka \u00a0la yeeshaan cilaaqaad ku dhisan laba dhinac.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong>Madaxweyneynuhu \u00a0wuxuu amaanay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu isku hawlay\u00a0 amaanka qaranka iyo maalgelinta Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi waxa caddeeyay qorshihiisa la xidhiidha suulinta musuqmaasuqa ka jiray Somaliland toddobadii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaanu intaas ku daray inuu xiddida u siibi doono oo uu uga shaqeyn doono danta bulshada sida ugu wanaagsan.<\/p>\n<p>\u201cGolaha wasiirrada \u00a0ee aan soo magacaabayo, waxaan ku soo xuli doonaa \u00a0\u00a0\u00a0aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, kuwaasi\u00a0 ay ka koobnaan doona \u00a0\u00a0bulshada Somaliland oo dhan,\u201dayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu balanqaaday\u00a0 \u00a0inuu soo celinayo kalsoonidii bulshadu ku dooratay.<\/p>\n<p><strong>Xigasho Gudgude.com<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cMaamulkayaga waxa ka go\u2019an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga \u201d Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday inuu suulin doono Musuqmaasuqa, soona celin doono kalsoonidii bulshada &nbsp; Hargeysa(Allsomaliland\u00a0)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa\u00a0 shaaca ka qaaday inuu suulin doono\u00a0 musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":13666,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-13665","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13665","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13665"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13665\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13667,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13665\/revisions\/13667"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/13666"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13665"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13665"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13665"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}