{"id":16933,"date":"2019-01-13T21:41:09","date_gmt":"2019-01-13T21:41:09","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16933"},"modified":"2019-01-13T21:41:09","modified_gmt":"2019-01-13T21:41:09","slug":"abwaan-dheeg-iyo-buugga-dhaxal-abwaan-wq-faysal-jaamac","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=16933","title":{"rendered":"Abwaan Dheeg iyo Buugga &#8220;Dhaxal Abwaan&#8221;. WQ: Faysal Jaamac"},"content":{"rendered":"\n<p><\/p>\n\n\n\n<p>Weedho\nugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: \u2018Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa\ndaaqad aynu ka halacsan karno taariikh-siyaasadeedka dawladdii dhalatay\nlixdankii ee dhimatay sagaashankii. Waa Soddon sanno iyo suugaan isla\nbeddelaysa hadba siyaasaddii Soomaalidii midawday. Waa sugaan ku bilaabmaya\nqarannimo la dhoodhoobayo oo ku dhammanaysa qabyaalad farta la isku fiiqaayo.\nQarannimo ayaa la bilaabay. Dheegna qarannimo ayey suugaantiisu ku bilaabantay.\nWaa lixdameedaydii iyo hees uu tartan dawladdu qabatay kaalinta koowaad ka\ngalay:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAlla\nqaayo badanaa,<\/p>\n\n\n\n<p>Qarannimadu\nwacanaa,<\/p>\n\n\n\n<p>Qof\nqof noo dhammaysee ,<\/p>\n\n\n\n<p>Maxaa\nlagu qiyaasaa?!\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nFankiisa iyo marxaladdii dawladnimo ayaa isla jaanqaaday. wuxu ku soo beegmay\nmarxalad nabdoon oo xorriyad iyo dawladnimo soomaaliyeed la gardaadinayo, la\nmagaaloobay, laakiin weli loollan ka jiro dhaqankii magaaloobidda iyo kii\nmiyiga oo aan weli kala miirmin. Waa kan isaga oo loollankaas hees ka sameeyey.\nHeesta waxa maggaabinaya wiil arki-jiray-doon ah oo qawadsan dhaqankan cusub ee\nuu hablihii magaalada ku arkay, iyo gabadh ku naaloonaysa ilbaxnimo iyo dhar\nmagaalo oo berigaa cusbaa oo ay ku taagan tahay. Isaga ayaa daandaansiga\nbilaabaya:<\/p>\n\n\n\n<p>Isagii:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cBeri\nhore waxaa jiray<\/p>\n\n\n\n<p>Inan\ntimaha biiftoo <\/p>\n\n\n\n<p>Baarkana\nu tidicdoo<\/p>\n\n\n\n<p>Boqorkiyo\nDhaclaa iyo<\/p>\n\n\n\n<p>Maro\nBayd ah xidhatee<\/p>\n\n\n\n<p>Wax\nbedelay kuwii hore<\/p>\n\n\n\n<p>Belo\ngeeso dheeroo<\/p>\n\n\n\n<p>Buul\nmadaxa saartoo<\/p>\n\n\n\n<p>Suuqa\nberetamaayee<\/p>\n\n\n\n<p>Naa\nbiise dhaqankii<\/p>\n\n\n\n<p>Sharcigii\nka baydhoo<\/p>\n\n\n\n<p>Diintii\nburburisee<\/p>\n\n\n\n<p>Habloow\nmays badh-qabataan\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Inantii:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cBoqol\nsano horteediyo<\/p>\n\n\n\n<p>Bari\nhore wixii jiray<\/p>\n\n\n\n<p>Ee\nlayska baalmaray<\/p>\n\n\n\n<p>Budulkii\ndib haw qaban<\/p>\n\n\n\n<p>Laga\nsoo baqoolee<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaa\nberetan iyo orod<\/p>\n\n\n\n<p>Bisha\niyo