{"id":1427,"date":"2016-09-18T16:37:39","date_gmt":"2016-09-18T16:37:39","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1427"},"modified":"2016-09-18T16:37:39","modified_gmt":"2016-09-18T16:37:39","slug":"cismaan-hindi-oo-ka-mid-ahaa-ganacsatada-iyo-siyaasiyiinta-somaliland-oo-maanta-uk-ku-geeriyooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1427","title":{"rendered":"Cismaan Hindi Oo Ka Mid Ahaa Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Oo Maanta UK Ku Geeriyooday"},"content":{"rendered":"<div>\n<div>\n<div class=\"_1mf _1mj\" style=\"text-align: justify\"><span><span>London (GLN)- Alle ha u naxariistee\u00a0waxa manta abbaaro 11:40 wakhtiga UK ku geeriyooday magaaladda London Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf &#8220;Cismaan Hindi&#8221; oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayay dalka Ingiriiska.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Qoraal soo koobaya taariikh-nololeedkii maxruum Cismaan Hindi oo uu diyaariyey weriye Maxamed Cabdi Xasan oo uu marxuumku abti u ahaa ayaa sidan u dhignaa:\u00a0<\/span><\/span><\/div>\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>&#8220;Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf wuxuu dhashay sannadkii 1958 kii, wuxuu ku dhashay magaaladda Jigjiga oo Aabahii ka ahaa ganacsade.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Balse yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaaladda Hargeysa, wuxuuna dugsigiisii sare ka dhamaystay Faarax Oomaar iyo Dugsiga Sheekh oo markii danbe u wareegay.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>1978 kii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka Sweden oo uu ka qaatay shahaadada Master jaamacadda Lund ee dalka Sweden.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>1984 kii wuxuu ka furay dalka Sweden xafiiskii ugu horeeyay ee ururka SNM ku yeesho Stockholm dalka Sweden.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Sannadkii 1991 kiina dalka ayuu dib ugu soo noqday, 1993 kiina wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb gallay shirkii Boorama ee qaaradda Yurub.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Sannadkii 2001 dii ayey magaaladda London ku kulmeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka dib markii madaxweyne Cigaal geeriyooday, waxaana guriga Abtigay Cismaan ku lahaa degmadda Rayners Lane ee London lagu dhisay fekerka xisbiga Kulmiye oo markii danbe Hargeysa lagaga dhawaaqay.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Intii u dhexaysay 2002 ilaa 2007 dii wuxuu ka mid ahaa madaxda xisbiga Kulmiye isagoo noqday guddoomiyahii xisbiga ee gobolka Hargeysa, xubin guddida fullinta iyo golaha dhexe.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Sannadkii 2007 dii ayey siyaasadda ku kala aragti duwanaadeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna sannadkaasina ku biiray xisbigii xukuumadda hayay ee UDUB OO uu ka mid noqday madaxda ugu saraysa, wuxuuna noqday madaxii ololaha doorashada xisbiga UDUB.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Markii xisbiga UDUB saaxadda ka baxay Abtigay wuxuu go&#8217;aansaday inuu siyaasadda dibadda ka joogo.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Wuxuuna qayb ka noqday dibu dhiska dalka isagoo ka hirgaliyay Somaliland shariikado ganacsi.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Wuxuu ahaa abtigay intaan abtiyo leeyahay kaanu iskugu dhawayn, umana malaynayo qof yaqaanay oo ka gayoonayay dabeecadiisii wanaagsanayd.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div style=\"text-align: justify\">\n<div class=\"_1mf _1mj\"><span><span>Wuxuu abtigay ifka kaga tagay xaaskiisa Hinda Cabdi Muuse iyo laba wiil Sharmarke iyo Guuleed.<\/span><\/span><\/div>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"_1mf _1mj\" style=\"text-align: justify\"><span><span>Inalilah wa ina ilayhi rajacuun.&#8221;<\/span><\/span><\/div>\n<div class=\"_1mf _1mj\" style=\"text-align: justify\"><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1428\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n-300x158.jpg\" alt=\"14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n\" width=\"300\" height=\"158\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n-300x158.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/09\/14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n.jpg 480w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/div>\n<div class=\"_1mf _1mj\" style=\"text-align: justify\">Gacanlibaaxnews.com<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>London (GLN)- Alle ha u naxariistee\u00a0waxa manta abbaaro 11:40 wakhtiga UK ku geeriyooday magaaladda London Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf &#8220;Cismaan Hindi&#8221; oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayay dalka Ingiriiska. Qoraal soo koobaya taariikh-nololeedkii maxruum Cismaan Hindi oo uu diyaariyey weriye Maxamed Cabdi Xasan oo uu marxuumku abti u ahaa ayaa sidan u dhignaa:\u00a0 &#8220;Cismaan Cabdilaahi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1428,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1427","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1427","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1427"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1427\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1429,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1427\/revisions\/1429"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1428"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1427"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1427"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1427"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}