{"id":1520,"date":"2016-09-20T19:32:31","date_gmt":"2016-09-20T19:32:31","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1520"},"modified":"2016-09-20T19:32:31","modified_gmt":"2016-09-20T19:32:31","slug":"madaxwayne-siiraanyo-waxuu-ku-guulaystay-bilada-mudo-kordhinta-bilada-burburinta-xisbiyada-siyaasada-iyo-bilada-laaluushka-ama-dheemaalka-oo-golayaashii-qaranka-ka-dhigtay-kuwo-madhalaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1520","title":{"rendered":"MADAXWAYNE SIIRAANYO  WAXUU KU  GUULAYSTAY  BILADA MUDO KORDHINTA , BILADA BURBURINTA XISBIYADA SIYAASADA IYO BILADA LAALUUSHKA AMA DHEEMAALKA OO GOLAYAASHII QARANKA KA DHIGTAY KUWO MADHALAYSA"},"content":{"rendered":"<p><strong><u>MADAXWAYNE SIIRAANYO \u00a0WAXUU KU\u00a0 GUULAYSTAY \u00a0BILADA MUDO KORDHINTA , BILADA BURBURINTA XISBIYADA SIYAASADA IYO BILADA LAALUUSHKA AMA DHEEMAALKA OO GOLAYAASHII QARANKA KA DHIGTAY KUWO MADHALAYSA<\/u><\/strong>.<\/p>\n<p>Tan iyo maalintii uu Madaxwayne Siiraanyo Xillka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin 27\/7\/2010 oo ah Madaxwaynihii Dimuquraadiyada\u00a0 iyadoo Taariikhda lagu xusi doono Kartidii iyo Hogaamintii mudo Sadax Sanno gudahooda uu Sadex Doorasho ku qabtay bilawgii Hayaankii Dimuquraadiyada iyadoo Diiwaanada lagu xusi doono \u00a0in Madaxwaynihii\u00a0 hore\u00a0 Daahir Rayaale Kaahin uu Dalka ka qabtay Doorashadii Golayaasha Deegaanka 15\/12\/2002 halka Afar Bilood ka dib uu Doorashadii Madaxwaynaha Dalka ka qabtay 14\/4\/2003 halka Doorashadii Golaha Wakiilada uu Dalka ka qabtay 29\/9\/2005 waxaana xusid gaara mudan in Madaxwayne Siiraanyo\u00a0 in mudo Lix Sanno ah uu Xillka hayay uu dalka ka qabtay Doorashadii Golaha Deegaanka oo 28\/11\/2012 Doorashadaas oo Taariikhda kaga xusan mid ay Kubka iyo Bawdada kaga jabtay Dimuquraadiyada S\/land\u00a0 dhiigna \u00a0uu ku daatay .<\/p>\n<p>Waxaa kale oo xusid mudan in Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo in uu \u00a0Xeelado\u00a0 Xoolo iyo xoogba u isticmaalay Burburinta Dimuquraadiyada S\/land iyadoo \u00a0Dagaal xoogan\u00a0 ay ku qaaday Xukuumada\u00a0 Madaxwayne Siiraanyo Xisbiyada Siyaasada ee Tartankii Doorashadii Madaxwaynaha ee 26\/6\/2010 Madaxwayne Siiraanyo kula tartamay Saaxada Siyaasada iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in mudo xileedkii Madaxwayne Siiraanyo Xisbigii Udub uu ku guulaystay in uu Burburiyo halka Xisbigii Ucid la Sakaraadayo ilaa maanta dacwadiisu Maxkamada Sare ku jirtu.<\/p>\n<p>Mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo Dimuquraadiyadii S\/land waxay noqotay mid u dabran mudo kordhin oo Labada Oday ee Ilmaadeerta ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Xukuumada\u00a0 Madaxwayne Siiraanyo\u00a0 iyadoo S\/land Cagta saartay Jidkii kalidii Taliyaha iyo burburkii Dimuquraadiyadu .<\/p>\n<p>Waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa in mudo kordhintu iyo Guushii \u00a0Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen\u00a0 iyadoo 7\/9\/2010 Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwaynaha u kordhiyay Golaha Wakiilada mudo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda halka Golaha Guurtidu isku kordhiyeen Sadax Sanno iyo Sideed billood iyagoo Golayaasha Deegaanka u kordhiyay mudo Sannad iyo Badha .<\/p>\n<p>Mar Labaad 10\/4\/2013 waxay Golaha Guurtidu\u00a0 mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen\u00a0 Golaha Wakiilada\u00a0 iyagoo is waafajiyay Dhamaadka Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada mar sadexaad 27\/5\/2015 waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada\u00a0 Iyo Madaxwayne Siiraanyo\u00a0 Sanad iyo Todoba Bilooda iyadoo khilaaf Cakiran ka dhacay ay Go\u201daan Maxkamada Sare ka soo saartay ay ku Go\u201daanmisay waqti kama danbaysa ee ay dhacayso Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu \u00a0oo ku beegnaa 28\/4\/2017 .<\/p>\n<p>Balse Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma kacee waxuu Madaxwayne Siraanyo go\u201daan sharciga \u00a0Baalmarsan uu ku kala reebay Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha \u00a010\/9\/2016 \u00a0iyadoo Sadax Maalmood ka dib Golaha Wakiilada oo aan Ajandaha ugu jirin ku meel mariyay Go\u201daankii kala reebista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxwaynaha ee Madaxwaynuhu Siiraanyo hore u soo saaray .<\/p>\n<p>Anigoo ku soo gunaanadaya Qormadayda Koowaad Su\u201daalo aan waydiinayo \u00a0Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud , \u00a0\u00a0Madaxwayne\u00a0 aaway Kartidii iyo Hogaamintii lagu tuhmayay ee Bulshada S\/land kugu soo Dooratay \u00a0? Madaxwayne\u00a0 Yaa dalka Madaxwayne yaa Dalka Madaxwayne ka ahaa\u00a0 markii Labada doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha la isku lamaaneeyay ?\u00a0 Madaxwayne ma waxaad \u00a0go\u201daansatay \u00a0in Mudo Xileedkaaga ay Gacantaada ku burburtu Dimuquraadiyada S\/land ?\u00a0 Madaxwayne waa kuma\u00a0 Madaxwaynaha \u00a0kaa \u00a0danbeeya ee aad ku halaynayso in uu go\u201daan ka gaadho Saami qaybsiga Golaha Wakiilada ?<\/p>\n<p>La Soco Qaybe Kale Oo Xiise Badan<\/p>\n<p>Subeer Sacad Daahir<\/p>\n<p><a href=\"mailto:waryaqaan@gmail.com\" target=\"_blank\">waryaqaan@gmail.com<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MADAXWAYNE SIIRAANYO \u00a0WAXUU KU\u00a0 GUULAYSTAY \u00a0BILADA MUDO KORDHINTA , BILADA BURBURINTA XISBIYADA SIYAASADA IYO BILADA LAALUUSHKA AMA DHEEMAALKA OO GOLAYAASHII QARANKA KA DHIGTAY KUWO MADHALAYSA. Tan iyo maalintii uu Madaxwayne Siiraanyo Xillka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin 27\/7\/2010 oo ah Madaxwaynihii Dimuquraadiyada\u00a0 iyadoo Taariikhda lagu xusi doono Kartidii iyo Hogaamintii mudo Sadax [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1515,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-1520","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1520","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1520"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1520\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1521,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1520\/revisions\/1521"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1515"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1520"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1520"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1520"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}