cadceeddii<\/p>\n\n\n\n<p>Beesha\nloo horseedoo<\/p>\n\n\n\n<p>Aanu\nbeegsanaynaa<\/p>\n\n\n\n<p>Horta\nbaro tacliintiyo<\/p>\n\n\n\n<p>Buugiyo\ndhigaalkoo<\/p>\n\n\n\n<p>Badowyahow\ndib haw celin<\/p>\n\n\n\n<p>Dadkan\nsoo baraarugay\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nNoloshii degeneyd ee bilawgii dawladnimadii Soomaalida iyo magaaloobidda iyo\nxidhiidhkii jacayl ee dhalinyarada dhex mari jiray abwaanku heeso iyo\nruwaayadaba waa ka tiriyey. Qaar ka mid ah kuwaasi illaa maanta waa xul aan\nlaga xiiso goyn. Nooca ay afka qalaad ku yidhaahdaan \u2018Champion of all time\u2019.\nWaxa ka mid ah, midda ay ku luuqeyso Xaliimo Khaliif Magool:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMa\nsal-guuro caashaqe <\/p>\n\n\n\n<p>Ani\nsibiq ma igu yidhi<\/p>\n\n\n\n<p>Intuu\nsamada ila tagay <\/p>\n\n\n\n<p>Saxar-qaadda\nfooraha <\/p>\n\n\n\n<p>Dul\nsabbee ma igu yidhi <\/p>\n\n\n\n<p>Dhalanteed\nma igu sabay <\/p>\n\n\n\n<p>Soo-jeede\nmaqanoon <\/p>\n\n\n\n<p>Seexanayn\nma iga dhigay\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nMuddo ka dib dalkii sidii la moodayey wuu noqon waayey, dadkiina waxa ay khaati\nka istaageen dawlad qabyaaladeed iyo siyaasad musuq ku dhisan. Deeto afganbi\ntaliskii ciidanku ka danbeeyo ayaa dalkii qabsaday. Waxa loo bixiyey Kacaan.\nBilawgiiba waa la soo dhaweeyey, dadkii soo dhaweeyey abwaanku waa ka kaw;\ngabay ayaanu taa ku suntay. Waa kan isaga oo taxaya wixii dhib lagu qabay kuwii\nmeesha laga tuuray. Gabaygan abwaanku tartan uu galay ayuu, markii labaad, ku\nguuleystay oo billad buu ku mutaystay ay kacaanka cusub meel fagaare ah ku\nguddoonsiiyeen. Waa awaale\u2019warran uu ka warramayo sida loogu hungoobay xukunkii\nhore, ee loo rabo mid kii hore dhaama. Wuxu ka warramayaa wax kasta oo kuwii\nhore xumaan lahaayeen, xagga danbena wuxu ku diirsanayaa kacaanka cusub, isaga\noo talooyinna xagga danbe kaga Daraya:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cGobonnimadu\nwaa tii wax badan, geed sudhnayd kore\u2019e <\/p>\n\n\n\n<p>Waa\ntii gudhnayd ee shacbiga, gaagax ka ahayde <\/p>\n\n\n\n<p>Gu\u2019goo\nhooray, gaydhoo dhashay iyo godonka oo buuxa<\/p>\n\n\n\n<p>Maalintay\nGobaad curatay, ee gorofka loo qaaday<\/p>\n\n\n\n<p>Iyadoo\ncandhada giijisay, oo aan guudka ka arkayno<\/p>\n\n\n\n<p>Waa\ntaynu gaajo iyo beer-caddaad, gaadhnay halis wayne <\/p>\n\n\n\n<p>Waa\ntaan golmoonaan dhammaan, gabax u taagnayne <\/p>\n\n\n\n<p>Waatii\nboqol gabraartiyo dillaal, gooni ku ahaaye <\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\nguyaal iyo guyaal, godolka maalaayay<\/p>\n\n\n\n<p>Galxoodka\niyo dhaydii raggii, gudub u laacaayay<\/p>\n\n\n\n<p>Afkuun\ngaliya mooyee kuwii, aan eegin garabkooda<\/p>\n\n\n\n<p>Gunta\nweelka nimankii madhshee, gororsadee laacay<\/p>\n\n\n\n<p>Gacal\niyo