{"id":16429,"date":"2018-08-19T15:03:55","date_gmt":"2018-08-19T15:03:55","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16429"},"modified":"2018-08-19T15:03:55","modified_gmt":"2018-08-19T15:03:55","slug":"dhulgariir-ku-dhuftay-jasiirad-ku-taalla-waddanka-indunuusiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16429","title":{"rendered":"Dhulgariir Ku Dhuftay Jasiirad Ku Taalla Waddanka Indunuusiya"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Lombok (GLN): Jasiiradda ku taalla dalka Indunisiya ee Lombok waxaa ku dhuftay dhul gariir kale oo xooggan kaddib markii labo toddobaad ka hor dhul gariir halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 460 qof.<\/p>\n<p>Dhulgariirka uu cabirkiisa gaadhayay 6.3 cabirka dhulgariirada,inkastoo aanan la ogaanin ilaa hadda khasaraaha uu dhaliyay.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/1295\/production\/_103075740_34957bb7-18f4-4db3-bffe-ce416cf5684c.jpg\" alt=\"Dadka waxay ka carareen guryahooda markii uu dhul gariirka bilaawday\" \/><\/p>\n<p>Dadka deegaanka waxay sheegeen in dhul gariirka laga dareemay deegannada ku yaalla bariga jasiiraddan islamarkaasna ay dad badan ka qaxeen halkaasi.<\/p>\n<p>Saraakiisha ku sugan dalka Indunisiya waxay sheegayaan inay weli qiimaynayaan xaaladda.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape no-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1201D\/production\/_103075737__103075397_indonesia_lombok_976.png\" alt=\".\" width=\"660\" height=\"371\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><\/span><\/figure>\n<p>Afahayeenka waaxda ka hortagga masiibooyinka Indunisiya Sutopo Purwo Nugroho wuxuu yidhi \u201d Dhul gariirka wuxuu argagax ku riday dadka, wuxuu ku khasbay inay guryahooda ka cararaan\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Lombok (GLN): Jasiiradda ku taalla dalka Indunisiya ee Lombok waxaa ku dhuftay dhul gariir kale oo xooggan kaddib markii labo toddobaad ka hor dhul gariir halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 460 qof. Dhulgariirka uu cabirkiisa gaadhayay 6.3 cabirka dhulgariirada,inkastoo aanan la ogaanin ilaa hadda khasaraaha uu dhaliyay. Dadka deegaanka waxay sheegeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16430,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-16429","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16429","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=16429"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16429\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16431,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16429\/revisions\/16431"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/16430"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=16429"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=16429"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=16429"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}