{"id":16303,"date":"2018-08-04T22:14:37","date_gmt":"2018-08-04T22:14:37","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16303"},"modified":"2018-08-04T22:14:37","modified_gmt":"2018-08-04T22:14:37","slug":"xukuumada-madaxweyne-muuse-oo-shaacisay-inay-taageersan-yihiin-guddida-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16303","title":{"rendered":"Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Shaacisay Inay Taageersan Yihiin Guddida Doorashooyinka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay mowqifka kalsooni ka la noqoshadaxisbiga WADDANI ee guddida doorashooyinka Somaliland.<\/p>\n<p>Waxana sidan lagu sheegay warsaxaafadeed ka\u00a0 soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), kaas oo u dhignaa sidan hoos ku xusan:<\/p>\n<p>\u201cJamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda ku dhaqani, waxaana dhammaantood ku waajib\u00a0\u00a0 ah inay wada\u00a0 ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda\u00a0\u00a0 iyo xeerarka dalka, wax kasta oo la isku qabtana loo raaco\u00a0 wixii sharcigu jideynayo.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan, Komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda gacanta ku haya shaqada, waxa markii la sameynayey\u00a0 lagu dhisay xeer, iyadoo\u00a0 toddobada xubnood ee uu ka kooban yahay komishanku ay xukuumadda, Baarlamanka iyo axsaabta qaranku mid waliba keenay xubnaha\u00a0 xeerka doorashooyinku siiyey, kadibna ay sidaa ku qabteen doorashadii madaxtooyada ee 2017kii.<\/p>\n<p>Qabashada doorashada macnaheedu, waa tartan u dhexeeya dhinacyo\u00a0\u00a0 kala duwan oo cidi ku guulaysanayso, cidna laga\u00a0 guulaysanayo, iyadoo\u00a0 loo marayo dariiqa uu jideynayo xeerka doorashadu, sidaa awgeed waxa cid kasta waajib ku ah inay ixtiraamto natiijada\u00a0 ay soo saaraan guddida doorashooyinka, haddii kale waxaynu noqonaynaa ummad aan ku dhaqmin oo aan dhawrin\u00a0 xeerarkii ay\u00a0\u00a0\u00a0 iyagu dhigteen.<\/p>\n<p>Komishanka qaranka ee doorashooyinku wuxuu leeyahay muddo xilliyeed cayiman. Magacaabistooda, ansixintooda iyo waqtiga\u00a0 beddelkooduba wuxuu ku cad yahay xeerka doorashooyinka.<\/p>\n<p>Sidaas darteed, suurtagal maaha in\u00a0 iyagoo aan\u00a0 dhammeysan\u00a0 muddadoodii la beddelo, iyadoo la dhawrayo nidaamka sharci ee lagu dhisay oo ay tahay dhammaanteen in aynaan ku xadgudbin, murana ka keenin doorashooyinka kadib, innagoo u aaneyna guuldarro.<\/p>\n<p>Haddaba, arrinta la-yaabka lihi waxay tahay,\u00a0\u00a0 in xisbiga WADDANI\u00a0\u00a0 uu hore u aqbalay\u00a0 natiijadii doorashada, haddana\u00a0 mar kale madmadow geliyey\u00a0 in laga guulaystay, balse\u00a0 haddana\u00a0 uu yidhaahdo\u00a0\u00a0 \u201cMadaxweyne\u201d markaa goormay\u00a0 sax yihiin? Sidayse dunidu inoo arkaysaa marka aynu iska indho tirno ku dhaqanka shuruucda aynu wada dhiganay,iyadoo aynu nahay dal weli dunida ka doonaya ictiraaf?<\/p>\n<p>Wakhtigii doorashada madaxtooyada waxaynu oggolaanay in goobjoogeyaal caalami ahi ka soo qaybgalaan doorashadaas, si ay markhaati uga noqdaan\u00a0 sidii ay u dhacday , waxase ayaan darro ah in\u00a0 Dr. Micheal Walls oo ka mid ahaa lixdankii goobjooge ee ka kala socday 27ka waddan, in markii uu dalka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii bishii hore ee July loogu hanjabay in haddii uu dalka dib\u00a0 ugu soo laabto\u00a0 uu wixii gaadha isagu masuul ka noqon doono,taasina waa ayaan darro kale oo dibindaabyo iyo dabinba ku ah danaha\u00a0 dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Waxaan u sheegaynaa cid kasta\u00a0 in\u00a0 dalka JSL uu yahay dal nabdoon oo aan cidna waxba lagu\u00a0 yeeli karin, looguna hanjabi karin, Dr. Micheal Walls iyo cid kasta oo dalka\u00a0 dano u leh\u00a0 way iman karaan,\u00a0 kuna\u00a0 soo laaban karaan xilliga ay doonaan,iyadoo xukuumadda Somaliland horeba u damaanad qaaday ammaanka muwaadiniinta iyo dadka ajaanibka ah ee martida u ah, waxaanan kula talinaynaa dadka\u00a0 sawirka taban ka bixinaya dawladnimada iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland inay dhawraan sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.\u201d<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/wasiir-guri-barwaaqo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-16304\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/wasiir-guri-barwaaqo-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/wasiir-guri-barwaaqo-300x169.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/wasiir-guri-barwaaqo.jpg 500w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Gacanlibaaxnews.com<\/p>\n<p>News Desk.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay mowqifka kalsooni ka la noqoshadaxisbiga WADDANI ee guddida doorashooyinka Somaliland. Waxana sidan lagu sheegay warsaxaafadeed ka\u00a0 soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), kaas oo u dhignaa sidan hoos ku xusan: \u201cJamhuuriyadda Somaliland waa mid ay wada leeyihiin ummadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16304,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-16303","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16303","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=16303"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16303\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16305,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16303\/revisions\/16305"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/16304"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=16303"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=16303"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=16303"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}