{"id":15782,"date":"2018-05-06T15:00:52","date_gmt":"2018-05-06T15:00:52","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=15782"},"modified":"2018-05-06T15:08:11","modified_gmt":"2018-05-06T15:08:11","slug":"maanso-ku-saabsan-carruurta-derbijiifka-ah-oo-saamayn-yeelatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=15782","title":{"rendered":"Maanso Ku Saabsan Carruurta Derbijiifka Ah Oo Saamayn Yeelatay"},"content":{"rendered":"<p>Maansdaan oo uu halabuuray Cabdirxiin Siddiiq &#8220;Heello&#8221; ayaa si qoto dheer uga hadlaysa waayaha nololeed ee carruurta derbijiifka ah. Waa kan isaga oo ka sheelaynaya sidii uu u sameeyey maansada:\u00a0&#8220;Muddo ayaa ka soo wareegtey milaygii ay tixdan derbi-jiif ku soo baxdey. Waa tixdii iigu adkayd hal-abuurideeda laba arrimood dartood: 1. Aniga oo dheregsan in ay adagtahay in aan cabbiro dareenka qof gaajoonaya .\u00a02. Aniga oo faraxsan in ay adag tahay in aan ka war tebiyo rabitaanka qof murugaysan.\u00a0Sidaa darteed ayaan afar dharaarood wakhti ula qaatey bal in aan la dareen noqdo si aanan xuquudooda iyo gudbinta rabitaanooda aanan ugu xad-gudbin. Waxa aan xasuustaa wiil ka mid ah mar aan waydiiyey xilliyada ugu naxdinta ama murugada badan noloshiisa waxa uu iigu war-celiyey laba xaaladoid .\u00a0 1. Marka uu roobku soo yeel-yeesho ama uu gu&#8217;gu curto waxa aa ku xasuustaa mataantii ila dhalay iyo daadkii qaadey aniga oo arkaya . 2.marka aan arko wiil da&#8217;dayda ah oo direyskii dugsiga ku gaashaaman iyo aniga oo safrad la daaduumaya . Waxa aan ka naxaa labada dabaqad ee noloshu na kala geysey.&#8221; Ayuu yidhi halabuur Cabdirixiin.<\/p>\n<p>Waa kuwan erayadii maansadu:<\/p>\n<div class=\"text_exposed_show\">\n<p>Duruuf adag baan ku koray<br \/>\nDaryeel hooyana ma helin<br \/>\nDadaal aabana ma arag<br \/>\nTol iyo xidid ii damqada<a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-15784 alignright\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-2-300x221.jpg\" alt=\"\" width=\"529\" height=\"389\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-2-300x221.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-2.jpg 480w\" sizes=\"auto, (max-width: 529px) 100vw, 529px\" \/><\/a><br \/>\nDadkana kuma lihi walaal<br \/>\nWaxaan u hoydaa derbiga<\/p>\n<p>Baahida dacalkayga taal<br \/>\nAyaa dawarsiga I baray<br \/>\nDar-xumo badan baan qabaa<br \/>\nDubkayga waxaa ku shidan<br \/>\nDab kuu waayuhu i sudhay<\/p>\n<p>Han-doora mar baan lahaa<br \/>\nDamiir togan baan lahaa<br \/>\ninaan dadka caawiyoo<br \/>\nDigtoor noqdo waan jeclaa<br \/>\nWaxseen la dakaamayaa<br \/>\nDantiyo waayaha i xidhay<\/p>\n<p>Dulliga nolosheen ku jiro<br \/>\nDiiftayda waxaan arkaa<br \/>\nDa&#8217;daydu markay tagaan<br \/>\nDugsiga iyagoo qurxoon<\/p>\n<p>Ayaan qudha deeq ma helin<br \/>\nFarxadda waan kala didnaa<br \/>\nWaxaan gashadaa direys<br \/>\nMaryaha duugeed qubtaan<br \/>\ndux iyo iidaan ma cuno<br \/>\nDugaag waxaan qaybsanaa<a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\" wp-image-15785 alignright\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"492\" height=\"277\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-300x169.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-768x432.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif-800x450.jpg 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Derbi-jiif.jpg 1920w\" sizes=\"auto, (max-width: 492px) 100vw, 492px\" \/><\/a><br \/>\nHambada aad daadisaan<\/p>\n<p>Badh baa daacuun u go&#8217;ay<br \/>\nMarkay waayeen dabiib<br \/>\nBadh bay dhaxamuhu dileen<br \/>\nDuufaankiyo qabowga daran<br \/>\nBadh baa daad soo rogmaday<br \/>\nHabeen dumay uu la tegey<br \/>\nNaftooda badh baa del-deley<br \/>\nMarkay dunidii naceen<\/p>\n<p>Aqoon-yahan nama dersaan<br \/>\nXaaladda derbi-jiifku yaal<br \/>\nDigriga culimada waddaa<br \/>\nDar-alle nooguma hadlaan<br \/>\nDastuurkuna wuu na gabay<br \/>\nQoraaguna wuu dagay<br \/>\nDad-waynaha uma ban-dhigo<br \/>\nCiilkiyo dacas kaa na dhibay<\/p>\n<p>Kuwii dadka ii xigaan<br \/>\nAgtooda ku daal-qabaa<br \/>\nMaxaan calnoyow deldelan<br \/>\nDar-xumo hoostaada iyo<br \/>\nLur iyo dalan-dool ku maray<\/p>\n<p>Rag iyo dumar baanu nahay<br \/>\nDa&#8217; iyo dhallin baanu nahay<br \/>\nAbaydin la dayriyee<br \/>\nWaxaanu rabnaa dareen<br \/>\nDaryeel iyo nolol habboon<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"Qiiro:-Darbi-jiifka oo hees ku cabiray dareenkooda\" width=\"500\" height=\"281\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/O5fb8zdaTNc?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" referrerpolicy=\"strict-origin-when-cross-origin\" allowfullscreen><\/iframe><\/p>\n<div id=\"attachment_15783\" style=\"width: 310px\" class=\"wp-caption alignleft\"><a style=\"color: #ffffff;\" href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Heello.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" aria-describedby=\"caption-attachment-15783\" class=\"wp-image-15783 size-medium\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Heello-300x300.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Heello-300x300.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Heello-150x150.jpg 150w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/05\/Heello.jpg 497w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><p id=\"caption-attachment-15783\" class=\"wp-caption-text\"><\/span> <span style=\"color: #ffffff;\"><strong><em>Halabuur Cabdirixiin Sidiiq &#8220;Heello&#8221; <\/em><\/strong><\/span><\/p><\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Gacanlibaaxnews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maansdaan oo uu halabuuray Cabdirxiin Siddiiq &#8220;Heello&#8221; ayaa si qoto dheer uga hadlaysa waayaha nololeed ee carruurta derbijiifka ah. Waa kan isaga oo ka sheelaynaya sidii uu u sameeyey maansada:\u00a0&#8220;Muddo ayaa ka soo wareegtey milaygii ay tixdan derbi-jiif ku soo baxdey. Waa tixdii iigu adkayd hal-abuurideeda laba arrimood dartood: 1. Aniga oo dheregsan in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15785,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[4],"tags":[],"class_list":["post-15782","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-arrimaha-bulshada"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15782","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=15782"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15782\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":15790,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/15782\/revisions\/15790"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/15785"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=15782"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=15782"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=15782"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}