{"id":17046,"date":"2019-02-14T18:38:09","date_gmt":"2019-02-14T18:38:09","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17046"},"modified":"2019-02-14T18:38:09","modified_gmt":"2019-02-14T18:38:09","slug":"dib-u-milicso-fursadihii-iyo-caqabadii-madaxweyne-muuse-xilka-ku-la-wareegay-iyo-duruufihii-madaxdii-ka-horreysay-ka-la-soo-dabbaalatay-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17046","title":{"rendered":"Dib U Milicso: Fursadihii Iyo Caqabadii Madaxweyne Muuse Xilka Ku La Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horreysay Ka La Soo Dabbaalatay Somaliland"},"content":{"rendered":"\n
Hargeysa-(GLN) ): Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadeeda dib u la soo noqotay sannadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo\u2019ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay.<\/p>\n\n\n\n
Haddaba Waxaynu is dul\ntaagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo\nwixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka\nkala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen .<\/p>\n\n\n\n
1)-Madaxweyne\nCabdiraxmaan Axmed Cali \u201cTuur\u201d
\nMadaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee\nSomaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee\nBurco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay\nxilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in\nxukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku\nbeegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii,\nislamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa\nkala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo\nbulshada Somaliland dhexdeeda ah.<\/p>\n\n\n\n
2) -Madaxweynihii\nlabaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii
\nMadaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee\nSomaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka\ndhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo\nSokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii\nlagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro\ngashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo\niyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna.
\nGeesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta\nQaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay\nbulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u\ntaagay.<\/p>\n\n\n\n
3)-Madaxweynihii\nSaddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale .
\nMadaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu\nhalkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu\njeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah,\nkuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada\nSomaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada.<\/p>\n\n\n\n
4)- Madaxweynihii 4-aad\nee Somaliland Axmed Siilaanyo.
\nAxmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland,\nkaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la\nwareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa\nku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha\ndalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan,\nislamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay.
\nMadaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran\nabuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee\nmuddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo\nkacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay.
\n5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi<\/p>\n\n\n\n
Madaxweyne Muuse Biixi\nCabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed\nSiilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana\njirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi.
\nCaqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay\nxilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu\nfursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan\ntahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo\ndoogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay.<\/p>\n\n\n\n
Wixii laga filayay:\nMadaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu\nkala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu\nmadaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha\nlagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go\u2019aan leh noqonayo sidii uu\nku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii\nSiilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto.<\/p>\n\n\n\n
Hase ahaatee madaxweyne\nBiixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid\nhalkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee\nhortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga\ndareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen.\nTusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra\u2019isal wasaare\nxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa\nbulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna\ndhalliil ka dhigayeen.<\/p>\n\n\n\n
Telefishanka Horn Cable\nwaxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar\nah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba\niska bedelin.<\/p>\n\n\n\n
Waxa madaxweynaha muddo\nxileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid\nah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana\njira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya.<\/p>\n\n\n\n
Waxa muddadaas la\nxidhay suxufiyiin, hay\u2019ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo\nmuwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato\nin tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda\nahi halis ku jiro.<\/p>\n\n\n\n
Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya.<\/p>\n\n\n\n
Gacanlibaaxnews
News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"
Hargeysa-(GLN) ): Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadeeda dib u la soo noqotay sannadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo\u2019ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay […]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17047,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17046","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17046","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17046"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17046\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17048,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17046\/revisions\/17048"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17047"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17046"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17046"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17046"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}