xigaal wada dhashoo, goobna wada yaalla<\/p>\n\n\n\n<p>Oon\ngeeri mooyee wax kale, kala gufaynaynin<\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\nqabiilnimo gashee, godobta beeraayay<\/p>\n\n\n\n<p>Kuwii\noday gaboobiyo dhashii, gaarba mid u weecshay<\/p>\n\n\n\n<p>Googoynta\nbaas iyo kuwii, gobollo noo qaybshay <\/p>\n\n\n\n<p>Waagii\nguduudataba cashuur, uunka laga gooyo <\/p>\n\n\n\n<p>Googo\u2019a\nmiskiin laga jaro, iyo geedo habar keentay<\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\nbangiga gees marshee, galiyay jeebkooda<\/p>\n\n\n\n<p>Dawlado\ngargaar loo tirsaday, oo guunyo nagu deeqay<\/p>\n\n\n\n<p>Gayigeenna\nwixii yiil, kolkuu gaajo tiri-waayay<\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\ngacmaa hoos dhigtee, gooni ula leexday <\/p>\n\n\n\n<p>Golihii\nquruumaha nimankii, ceebta naga geeyay<\/p>\n\n\n\n<p>Gees\nkastaba kuwii naga qarribay, een gobo\u2019na noo dhaafin <\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\nna kala gaabiyay, ee gadayay dhiiggeenna <\/p>\n\n\n\n<p>God\nhadimo ninkii qoday, inuu gali laguu sheegye <\/p>\n\n\n\n<p>Nimankii\nna wada goofin laa, nalaga soo gaadhye <\/p>\n\n\n\n<p>Guuleystayaal\nciidankaa, goor san noo kacaye..\u201d Waa gabay dheer oo sii socda.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nWaa mar kale iyo laba kaclayn cusub oo lagu rabo in lagu midho dhaliyo\nmidnimadii iyo himiladii Soomaali weyn ee qiirada weyn loo hayey. Askartu ma ay\nbilaabin ee waa ay sii godliyeen. abwaankuna kama yaraysan ee riwaayad buu ka\ncuriyey doonista saddexda gobol ee maqan. Ruwaayaddiisa \u201cNin ba tacabkii togaay\nkaa maal\u201d waxa ay raadinaysaa saddexdii gobol ee maqnaa. Arbaha ruwaayaddu waa\nNin ay la dhasheen saddex hablood, saddexda hablood waxa ay u dhaxeen saddex\nnin oo xun oo aan gayaan ku habboonayn, sidaa darteed wuxu ninku\n(Jamhuuriyaddii Soomaaliya) guntiga u xidhanayaa sidii uu saddexdaa hablood uga\nsoo badbaadin lahaa arxan laaweyaasha aan geyin. Mid uu xeel u adeegsado iyo\nmid uu xoog u adeegsadaba. Metelan inanta u dhaxday boqorka xun wax aan xoog\nahayn ku kala calaf qaadi maayaan. Boqorku wuxu u taagnaa Itoobiya, waxana la\nsheegayaa in ruwaayaddu hor dhac iyo saadaal u ahayd in Soomaaliya iyo Itoobiya\ngacan-ka-hadal weyni dhex mari doono, muddo ka dib.<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nKhalkhalkii dawladnimo ee askartu dalka ka geysatay iyo siyaasaddii qaybi oo\nxukun si fiican ayey u saamaysay suugaantii abwaanka. Waxa bilaabmay iska\nhorkeenistii beelaha oo uu kacaankii dadka ku madaddaalin jiray dadkana iskaga\nmashquulin jiray. Wareeggii hore kacaanku wuxu iska hor keenay beelaha\nMajeerteen iyo Isaaq oo midna dawlad diid laga dhigayey qaarna dawlad doon.