{"id":16923,"date":"2019-01-13T08:16:02","date_gmt":"2019-01-13T08:16:02","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16923"},"modified":"2019-01-13T08:16:02","modified_gmt":"2019-01-13T08:16:02","slug":"waa-maxay-dawladdi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16923","title":{"rendered":"Waa Maxay Dawladdi?"},"content":{"rendered":"\n<h1 class=\"wp-block-heading\"><\/h1>\n\n\n\n<p>In\nka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu\nku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta. Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin\nwiilkiisii kali ahaa \u2013 Alexander. Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan\nlahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga.<\/p>\n\n\n\n<p>Labada\nGobol ee kale \u2013 Athens iyo Sparta \u2013 Phillib Iyo gobolkiisa Macedonia, waxa ay\nka haysteen dad badaw ah; aan lahayn xadaarad isla markaana yaqaana kaliya sida\nwax lo burburiyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Philib\ntalo waa ay ka baahday. Shawrka naftiisa waxa maqashay Afadisii. Olympias waxa\nay daalacatay xaajigu in uusan ka hadhin dareenkii dumarka; damacaana waxa ay\nka meel dhigatay dabin.<\/p>\n\n\n\n<p>Wakhtigaas\nAlexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin. Casharka ugu wayn\nee uu ka guntayna waxa uu ahaa: Dunnida in aad qabsaatid waxa ka xiga DARIUS\nIII \u2013 boqorkii FAARIS. Casharkaasi waa mid ka gadisan rabitaankisii Aabihii.\nAabihii waxa uu ku tamaayey qabsashadda Giriiga. Aristotle-na wiilkii waxa uu\nusoo liqimay qabsashadda caalamka.<\/p>\n\n\n\n<p>Philib\nrabitaankisii ahaa inu minyaraysto, waxa kasoo hor maray qorshihii islaanta \u2013\ndilkii odayga! Alexander ayaa dhaxlay boqortooyadii Macedonia. Abaabul ciidan\nkadib, Alex wuxuu wajahay Faaris. Dagaalo kala dambeeyey oo si taxane ahaa\nguushu ugu raacaysay dhankiisa, waxa uu kusoo afmeeray geerida Darius oo lagu\ndilay Afghanistan! Wiilkii yaraa ee Alex, wuxuu qabsaday Masar, India iyo qaybo\nka mida China. Alexandre waxa uu isu bedelay Alexander The Great!<\/p>\n\n\n\n<p>Alex\nwuxuu ku dhintay Babylon cimrigiisa oo ahaa 33 jir. Waligii ma qabsan Sparta.\nFaaris mudo kooban kabacdi xadaradoodi maamul oo wadata magaca Sasanid soo\nceshade.<\/p>\n\n\n\n<p>Alexander\nThe Great sanado kooban ayuu ku hantiyey dhul baaxad wayn, waxa se jirta\nAlexandre ma dhisin dawlad haykal leh. Alexandre waddankisii kama samayn nidaam\ndawladeed, sidaa daradeed Alexandre ma odhan karno waxa uu sameeyey dawlad.<\/p>\n\n\n\n<p>Faaris\nwaxa ka burburay wagaas nidaam dawladeed, gadaal waxa ay ka dhisteen hadana\nnidaam dawladeed. Su\u2019aashu waxa ay tahay waa maxay dawladdi?<\/p>\n\n\n\n<p>Soomaalidu\ninta badan dawlad-nimada waxa ay u yaqaan caddaalad iyo sinnaan. Dawlad\nwanaagsan marka ay tilmaamayaan, carabka waxa ay ku dhuftaan Maamulkii Cumar\nBin Khadaab (rc) iyo wiilkii uu Awowga u ahaa ee Cumar Bin Cabdulasiis (rc).\nCaddaaladu waa rugni ka midda saddexda waxood ee maamulka: Sharci-dajinta,\nfulinta iyo garsoorka.<\/p>\n\n\n\n<p>Dadyow\nbadan ayaa iyaguna dawladnimada u yaqaan maamul daadajin iyo isla xisaabtan;\ntaas oo laga dhadhansano karo in ay u jeedaan waaxda fulinta oo gudata hawshii\nloo xilsaaray.<\/p>\n\n\n\n<p>Kuwo\nkale, dawlad-nimada waxa ay u fahmeen sharciga oo shaqeeyaa. Sadexdaa dhardhaar\noo laysla helo, weeye dawlad dhamaystiran. Waxa qaba jaamiciyiinta.<\/p>\n\n\n\n<p>Xadaaradihii\nhore haddii aad jaleecdid. Waxa kusoo baxaya xadaarad ka dhalatay webi. Mid la\nammaanayo oo la leeyahay waxa ay lahayd qoraal ama lacag. Naill Ferguson waa\ntaarikh-yahan. Mar uu is-dul taagay sababaha galbeedka dhaafiyey dunnida\ninteeda kale, waxa uu ku ururiyey lix ammuurood. Saddex ayaa sidatan ah: Tartan\nganacsi, wax-so-saar iyo dhaqanka\/xeerka shaqada.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda\nmawduuc ee aan kala soo baxay lixda qodob macno ahaan makala foga; labo kale\nayaa iyaguna si dadban usoo hoos galayaan saddexda hore. Iyagoo noqonaya\nScience \u2013 makiinad, tamar, tignoloji \u2013 iyo Medicine. Qodobka lixaad wuu ka\ndurugsan yahay shanta cinwaan ee kale waa dimuqraadiyad.<\/p>\n\n\n\n<p>Taarikh\nahaan durug, dhul ahaana soo dhowoow. Quraanku wuxu ina faray gabadh boqorad\nahayd oo ku noolayd Yemen. Gabadhaasi, waa Bilkhiis\u2019e waxa ay maamuli jirtay\ndhul u dhexeeya laba wabi. Ethiopianka haddii aad waydiisid dawlad-nimadu xagay\nidinka soo gashay? Si midaysan oo kalsooni leh, waxa ay ku odhanayaan \u201dDawladda\nEthiopia waxa ay kasoo farcantay Magalada Yeha; abqaalkeeda waxa lahayd Bilkhis\noo Yemen nooga timid\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Taarikhyahanada\ndunnida iyo Archaeologists* ayaa soo bandhigay raadadka ku duugan Yeha iyo\ndhismayaasha ama farta ku qoran magaaladda Ma\u2019rib ee Yemen in ay isku asal\nyihiin. Wakhtiga iyo xaqiiqada sheekadaas ku dheeran mayo. ujeedka dawladnimo\naan kusoo durko.