{"id":14912,"date":"2018-02-20T23:49:06","date_gmt":"2018-02-20T23:49:06","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=14912"},"modified":"2018-02-20T23:49:06","modified_gmt":"2018-02-20T23:49:06","slug":"dadka-guursaday-ma-ka-caafimaad-badan-yihiin-kuwa-aan-guursan-wq-axmed-shawqi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=14912","title":{"rendered":"Dadka Guursaday Ma ka Caafimaad badan yihiin kuwa aan Guursan? WQ: Axmed Shawqi"},"content":{"rendered":"<p>Daraasad cusub oo lagu daabacay wargeyska \u201c The Journal Of Health and Social Behavior\u201d ayaa muujisay in marka dadka guursaday ay keli noqdaan iyaga oo kala taga ama midkood dhinto, in uu ku dhaco wax kabadan caadiffadda oo ka lunta. Badanaa waxa soo foodsaara hoos u dhac dhanka caafimaadka jidhka ah kaas oo aanay si buuxda uga soo kaban Karin xataa haddii ay mar labaad guursadan.<\/p>\n<p>Caafimaad ahaana uma fiicna kala taggu ama furriinka lamaanuhu, marka la barbar dhigo caafimaadka qofka aan weli guursan. Daraasaddu waxay intaas ku daraysaa in dadka da\u2019da dhexe ee cimrigooda ee aan weli\u00a0 guurs ani ay leeyihiin mushkilado dhanka wadnaha oo ka yar kan ay ka cawdaan dadka guurka soo maray ee laakiin kala tegay oo ku danbeyey nolol\u00a0 kelini mo ah.<\/p>\n<p>Natiijada kasoo baxday cilmi baadhis lagu sameeyey 8,652 rag iyo dumar isugu jira oo da\u2019doodu u dhaxayso 50-60 sano ayaa cadaysay in niyad\u00a0 xu mo, walaac iyo werwer ka dhashay furriinku uu ku yimaado lamaanaha\u00a0 kal a tagay, kaas oo sii socda ama aan si buuxda u baabi\u2019in xataa haddii qofku mar labaad guursado.<\/p>\n<p>\u201cMarka lamaanahagu uu xanuunsado ama xidhiidhkiina guur xumaado, xad diga ama heerka walaaca iyo werwerka ku helaya ayaa kor u kaca\u201d sidaa waxa tidhi Linda waite, oo ah qoraha daraasadan iyo bare sare\u00a0 (profes sor) cilmiga Bulshada ka dhiga Jaamacadda Chicago, ee dalka Maraykanka. Waxayna intaas raacisay\u201dsi fiican uma seexanaysid, waxa kugu dhacaysa cunto xumo, saaxiibadaadana ma arki karaysid, dhamaan waa arrimo\u00a0 tiira anyo leh oo fool xun\u201d<\/p>\n<p>Faaidooyinka caafimaad ee guurka ayaa faro badan, tusaale ahaan\u00a0 daraa saddu waxay sheegtay in lamaanuhu ku dedaalo inuu midba kan kale\u00a0 caafi maadkiisa xoogga saaro oo markasta ka war hayo, gaar ahaanna ooridu ama afadu ay iyadu aad uga warhayso saygeeda caafimaadkiisa isla\u00a0 mark abana garato haddii caafimaad darro kusoo korodho, waxayna uga dhigan tahay sida ilaaliyaha albaabka ama \u201cgatekeeper\u201d oo markasta ilaalilanysa xaaladdiisa caafimaad.<\/p>\n<p>Dadka daraasadda lagu sameeyey, kuwooda furriin ku yimi ama\u00a0 lamaani hi isii kale ka dhintay, waxay 20% kaga bateen xanuunada wadno xanuunka, macaanka iyo kansarka, marka la barbar dhigo kuwa isla markiiba dib ka\u00a0 g uursaday. Dib-u guursigan ayaa keentay inuu hagaago caafimaadkoodu laakiinse sida daraasadda ku cad, lamaanaha kala tegay ee aan dib u\u00a0 guur san weligood si buuxda ugama soo kabtaan hoos u dhaca ku yimaada\u00a0 caaf imaadka jidhkooda ee ka dhashay werwerka, qoomamada iyo fikirka\u00a0 fara ha badan ee furriinka.<\/p>\n<p>Cilmi baadhistani si toos ah uma sheegayso in furriinku keeno caafimaad darro, laakiinse waxay cadaynaysaa in xidhiidh saamayn ahi ka dhexeeyo.<\/p>\n<p>Sidoo kale saynisyahanno deggan gobolka Ohio, ee dalka Maraykanka\u00a0 ay aa tijaabiyeen waqtiga ay qaadato in lamanaha is furay ama kala tagay ay ka bogsadaan nabarada yaryar ee diirka jidhka soo gaadha,waxayna\u00a0 og aadeen in kuwa is furay maalin ka badan ku qaadato in nabarku bogsado, halka kuwa colaadda xoogan ku kala tagay ay mudo maalin ka badan ku\u00a0 q aadato in nabarku bogsado.<\/p>\n<p>\u201c waxaan idinku adkaynayaa in haddii aydin guurka dhibtiisa maarayn\u00a0 kar ayn, ay fiicantahay in laga joogsado. Furriinkuna wuxu carqalad ku\u00a0 noqon ayaa noloshaada, laakiinse guurka isqab qabsigiisu jiitamo mudo badan\u00a0 wa xa dhaama furriinka\u201d sidaas waxa yidhi kiecolt Glaser oo ah saynisyahan reer Ohio ah.<\/p>\n<p>Ugu danbayn,waxa cad in guurku ka caafimaad iyo wanaag badan yahay furriinka ama burburka qoyska, ayna tahay in wax badan laga\u00a0 war\u00a0 ware ego furriinka oo aan lagu degdegin. Si hadaba furriinka loo yareeyo waa in marka hore guurka lagu aasaasaa wanaag iyo is afgarad iyo is taageerid.<\/p>\n<p>Qalinkii Axmed Shawqi<\/p>\n<p>Shawqi06@hotmail.com<\/p>\n<p>Hargeisa, Somaliland<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUURKA.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-14913\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUURKA-300x190.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"190\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUURKA-300x190.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUURKA.jpg 611w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Daraasad cusub oo lagu daabacay wargeyska \u201c The Journal Of Health and Social Behavior\u201d ayaa muujisay in marka dadka guursaday ay keli noqdaan iyaga oo kala taga ama midkood dhinto, in uu ku dhaco wax kabadan caadiffadda oo ka lunta. Badanaa waxa soo foodsaara hoos u dhac dhanka caafimaadka jidhka ah kaas oo aanay si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[4],"tags":[],"class_list":["post-14912","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-arrimaha-bulshada"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14912","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14912"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14912\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14914,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14912\/revisions\/14914"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14912"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14912"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14912"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}