\nAbwaanku ciyaartaas si fiican ayuu u jilay isaga oo kooxdiisa afka hore uga\nciyaaraya. Gabaygiisa DAAFAC QARAN ee uu dawladnimada kaga difaacayey beesha\nMajeerteen, isaga oo Isaaq meteleya si fiican buu uga soo dhalaalay. Doorka\nabwaanka haddii uu isagu qaatay, doorka ciidamada waxa berigaa hayey Maxamed\nKaahin, Xasan Yoonis iyo askar kale oo Isaaq ahaa oo noqday gacantii midig ee\nuu Siyaad Barre u adeegsaday wax yeelladii beeshii Majeerteen. Dhanka\nmetelaadda Siyaasadeedna waa maalmihii uu Siyaad hareeraha iska xigsiin jiray\nsiyaasiyiin ka soo jeedda beesha Isaaq, sida Cumar Carte iyo qaar la nooc ah.\nWaa kan dheeg oo Majeerteen dawladda ka xigsanaya. Wuxu u jawaabayaa Khaliif oo\nMajeerteen ah oo bilaabay silsilad la yidhaa \u201cMaruuryo\u201d. Waa markii laga soo\nnoqday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, oo waxa deegaannadaas Bariga ka\nbilawday dhaqdhaqaaq mucaarad oo la rabo in uu dalka intiisa kale ku baaho,\nlaakiin talisku taas wuu ka war hayaa. Dheegna waa kan, oo budhkiisu waa\ndiyaar, waana Daafac qaran, sida uu sheegayo. Wuxu metelayaa dhexdhexaad aan\nSiyaad muxaafad u ahayn, laaakiin diiddan mucaarad uu ku tuhmayo ama ku\needeynayo in uu shisheeye u shaqaynayo:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cMaaha\nmuran qabiil iyo tollaay, muusanow dhaca e <\/p>\n\n\n\n<p>Maskax\niyo cilmaa lagu wadaa, iyo mabaadii\u2019 e<\/p>\n\n\n\n<p>Maadaase\nmaamul nacay oo ka tagay, madax aad diidayso <\/p>\n\n\n\n<p>Maad\nwaxa Majeerteen ka duday, meesha ka caddaysid <\/p>\n\n\n\n<p>Illaa\nmaalintaad haysatay, iyo maantadan aan joogno <\/p>\n\n\n\n<p>Muddadaaba\nwuxuun baanu hayn, duul mucaarid ahe <\/p>\n\n\n\n<p>Meeshaydii\nkamaan tagin iyo halkay, maxastu ii tiille <\/p>\n\n\n\n<p>Magaaladii\nHargeysiyo Burcaan, mooski taagnahaye <\/p>\n\n\n\n<p>Masalluhu\nhalkii aan ku dhashaybuu, mahade ii yaalle <\/p>\n\n\n\n<p>Miil\nhaddaan tebaayana anoon, Xalayle midig siinin<\/p>\n\n\n\n<p>Ayay\nmarinno dhowriyo si kale, ii mubaax tahaye <\/p>\n\n\n\n<p>Milgaha\nuu waddani leeyahay, ayaa maandhow kaa dadane<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaan\nmawd I dilin waan hantiyi, sidigta Maandeeqe <\/p>\n\n\n\n<p>Annagoon\nmuxaafid u ahayn, maamulka Af-wayne <\/p>\n\n\n\n<p>Misna\nMigiste goortaan arko, iyo niman Majeerteena <\/p>\n\n\n\n<p>Oo\nmaaggan calankayga, ayaan dib u maleegtaaye <\/p>\n\n\n\n<p>Mootaha\ndhankiinaan ku ridi, labada meeloode <\/p>\n\n\n\n<p>Maxaa\nyeelay cadowbaw tihiin, maxanta Soomaale <\/p>\n\n\n\n<p>Waa\nmuran xigaalada dhexyaal, maandhow taayaduye <\/p>\n\n\n\n<p>Kolkaan\nidinka idin maaruqaan, meeriskaa tolane <\/p>\n\n\n\n<p>Kolse\nhadaan Migiste ii talinahayn, Maxamed yeelkiisa<\/p>\n\n\n\n<p>Intaad\nse aniga ii soo mudh-liqi, maan-yaraad tahaye <\/p>\n\n\n\n<p>Inaad\nmigiste kaga sii xuntahay, midhaha Soomaali <\/p>\n\n\n\n<p>Oonad\nmagacba nala sheegan Karin, waad is moogtahaye <\/p>\n\n\n\n<p>Middan\nhaysa iyo tii dambee, meesha noo qabata<\/p>\n\n\n\n<p>Nin\nmustaafiruunbaad ka tee, meel ka raac dunida <\/p>\n\n\n\n<p>Oo\nmaganso WAARSO iyo kuwaad, midigta siinaysay <\/p>\n\n\n\n<p>Magbaa\ncalanku kugu leeyahay, iyo miilal faro-wayne <\/p>\n\n\n\n<p>Waa\nwaxaanu musaamixi karayn, ruux masuul ahiye <\/p>\n\n\n\n<p>Ka\nmaqnaada intaad nooshihiin, oo dibadda meeraysta<\/p>\n\n\n\n<p>Meelahaa\nkasoo caaya ciiddayadu, waa makaan xor ahe.<\/p>\n\n\n\n<p>-Laakiin\nmuddo kooban ayaa wax weyni is beddelayaan. kacaankii saaqiday markan beelo\nkale ayuu soo ciyaarsiinaysaa. Doorkan Isaaq ayaa dibadda loo tuurayaa ama\nisaguba isku tuuraya. Gabay kasta oo uu beri hore kaalinta koowaad ama billad\nku mutaystay waxa ka sii farshaxan badan labada gabay ee uu guubaabada iyo\ngulufkii kacaan-diidka ku darsaday abwaanku. Laba gabay oo uu mid tiriyey\n1983-kii mid kalena 1984-kii tiriyey gulufka dirireed ee ku jira fajac baad u\ndhimanaysaa. Dhammaan wixii uu ceeb kacaanku lahaa ayuu mar qudha furka ka\ntuurayaa oo dadka u soo bandhigayaa, dawada iyo xalkana jihaad aan waxba la\niskula hadhin ayuu ka dhigayaa. Waa kan isaga oo aafooyin ka soo sheekeeyey\ndeetana dhaar ku xigsiiyey:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cKu\ndhaartaye markay heerigaa, noloshu soo dhaafto<\/p>\n\n\n\n<p>In\naad dhawrsatiyo baquhu, waa dhudaan bannaanayne<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka\ndiinta xaaraan maqdaca, dhaqasho weeyaane<\/p>\n\n\n\n<p>Dhimashada\nxalaasha ah, ayaa jihaad lagu dhamaystaaye<\/p>\n\n\n\n<p>Dhulka\nmeeray, reeraha la dhacay, ubadka dhaadooda<\/p>\n\n\n\n<p>Ragga\nlagu dhugtamay hawl yaraan, waan ka dheelimane<\/p>\n\n\n\n<p>Dhabeelaha\ngoblamay iyo agoon, dhogor madoobaatey<\/p>\n\n\n\n<p>Wuu\ndhalan-rogmaa ruux, sidaan ogay u dheehdaaye<\/p>\n\n\n\n<p>Dheg\nninkii ku jaray, daloolkiyoo dhuuban kugu reebye<\/p>\n\n\n\n<p>Idinkoon\ndhaqdhaqin ceebtii horee, rag idin dhoor goostay<\/p>\n\n\n\n<p>Dhayalsigiyo\nquudhsigi, haddaanu Dhahar la weynaanin<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaan\ndhixirkan laydiin toliyo, dhuuggu qolo raacin<\/p>\n\n\n\n<p>Quruskiinna\nhaddaan meel ladhigin, laysu dhagar qaadye<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaydaan\ndhaydii maandeeq, raggii dhamay ka soo dooxin\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nRuntii xaalad kasta si fiican buu uga soo dhalaalay Dheeg. Waxa xiiso gaar ah\nleh xilliga dirirta nin uu dhafoorka ka tooganayo ayuu xilliga nabadda malab u\nqooshayaa. Metelen gabay ka mid ah kuwa guubaabada dirireed ah oo \u2018Durdur\u2019 la\nyidhaa ayuu Xaaji Cabdi Waraabe (oo dawladda taageersan) iyo Janaraal Af gaab\noo ahaa badhasaabkii