<\/p>\n\n\n\n<p>Bilqiis\nboqortooyadeedii Seba, waxay isku xidhi jirtay dunida galbeedka iyo ta barriga.\nBilkhis Afrika waxa ay kasoo iibsan jirtay dahabka iyo foolka maroodiga; India\nwaxa looga keeni jiray basbaaska halka China looga soo waaridi jiray wilka.\nBoqoradu marki dambe waxa ay daaha ka fayday ganacsiga beeyada. Bilkhis oo\nfaa\u2019ido badan ka heshay beeyada ayaa usoo wareegtay dhulka Tigrayga oo hoddan\nku ahaa beeyada. Waxa ayna xarumo ganacsi ka furatay Yeha iyo Aksum.<\/p>\n\n\n\n<p>Labada\nsheeko ee ugu dambeeya: Waa Ferguson faqidaadda uu inaga siiyey sababa\ngalbeedka dhafiyey dunnidda inteeda kale iyo sheekadda Bilqiis, waxa laga\ndheehanayaa, dawladnimadu in aysan ahayn maamul qaabilsan garsoor, fullin iyo\nkaliya sharci dajin. Dawladnimadda ayaa ku arooraysa wax kale iibsi iyo suuq\nshaqaynaya oo ku xidhan caalamka intiisa kale.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladnimadu\nin ay tahay suuq ganacsi iyo meel ay ka socdaan dhaqdhaqaq wax kala iibso ayaa\naynu badhtanka kaga jirnaa. Aan soo qaadano dhacdooyin goo-goos ah oo ku wada\nsaabsan dano dhaqaalle.<\/p>\n\n\n\n<p>Safarkii\nColumbus 1492 uu ugu shiraaqday galbeedka Atlantikada, isagoo tageero dhaqaale ka\nhelaya boqoradii Isabella. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la helo dariiq dhaw oo dhib\nyar oo wax lagaga soo iibsan karo Asia. Cabsidii ku habsatay Qaynu-qaac iyo\nreer Binu Nadiira ayaa muhaajriintii Nabi Muxammad (csw) la socotay u noqotay\nnasri dhaqaale oo ay kula falgalaan Madina. Dhulka Hawdka markii uu Ingiriisku\nku wareejiyey Ethiopia waxa uu dhaafsaday ayaa la dhahaa cashuur dhimis ganacsi\noo uu ka helay dhanka Ethiopia.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawladi\nwaa maxay? Ma aha su\u2019aal sahlan. Gunnaanadkii su\u2019aasha ayaa aynu soo gaadhnay.\nKalmadaha aan kaga hadhayo qoraalka, waxa ay noqon doonaan qeexidayda ugu\nsaraysa illaa hadda aan ka amminsanahay waa maxay dawladi?<\/p>\n\n\n\n<p>Adam\nSmith iyo Karl Marx waxa ay qoraalo ka sameeyeen sayladaha iyo ganacsiga, saas\noo ay tahay waxa laga dheegtaa maamulka iyo dhismaha dawladeed.<\/p>\n\n\n\n<p>Kasoo\nbilaw Aksum, Ethiopia waxa ka jira suuq camiran oo wax lagu kala iibsado.\nEthiopia waxa ay ku guulaysatay dusha in ay ka illaaliso sayladaheedda.<\/p>\n\n\n\n<p>Dawlad-nimadu\nwalow ay u bahan tahay rabitaanka shacabka oo la dhagaysto, cadaalad, iyo\nmaamul wanaag la mid ah kii Mamlikadii Masar hadana, wadnaha dawladi leedahay\nwaa saylad is laba rogaysa. Taas oo ay waardiye ka tahay xukumad hal-abuur leh.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxbarasho\nka bilaabanta is-fahamka qofka iyo jiilka oo fahma deegaanka ay ku nool yihiin\nayaa noqon karta haddii ay ku baahdo xududaha dalka, dahaadh ku gadaaman\nxadaarad ama dawlad.<\/p>\n\n\n\n<p>Axmed-xiis\nDharbaan<\/p>\n\n\n\n<p>dharbaan01@gmail.com<\/p>\n\n\n\n<p>Nantes France<\/p>\n\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator\"\/>\n\n\n\n<p>Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee\nwaa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka\nsaran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin\nsoo baahin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>In ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu ku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta. Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin wiilkiisii kali ahaa \u2013 Alexander. Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan lahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga. Labada Gobol ee kale \u2013 Athens iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16924,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16923","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16923","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=16923"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16923\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16925,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16923\/revisions\/16925"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/16924"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=16923"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=16923"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=16923"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}