{"id":17062,"date":"2019-02-14T19:37:20","date_gmt":"2019-02-14T19:37:20","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17062"},"modified":"2019-02-14T19:37:20","modified_gmt":"2019-02-14T19:37:20","slug":"adiga-ayaan-kuu-shaqeeyaa-wq-xamse-cumar-kujoog","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17062","title":{"rendered":"Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog"},"content":{"rendered":"\n<p>Hadda\nayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar\nka mid ah Golihiisa Wasiirrada iyo marti kale oo uga timi dawladaha jaarka ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa\nuu u yeedhay mid ka mid ah shaqaalihiisa, waxa uu ku yidhi; &#8220;Maanta waan\ndaalay oo qado waafi ah ayaan u baahanahay&#8217;e, inanka cuntada karinaya inoogu\ndir Kalluun. Kalluun ayaan maanta aad ugu niyadsamahaye! &#8220;. Ninkii shaqaalaha\nahaa ayaa yidhi; &#8220;Haye, Mudane Madaxwayne, Kalluunka waliba waad u baahan\ntahay oo daalka waa ka dawo, sidoo kalana waxa uu leeyahay Faytamiinno jidhka\niyo maskaxdaba soo celinaya oo waan hubaa in kolka aad cunto aad firfircoonaan\nbadan ka heli doontid&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxwaynihii\nayaa ku yidhi; &#8220;Inkastoo calooshu igu xanuunto, haddana yeelkeed&#8217;e inoo\ndir.\u201d Ninkii ayaa ku jawaabay; &#8220;Mudane Madaxwayne, waa runtaa oo Kalluunku\ncalool xanuun ayuu leeyahay, balayaadu waliba waa wada lafo oo haddii midh keli\nahi kuu dhuumato waa khatar, sidoo kelana yalaalugo iyo laabjeexna way u\nraacaan&#8221;!<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxwaynihii\noo yaabban ayaa ninkii waydiiyay; &#8220;Waar miyaad xanuusanaysaa? Halkaad hal\nmar ammaan iyo dhaleecayn wada socda isugu daraysaa Kalluunka?&#8221;<\/p>\n\n\n\n<p>Ninkii\nayaa ku jawaabay; &#8220;Madaxwayne, anigu adigaan kuu shaqeeyaa ee Kalluunka\numa shaqeeyo, wixii aad tidhaahdabana waan kugu raacayaa, haddaad ammaantana\nwaan u kula ammaani, haddaad dhaleecaysana aakhiro ayaan u dirayaa&#8221;!<\/p>\n\n\n\n<p>Dhacdo\nka mid ah kumannaanka dhacdo iyo sheeko ee guulwadaynta indhaha la&#8217; ah ee ka\ndhacda dunida aynu ku noolnahay ayay dhacdadani tusaale u tahay! Waxa iyaduna\nla mid ah, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin Boqor ah oo duurka u ugaadhsi\ntagay waxa uu la kala baxay leeb iyo qaansadiisii si uu ugu gano shinbir geed u\ndhaw saarnayd. Kolkii uu ku ganay ayuu la waayay, isla markiiba mid guulwade ah\noo ag boodayay ayaa la soo booday; &#8220;Boqor, si wanaagsan ayaad\nyeeshay!&#8221; Boqorkii oo yaabban ayaa yidhi; \u201cOo maxaan wanaajiyay waaban la\nwaayae!&#8221; Ninkii ismaba uu dhibine aad yar ayuu ku jawaabay; &#8220;Boqoroow\nlamaad waayin&#8217;e shinbirta ayaad u naxariistay&#8221;.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa\niyaduna aan kuwaas hore ka fogayn dhacdo kale oo la yaab lahayd. Waa\nMadaxwaynihii wadanka Masar, Jamaal Cabdinaasir oo khudbad ka jeedinaya aqalka\nGolaha Wakiillada ee dalkaas, kaddib markii ay isku dhaceen Masar iyo Suuriya.\nWaxa uu Madaxwayne Cabdinaasir yidhi isagoo Golaha hortaagan; &#8220;Waxa aan\namray ciidamadeenna baddu in ay dhaqaaqaan oo ay Suuriya ku duulaan&#8230;&#8221;\nIsagoo halkaas maraya ayay xildhibaannadii sacab isla oogsadeen, kolkii ay\nsacabkii dhammaysteen ayuu hadalkiisii sii watay oo yidhi; &#8220;Haddana waxa\naan ka fikirkay midawga carbeed oo waxa aan amray ciidamadeennii in ay soo\nlaabtaan!\u201d, sidii hore si ka badan ayaa haddana sacabkii isu qabsaday! Cajiib!<\/p>\n\n\n\n<p>Guulwadaynta\nindhaha la&#8217; ee aan tilmaamaynaa waa taas ah in laba fal oo iska soo horjeeda\ndaqiiqad gudaheed sacabka loo wada garaaaco!<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa\naynu dhammaan ognahay in qof kasta oo Madax ah meesha uu doonaba ha joogee,\ninuu leeyahay in ka ag dhow oo uu la tashado. Ha noqdo Madaxwayne wadan idilkii\nmaamulaya, Wasiir, Maamule Shirkadeed ama dugsi iyo wixii la mid ah. Qofka\nhaddaba cid hawl ummadeed haysa ka-ag-dhow, waxa ku habboon inuu qofkaas runta\nu sheego, talo wanaagsan oo sidii ugu mudnayn ee uu yeelilahaa ahna uu la wadaago,\ntaladaas oo qalbi iyo daamir saafiya uu ku gudbinayo, waxbana aanu ka\nhabranayn, sidoo kalena aanu islahayn wax ku hel, ku dhac ama cid kale ku\nduudsi, waa sida laga rabo qofka madaxda ka ag dhow wixii uu qofkaas madaxda\nahi kala tashado.<\/p>\n\n\n\n<p>Nasiibdarrdu\u2019se,\nwaxa ay tahay, in Alle, damiirka iyo dadnimadaba u badbaadiyay oo tiro ahaan\nkoobmaysa sida runta ah, mooyaane, in loo badan yahay \u201cGuulwadayaal\u201d u sheega\nqofka Madaxda ah inuu keligii saxsan yahay! Salaamaad! Xilliyada qaar\nsaxnaaantaasi waxa ay noqonaysaa mid dhaw, marka loo eego \u201cGuulwaydayn\u201d-ta\nIndhaha la\u2019! Waxa madaxda loogudaraa in ay saxansiyiin, tilmaamo kale oo ay mid\nnoqon karaan, hadal u dhigma;<\/p>\n\n\n\n<p>*\nIn bulshada aanu dib usoo mari doonin mid isaga la mid ahi.