{"id":15100,"date":"2018-03-04T20:20:19","date_gmt":"2018-03-04T20:20:19","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=15100"},"modified":"2018-03-04T20:20:19","modified_gmt":"2018-03-04T20:20:19","slug":"wasiirka-beeraha-oo-goaamo-adag-dul-dhigay-ganacsatada-siidhka-beeraha-soo-waarida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=15100","title":{"rendered":"Wasiirka Beeraha Oo Go\u2019aamo Adag Dul Dhigay Ganacsatada Siidhka Beeraha Soo Waarida"},"content":{"rendered":"<p><strong>Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa Shirkaddaha iyo hay\u2019addaha ka shaqeeya soo dejinta iyo qaybinta Shinida beeraha ku amray inay maraan nidaam wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta Tayada shinida Beeraha.<\/strong><\/p>\n<p><strong>War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirku ayuu shirkaddaha iyo hay\u2019addaha ka shaqeeya Shinida beeraha ku faahfaahieyey\u00a0\u00a0nidaam ay wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta tayada Shinida beeraha.<\/strong><\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline \"><\/div>\n<p><strong>Warsaxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 4\/March\/2018, sumaddiisuna ahayd Ref\/Tix:WB\/XW\/ADMIN\/ F-15\/125\/2018 ayaa u dhignaa sidan:<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cWar-saxaafadeed<\/strong><\/p>\n<p><strong>Ku: Dhammaan Hay\u2019addaha Wadashaqaynta la leh wasaaradda horumarinta Beeraha<\/strong><\/p>\n<p><strong>Ujeedo: Soo Dejinta Shinida Beeraha<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wasaaradda horumarinta beeruhu, iyada oo kaashanaysa dadyawga ka ganacsada ee ku hawlan soo dejinta agabka beeraha iy ohay\u2019addaha qaramada midoobay, kuwa aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ku hawlan kor u qaadista maceeshada iyo yaraynta macaluusha inay nagala shaqeeyaan arrimahan hoos ku xusan sida:<\/strong><\/p>\n<p><strong>Hay\u2019ad kasta oo ku hawlan soo dejinta shinida beeraha iyo agabka beeraha waxaanu kula talinaynaa:-<\/strong><\/p>\n<p><strong>1)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Dhammaan shinada la soo iibinayaa inay noqdaan kuwa ka yimaada meelo la hubo sida, dalalka Geeska Afrika, anaga oo door bidayna kuwa ka soo baxa tijaabooyinka Itoobiya iyo Kenya ama dalalka aanu isku cimilada nahay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>2)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shinidu waa inay ahaato kuwa loo sii daayey beeralayda yar yar ee dalalkaasi kor ku xusan, isla markaana waa inay tahay shini wadata cadaymaheeda (Certified Seeds).<\/strong><\/p>\n<p><strong>3)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waxa kale oo aanu soo jeedin lahayn in la isticmaalo shinada xulka ah ee waddaniga ah ee laga heli karo wadanka iyo\u00a0\u00a0ururada waddaniga ah sida Wasaaradda Horumarinta Beeraha, HAVOYOCO iyo FAO (Mashruuca SOMASEED-ka) wixii laga hayo.<\/strong><\/p>\n<p><strong>4)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shinada la soo dejinayo waa in la soo mariyo xarunta wasaaradda horumarinta beeraha si loo hubiyo tayadeeda.<\/strong><\/p>\n<p><strong>5)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0In shinada waddaniga ah ee beeralaydu haysato kaydsadaan si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada loo baahdo<\/strong><\/p>\n<p><strong>6)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waa in laga helo Ogolaansho Wasaaradda\u00a0\u00a0mar kasta oo la rabo in abuur dalka la keeno waana in la soo tusaa inyar oo tijaabo ah<\/strong><\/p>\n<p><strong>7)\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wareegtadani Waxa ay dhaqangal tahay ilaa inta la sameynayo siyaasadda shinida beeraha ee wasaaradda horumarinta beeraha\u00a0\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wabilaahi Tawfiiq<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mudane: Axmed Muumin Seed<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha\u201d<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa Shirkaddaha iyo hay\u2019addaha ka shaqeeya soo dejinta iyo qaybinta Shinida beeraha ku amray inay maraan nidaam wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta Tayada shinida Beeraha. War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirku ayuu shirkaddaha iyo hay\u2019addaha ka shaqeeya Shinida beeraha ku faahfaahieyey\u00a0\u00a0nidaam ay wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta tayada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":15101,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-15100","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15100"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15102,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15100\/revisions\/15102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}