{"id":1537,"date":"2016-09-21T08:13:57","date_gmt":"2016-09-21T08:13:57","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1537"},"modified":"2016-09-21T08:13:57","modified_gmt":"2016-09-21T08:13:57","slug":"raysal-wasaaraha-waddanka-britain-oo-sheegtay-sanaadka-soo-socda-in-ay-mari-gelinayaan-shir-looga-hadlayo-amaanka-somaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=1537","title":{"rendered":"Raysal Wasaaraha Waddanka Britain Oo Sheegtay Sanaadka Soo Socda in ay Mari Gelinayaan Shir Looga Hadlayo Amaanka Somaliya"},"content":{"rendered":"<h1>Raysal Wasaaraha Waddanka Britain Oo Sheegtay Sanaadka Soo Socda in ay Mari Gelinayaan Shir Looga Hadlayo Amaanka Somaliya.<\/h1>\n<p>New york (GLN)_Raysal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa khudbadii u horeysay ka jeediyay Shirka golaha guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York, iyadoo soo hadal qaaday kaalinta Britain\u00a0 kaga jirto Arrimaha siyaasada iyo ammaanka Soomaaliya.<span id=\"more-55862\"><\/span><\/p>\n<p>Theresa May ayaa sheegtay in Soomaaliya ay taageero la garab taagan yihiin laga soo bilaabo sanadkii 2010 illaa iyo maanta, waxaana ay cadeysay inay ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo falalka xagjirnimo<\/p>\n<p>\u201cBritain waxa ay garabtaagantahay sii wadida iyo xoojinta sidii argagixisada looga ciribtirlahaa geeska afrika gaar ahaan soomaaliya waxaana hadda Soomaaliya ka caawinay in dowladdu ay alshabaab kala wareegto magaalooyin waa weyn oo mihiim ah\u201daya<strong>y<\/strong>\u00a0tiri Theresa May.<\/p>\n<p>Ms May\u00a0ayaa ku dhawaaqday in sanadka soo socda 2017 ay marti gelin doonaan shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhaqaale loogu uruurinayo dib u dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan sanadka soo socda marti gelin doonaan shir caalami ah, si wax looga qabtao arrimaha dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika\u201dayay tiri Theresa May.<\/p>\n<p>Theresa May ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya u dirayaan Ciidamo cusub oo dheeraad ah, si ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uga caawiyeen sidii Al-Shabaab xididida loogu siibi lahaa.<\/p>\n<p>Waxaa ay sheegtay in UK ay u dirtay Soomaaliya in ka badan 200 askari, kuwaasoo u badan La taliyeyaal milateri, iyadoo intaa ku dartay in xero milateri ay ka dhisanayaan magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Britain ayaa sanadihii u dambeeyay door ku laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo sanadihii 2012 iyo 2013 marti gelisay shirar looga hadlayay Xaalada Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Raysal Wasaaraha Waddanka Britain Oo Sheegtay Sanaadka Soo Socda in ay Mari Gelinayaan Shir Looga Hadlayo Amaanka Somaliya. New york (GLN)_Raysal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa khudbadii u horeysay ka jeediyay Shirka golaha guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York, iyadoo soo hadal qaaday kaalinta Britain\u00a0 kaga jirto Arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1538,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1537","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1537","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1537"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1537\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1539,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1537\/revisions\/1539"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1538"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1537"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1537"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1537"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}