<\/p>\n\n\n\n<p>*\nIn bulshadaasi tahay mid nasiib badan kol haddii hebel Madax u yahay\u2019!<\/p>\n\n\n\n<p>Guulwadayntaas\ndanbe waxa ka Tusaale noqonaysa, mar dhawaan uu Jabuuti ka lahaa mid ka mid ah\nkuwa Ilaahay innagu imtixaamay \u201cWaligiin idin soo mari maayo madaxwaynahan oo\nkale, kii beddeli lahaana wali muu dhalan\u201d Beerka lagugu dhufay ma idhaahdaa,\nbal ummaddaas dhan sida uu u caqli caayay u fiirso.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxdan\ngurracan ee haddana isla saxan, in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ay innagu\nhayaan waxa sabab u ah inta ka agdhaw ee sacabka iyo mushxaradda la ag joogta,\ninta guulwadaynta iyo madax buuxinta mooyee aan dhaqan kale aqoon,<\/p>\n\n\n\n<p>Waa\nkii lahaa Abwaan, Maxamed Ibraahim Warsame -Hadraawi &#8211; Ilaahay caafimaad\nsareecan ah ha siiyee ;-<\/p>\n\n\n\n<p>\u201cGar-ma-qaatayaashiyo\ndadkaa beera, ruux gudhane<\/p>\n\n\n\n<p>Ganbo\nnimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo<\/p>\n\n\n\n<p>Markuu\ndhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo<\/p>\n\n\n\n<p>Isagoo\ncanaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya<\/p>\n\n\n\n<p>Giblo\niyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho<\/p>\n\n\n\n<p>Keligii\ninuu guurti yahay, maalintaa gunud.\u201d!<\/p>\n\n\n\n<p>Dadka\nnoocaas ah ee marwalba la hoos taagan Madaxda in xukuumadaha ay gadhwadeenka ka\nyihiin ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee bulshada soo mara, waa kuwo khiyaamo\nqaran kula kacaya bulshada, sidoo kalana si aanay dareensanayn ,waxa ay\nhoojinayaan, ka ay ka hoos shaqaynayaan oo haadaamo ay uga tallaabsanayaan!\nGo&#8217;aanno badan oo aynu maanta la rafaadsannahay, waxa hubaal ah in aanay inta\nugu badan yimaaddeen, haddii uu ninka talada hayaa helo cid gacanta qabata oo\nwixii wanaagsan u sheegta, wixii gef iyo gardarro ahna ka qabata!<\/p>\n\n\n\n<p>Bulshada\nkolka lagu soo rogo kumannaan cashuuro ah oo aanay qaadi karin, ma aragtay qof\nmuwaadin ah oo sheeganaya \u201cDhaqaaleyahan\u201d oo bulshada ugu dhaaranaya in ay\ncashuurtani tahay mid sharci ah oo baahi loo qabo? Ogow oo isaga laftiisu wuu\nogyahay in ay tahay xaqdarro se waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne\nadigaan kuu shaqeeyaa!<\/p>\n\n\n\n<p>Aynu\ndhanka kale u rogno hadda\u2019e, ma aragtay marar badan, Wadaad, boqollaal\n\u201cAayadood\u201d u soo qaadanaya, go&#8217;aan uu qaatay nin Madax ahi, si uu innoogu\nsheego in go&#8217;aan kaasi sax yahay? Yaah! Waxba ah yaabin akhriste, aadyar adiga\noo aan dhibtoon waxa aad ogaata, \u201c isagu si waafiya ayuu u ogyahay inta badan,\nin aayadda iyo xadiiska uu luqunjibaadhayaa aanay halkaas munaasib ku ahayn\u201d,\nBalse waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa oo halkaa\nla galaya!<\/p>\n\n\n\n<p>War caddaaday.<\/p>\n\n\n\n<p>Xamse Cumar Kujoog<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image is-resized\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa-1024x694.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17063\" width=\"474\" height=\"321\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa-1024x694.jpg 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa-300x203.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa-768x521.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa-800x542.jpg 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/Adigaan-kuu-shaqeeyaa.jpg 1046w\" sizes=\"auto, (max-width: 474px) 100vw, 474px\" \/><figcaption> <br>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212; \u00a0 <br> Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin. <br><br><\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hadda ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada iyo marti kale oo uga timi dawladaha jaarka ah. Waxa uu u yeedhay mid ka mid ah shaqaalihiisa, waxa uu ku yidhi; &#8220;Maanta waan daalay oo qado waafi ah ayaan u baahanahay&#8217;e, inanka cuntada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17063,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17062","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17062","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17062"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17062\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17064,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17062\/revisions\/17064"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17063"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17062"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17062"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17062"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}