dawladda ee gobolkii Waqooyi Galbeed, oo ay labadaba\nabwaanka tol yihiin, wuxu ku xukumayaa in ay tolku gacantooda ku dilaan,\nmagtana iyagu isku qabaan:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cDaba\ndhilifka kula raas ahee, eydu diranayso <\/p>\n\n\n\n<p>Inkastuu\ndad kuu xigo, kufriga kaaga sii darane <\/p>\n\n\n\n<p>Dibigu\nhaku quustee, waysha yidhi daabka ka caseeye <\/p>\n\n\n\n<p>Kan\ndugaaga magasiisu yahay, iyo dila Af-gaabkeenna <\/p>\n\n\n\n<p>Inta\naanu nin door kaa sahayan, dooxa nacaskiinna <\/p>\n\n\n\n<p>Dad\nxunkaaga raaskii walbow, isuqab daynkiisa<\/p>\n\n\n\n<p>Sidaas\nuunbaad ku daafici kartaan, degeladiinniiye <\/p>\n\n\n\n<p>Sidaas\nuunbaad dulmiga ina Siyaad, kaga durkaysaane<\/p>\n\n\n\n<p>Dawlad\nruna markaasuu shacbigu, dooranlaa madax e\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nHaddana marxaladda nabadaynta, dib u dejinta iyo dib u heshiisiinta, abwaanku\nwuxu mar kale ciyaarayaa daraf aad uga fog kii hore. Raggii uu gabaygii hore ku\ndilay ayuu markan ku bogaadinayaa kaalintii dagaalka dabadeed ay ka qaateen\nxasilinta iyo isku keenista beelaha. Waa kii Hadraawi markaas oo kale odhan jiray\n\u201cTaa horena aayad baa sheegtay, tan danbena aayad baa sheegtay\u201d, sidaa darteed\nwaa kan isaga oo Xaaji Cabdi-Kariim, mar kale kaalintiisa qiraya:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cAdna\nXaaji beelahan intaad, u xilqabteed roortay<\/p>\n\n\n\n<p>Xikmad\nlaysku waanshiyo, talo aan xoolo goyn karinba <\/p>\n\n\n\n<p>Maad\nxistiyine dhaaxaad fartay, lama se xaalayne <\/p>\n\n\n\n<p>Xaashee\nhagar kamaad galin tolkaa, Ina Xuseenoow e<\/p>\n\n\n\n<p>Xaasid\niyo rifena wayska jiray, tan iyo xaataaye <\/p>\n\n\n\n<p>Nin\nragaan xagxagad waayahayn ,xay intuu yahaye <\/p>\n\n\n\n<p>Xeerbeegti\nniman aan metelin, iyo xaabo-dhoos ururtay<\/p>\n\n\n\n<p>Xilkasnimana\naan geed u imanoo, xil isa soo raacshay <\/p>\n\n\n\n<p>Xusul\nduubka orodkoodi noqoy, xoorka soodhaha\u2019e<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nWaa tan oo xaalad kale ayaa la galay, dadkii iyo dalkiina ardaayo iyo jufooyin\nayaa loo kala daatay. Abwaanku markaa cidlo ma taagna. Markan wax kale iyo\nIsaaqba ha joogee, horta waa in uu tolkii meel ku hubsado, Si uu taa u fuliyo\nwuu yaqaannaa sida uu ula hadlayo iyo afka uu kula hadlayo:<\/p>\n\n\n\n<p>&#8220;Maantana\ngaanka Habaryoonisiyo, gudaha Daauud ba <\/p>\n\n\n\n<p>Gorgortanka\niyo baayaca ragbaa, dhiibay gacantiiye <\/p>\n\n\n\n<p>Hadh\ngadiida hadii laydin yidhi, waa gudcure seexda<\/p>\n\n\n\n<p>Ood\ngama\u2019santiin meel nin ragi, xalay ka guureeyay<\/p>\n\n\n\n<p>Goor\ndamboo lakala faasaxday, oo uu go\u2019ayba iibkeedi<\/p>\n\n\n\n<p>Nin\nwalibana guntaday wuxu ku helay, gabagabii qaybta&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nMar