{"id":14466,"date":"2018-01-23T17:46:52","date_gmt":"2018-01-23T17:46:52","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=14466"},"modified":"2018-01-23T17:46:52","modified_gmt":"2018-01-23T17:46:52","slug":"gorfeyn-iyo-guud-mar-dhiganaha-habeen-kaama-tegin-wq-siciid-maxamuud-gahayr","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=14466","title":{"rendered":"Gorfeyn iyo Guud-mar: Dhiganaha \u201cHabeen Kaama Tegin\u201d W\/Q Siciid Maxamuud Gahayr"},"content":{"rendered":"<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">3dii Jenewari 2017ka oo aan magaalada Gebiley kaga qayb-galnay bandhigga labada buug ee \u201cHabeen kaama tegin\u201d iyo \u201cSheekaba sheekay keentaa\u201d ayuu gacantayda soo galay diiwaanka magaciisu yahay \u201cHabeen kaama tegin\u201d. Muddadaas oo gu\u2019 buure ah iyo lix maalmood laga joogo waxa aan damacsanaa in aan faallo ka qoro. Laakiin malaha dabaylihii siyaasadeed iyo doorashadii dalka ku hadhaysnaa ayaa dib u dhigay. <\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Wax uu wakhtigu is-guraba caawa oo sooyaalku yahay 10kii Jenewari 2018ka ayaa ay suurtagal noqotay in aan cabbiro aragtidayda ku aaddan diiwaanka \u201cHabeen kaama tegin\u201d.Labada buugba waxa sannadkii 2016ka qortay Amal Gilin Maxamuud oo ka mid ah qoreyaasha iyo aqoonyahannada dhallinyarada ah ee ku nool magaalada Hargeysa. <\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Guud ahaanna dhiganaha \u201cHabeen kaama tegin\u201d waxa uu xambaarsan yahay kow iyo toban sheeko. Bogagga hore ee 4 illaa 14 waxa ku qoran xuquuqda qoraalka, hibayn, afeef, tusmada buugga, hordhac, mahadnaq iyo magaca buugga. Boggaga illaa 16aad illaa 14aad ayaa ay dulucdiisu ku jirtaa. Boggaga 134 illaa 150 waxa ku qoran taariikhda qoraha, weedhihii buugga laga yidhi, hal-ku-dhegga buuuga iyo tixraaca ilaha xigashada.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Dhiganahani waxa uu duub ahaan xambaarsan yahay ka kooban yahay labada qaybood ee sheekooyinka: sheeko dhab ah iyo sheeko male-awaal ah, kuwaas oo loo gudbinayo hab sheeko ah. Waxa lagu qoray af la fahmi karo, sheekooyinka qaarkood aad ayaa ay u xiise badan yihiin oo hannaanka loo tebiyay ayaa heer sarreeya sida sheekada \u201cWaan kuu imide kac\u201d oo ku qoran bogagga 24 illaa 37. Waxa aad ka xiise-goyn kartaa marka aad wada akhridid ee aad si buuxda u dhuuxdid dulucdeeda. Weliba sheekadaas aan goonida u taabtay waxa biyo-dhaceeda fahmi kara uun qof si dhammays iran u dheehday. Akhirsteyaasha waxa aan Hal-xidhaale uga dhigayaa in ay doontaan dhiganaha oo ay dhaayahooda saaran sadarrada iyo salka sheekada aan guud-marka ku dhaafay.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Sheekooyinka ama abbaaraha (mawduucyada) uu dhiganuhu faaqidayo waxa aad magacyadooda ka garan kartaa in ay xambaarsan yihiin guubaabo togan sida \u201cFarxad ku tali, Noqo saaxiib wanaagsan, dhaqankeennii suubbanaa oo sal guuday, aammusnaani waa dahab, noqo shinni ee ha noqon dukhsi, aargoosigu waa uf iyo baraarug\u201d. Kuwo badan waxa ku ladhan murti, maanso iyo suugaan ay bulshadu si fiican u kasi karto ujeedkooda iyo nuxurkooda.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Qiimaha buugga waxa kuu muujinaya weedhaha ay ka yidhaahdeen indheer-garadka ummadda ee buugga arkay intii aan la daabicin sida Bare Sare\/Qoraa Maxamed Sheekh Ibraahin Xujaale, Abwaan Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cadde) Guddoomiyaha Machadka Afka iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Golis, Nimcaan Cabdi Cali Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Golis iyo Qoraa Cabdinaasir Axmed Ibraahin. Weedhahooda dhiirri-gelinta ah waxa aad ka dareemaysaa in Qoraa Amal Gilin Maxamuud ay u talo-badsatay tayaynta dhiganaha.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Walaw uu dhiganahani ka mid yahay kuwii koowaad ee ay qortay Amal Gilin Maxamuud waxa aad dareemaysaa in bar-bilawgeedu yahay mid bogaadin mudan. Ma hawl yara in buug la qoraa, Amal waxa ay hurtay maskax, muruq, maal, mirir (wakhti) iyo dedaal mug leh, waana waxa horseedka u noqday in ay horteenna keento diiwaan aan qof ahaan majeeranayo. Waxa aan ku guubaabinayaa in ay kaalintaas ku sii jirto, isla markaana ay xilkasnimadeeda uga sii faaiidayso dadka afka Soomaaliga ku hadla.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Sidaas oo ay tahay, wax uu aadame qabtay lagama waayo dhaliil. Laakiin mar kasta oo uu qofku faraha ku sii hayo qalinka iyo qoraalka waxa uu sameeyaa koboc iyo horumar. Waxa aan ku kalsoonahay in Amal Gilin Maxamuud ay ururisay wixii faallo taban ah ee dhiganaha laga yidhi, isla markaana ay toosintooda gacanta ku hayso, waayo hadda waa dhigane laba jirsaday. Mar walba intiisa togan ee tayada leh ayaa boqol lab tiro badan. Waa dhigane taabba-galay, tisqaaday isla markaana mudan in wakhti loo huro akhriskiisa.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Ugu dambayntii waxa aan leeyahay Amal Gilin Maxamuud waxa ay tusaale iyo hiraal u tahay da\u2019yarta doonaysa in ay ummaddooda la wadaagaan aqoonta san, gaar ahaanna bahda jecel qoraalka, akhriska iyo dhaxal-reebka ummadda. Akhriste kasta oo aan dhaayaha saarin diiwaanka \u201cHabeen Kaama Tegin\u201d waxa aan leeyahay \u201cnala arag mucda iyo miidda ku duugan\u201d.<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Siciid Maxamuud Gahayr<\/span><\/div>\n<div><span style=\"font-family: Book Antiqua,serif; font-size: medium;\">Hargeysa<\/span><\/div>\n<div><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>3dii Jenewari 2017ka oo aan magaalada Gebiley kaga qayb-galnay bandhigga labada buug ee \u201cHabeen kaama tegin\u201d iyo \u201cSheekaba sheekay keentaa\u201d ayuu gacantayda soo galay diiwaanka magaciisu yahay \u201cHabeen kaama tegin\u201d. Muddadaas oo gu\u2019 buure ah iyo lix maalmood laga joogo waxa aan damacsanaa in aan faallo ka qoro. Laakiin malaha dabaylihii siyaasadeed iyo doorashadii dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":14467,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-14466","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14466","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14466"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14466\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14468,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14466\/revisions\/14468"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/14467"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14466"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14466"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14466"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}