kale waa kan isaga oo tolkii \u201cGuuyoobe\u201d canaan tolnimo ugu sheegaya in uu\nsahan ugu maqnaa, ganafkana ku dhufanaya qaar falan oo tolka ah oo sahankiisa qawadsan,\nmeel kalena ku faruuryo xidhan:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cGadhwayn\niyo Afwayniyo dhamaan, gaanka reer Sacadba <\/p>\n\n\n\n<p>Giddigiin\ninaad falantihiin, gacalkayoow heedhe <\/p>\n\n\n\n<p>Hadaan\ngeedo baxay oo cosoba, iyo godon barwaaqoobay<\/p>\n\n\n\n<p>Gal-dahab\nidiin soo heliyo, dheemman garab taalla<\/p>\n\n\n\n<p>Mar\nhadaydaan guddoon odhanahayn, laguna guuraynin <\/p>\n\n\n\n<p>Waxaan\nidiinku geeraarayaa, way garaad xumo\u2019e\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Farriintiisu\nwaa ay caddahay. Wuxu tolka leeyahay: haddii ay daan sahankayga ku kalsoonayn,\noo rag aydaan garanayn wax ka maqlaysaan, rag waa siman tihiin ee idinkuba\nsuldaan idiin gaar ah oo arrimihiina u gaar ah samaysta:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWarkiisa\nwaxaad u guuxdaan, ninkaydaan aad u garanayne <\/p>\n\n\n\n<p>Garrida\nuu shisheeyuhu tumaad, daba guclaysaane <\/p>\n\n\n\n<p>Hadduu\ngalabba meel baas-ka-yimi, gees idiin rarayo <\/p>\n\n\n\n<p>Duhur\ngalawdi geediga ratiga, gibishiyoo saaran <\/p>\n\n\n\n<p>Abaar\ngubatay sow inaad tagtaan, galabsigiin maaha<\/p>\n\n\n\n<p>kol\nhadaydaan marnaba goosanayn, talo idiin gaar ah <\/p>\n\n\n\n<p>Oo\ngeed qalaad ku taallaan, sidii qaadh dhillawyahana <\/p>\n\n\n\n<p>Inaad\nguul usoo sacab tuntaan, waa habeen gudhaye <\/p>\n\n\n\n<p>Waar\namma gacan ku hayntaa ku jira, guudka laga haysto <\/p>\n\n\n\n<p>Ama\nwaad gudboontiin raggee, geed ka dhinac waabta<\/p>\n\n\n\n<p>Oo\nSuldaan idiin gaara iyo, guurti ka lahaada\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Gabaygaas\ndheer ee farriinta gaarka ah u ah tolka wuxu ku soo xidhayaa bayd nuxur ah:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cWaar\nGuuyooboow talaan kuu hayaa, haygu gacan-saydhin\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nGunta iyo gunaanadka halkaas ayeynu abwaanka ku og nahay. Laba meelood oo\nkalena waynu ku og nahay oo mid noqonayso Soomaalilaand oo aan Xamar dib u\nraacin:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cXalaaleeye\nSomaliland, xaasid ridi waaye <\/p>\n\n\n\n<p>In\nmar kale xaggii lagu ceshaa, waa habeen xalaye <\/p>\n\n\n\n<p>Xaanfaley\nmar bay qaadatay, iyo xuur liqdoo hora e <\/p>\n\n\n\n<p>Intuu\nnaga xansheernaaba, waa loo xarbiyayuune <\/p>\n\n\n\n<p>Mar\nhadduu xaqiinii maqnaa, soo xawilay Eebbe <\/p>\n\n\n\n<p>Xejiyaay\nayuu idin ka tagin, xero xunkii baase <\/p>\n\n\n\n<p>Muqdishana\nXadbaa ina dhex yiil, hore u xarriiqnaaye <\/p>\n\n\n\n<p>Xuduudbaynu\nleenahay, sidaa xeeb Jabuutida\u2019e<\/p>\n\n\n\n<p>Intay\ndunidu xay tahay, halkaa xamar hanoo joogto <\/p>\n\n\n\n<p>Oo\nyaan lay xodhayn, wixii horaan sii xusuusnahaye\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>&#8211;\nQodobka kale oo aynu ku og nahay oo Dheeg mar kasta aad ku arkaysaa waa isaga\noo xal u arka islaamnimada oo shareeco ahaan loogu dhaqmo. Dheeg dhib kasta\nhaddii uu ka sheekeeyo wuxu xal ahaan u raacinayaa shareecada oo la isku\nxukumo. Tusaale u soo qaado Gabaygiisii \u201cShiinleyda\u201d ku jiray:<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cSharcigii\nislaamkoo la sugay, oo lagu shaqaynaayo<\/p>\n\n\n\n<p>Maxkamadahana\nsheekh caadil ahi, shubayo aayaadka<\/p>\n\n\n\n<p>Ooy\nshaadir xidhanyiin hablii, shacabka yaacaayay<\/p>\n\n\n\n<p>Shukri\nmahad dadkoo wada naquu, ku shuxay tawxiidku<\/p>\n\n\n\n<p>Shin\nmaa la arkayaa lama qarsado, shaambad kugu taalle?\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Isku\nsoo wada duub oo waa \u2018dhaxal abwaaniyo murtiye, dhego haloo yeesho\u2019.<\/p>\n\n\n\n<p>Labada qoraa ee Aadan Daahir iyo Maxamed Xirsiba aad bay ugu mahadsan yihiin in ay dhaxalkan inoo kaydiyeen.<\/p>\n\n\n\n<p>Qalinkii: Faysal Jaamac<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"409\" height=\"460\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/Dhaxal-Abwaan.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-16934\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/Dhaxal-Abwaan.jpg 409w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/Dhaxal-Abwaan-267x300.jpg 267w\" sizes=\"auto, (max-width: 409px) 100vw, 409px\" \/><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Weedho ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: \u2018Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa daaqad aynu ka halacsan karno taariikh-siyaasadeedka dawladdii dhalatay lixdankii ee dhimatay sagaashankii. Waa Soddon sanno iyo suugaan isla beddelaysa hadba siyaasaddii Soomaalidii midawday. Waa sugaan ku bilaabmaya qarannimo la dhoodhoobayo oo ku dhammanaysa qabyaalad farta la isku fiiqaayo. Qarannimo ayaa la bilaabay. Dheegna qarannimo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":16934,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-16933","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16933","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=16933"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16933\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":16935,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/16933\/revisions\/16935"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/16934"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=16933"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=16933"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=16933"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}