{"id":172,"date":"2016-08-17T21:33:03","date_gmt":"2016-08-17T21:33:03","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=172"},"modified":"2016-08-17T21:33:03","modified_gmt":"2016-08-17T21:33:03","slug":"wasiirka-caafimaadka-jsl-oo-buuhoodle-saxaafadda-ugu-waramay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=172","title":{"rendered":"Wasiirka Caafimaadka JSL oo Buuhoodle saxaafadda Ugu Waramay"},"content":{"rendered":"<p>Buuhoodle(GLN)_Wasirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed<\/p>\n<p>Xaglotoosiye oo socdaal hawleed ku jooga Magaalada Buuhoodle ayaa ka<\/p>\n<p>waramay xaalada siyaasadeed iyo ta bulsho ee Gobolkaasi, waxana uu<\/p>\n<p>digniina u diray maamul goboleedka PL Somalia oo isku deyaya inay<\/p>\n<p>carqaladeeyaan deganaansha Gobolkaasi.<\/p>\n<p>Wasiirka caafimaadka DrSaleebaan Ciise Axmed xaglotoosiye waxa uu<\/p>\n<p>ugu horayn tacsi u diray shacabka Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey<\/p>\n<p>geeridii ku timid Ugaas Cabdilaahi Ciise oo Salaasadii ku geeriyooday<\/p>\n<p>Dalka turkiga kana mid ahaa madaxdhaqameedka gobolka Sool. Intaa ka<\/p>\n<p>bacdina waxa uu sharaxaad ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa ee<\/p>\n<p>Gobolkaasi hadaladiisiina ka mid ahaa sidan: \u2018 Salaasadii ayaanu nimid<\/p>\n<p>Gobolkan waxana aanu u nimid hawl wacyigelineed iyo mid<\/p>\n<p>wadatashi dadka deegaanka ah, runtii dadku xiligan waa bislaadeen,<\/p>\n<p>99% waa dad aaminsan Qaranimada Somaliland, waxana aanu<\/p>\n<p>rajaynaynaa in wadatashiyada aanu la yeelanayno ay ka soo baxaan<\/p>\n<p>arimo dhaxalgal ah, isla markaana ay dabaysha siyaasadeed ee isu<\/p>\n<p>guurka ah ee somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli<\/p>\n<p>doonaan oo qaybtooda ka qaadan doonaan<\/p>\n<p>Dhanka kale wasiirka caafimaadku waxa uu uga digay maamul goboleedka<\/p>\n<p>PL ee Somaliya oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaanshaha<\/p>\n<p>Gobolkaasi iyo qorshaha diiwaangelinta codbixiyaha Somaliland oo ah<\/p>\n<p>arin uu muwaadinku xaq u leeyahay, waxana Wasiirka oo arintaa ka<\/p>\n<p>hadlayaa uu yidhi sidan: \u2018Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego<\/p>\n<p>oo digniin u diro maamulka Puntland oo ku tashadayinay<\/p>\n<p>carqaladeeyaan rabitaanka shacabka Buuhoodle , isla markaana<\/p>\n<p>doonaya inay ciidamo u soo diraan Buuhoodle oo Madaxweyne ku<\/p>\n<p>xigeen u soo diraan oo qasaan in halkan diiwaangelintu ka dhacdo,<\/p>\n<p>waxaan leeyahay waxii xasiloonidarro iyo khasaare ka yimaadda<\/p>\n<p>waxaa mas\u2019uul ka noqonaysa Puntland, caalamkana sidaas ayaan u<\/p>\n<p>sheegaynaa, waayo dadka reer Buuhoodle wanaag bay rabaan<\/p>\n<p>nabaday rabaan , iyagaa xor u ah inay diiwaangelinta galaan iyo in<\/p>\n<p>kale sida muwaadin kale oo kasta oo reer Somaliland uu xaqaa u<\/p>\n<p>leeyahay, Jamhuuriyadda Somaliland waa wadan dimuqraadi ah cidna<\/p>\n<p>laguma khasbo ka qaybgalka diiwaangelinta iyo doorashada toona,<\/p>\n<p>Puntland-na waxaan ugu celinayaa deegaankan iyo dalkan rabshad<\/p>\n<p>kama ogolin\u201d<\/p>\n<p>Dr Xaglotoosiye oo ka hadlay dareenka dadweynaha deegaankaasi ee<\/p>\n<p>xiligan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada xaaladaha<\/p>\n<p>siyaasadeed iyo bulsho ee ka socda JSL ayaa waxa uu yidhi: \u2018Intii aanu<\/p>\n<p>halkan joognay waxaa dadweynaha nagaga soo noqday dareen weyn<\/p>\n<p>oo muujinaya rabitaan weyn iyo isbedel weyn waana mid aanu aad<\/p>\n<p>iyo aad ugu faraxsan nahay uguna hanweynahay, illaa hadana waxa<\/p>\n<p>aanu kulamo la yeelanay maamulka heer Gobol iyo heer degmo,<\/p>\n<p>odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada, waxana aanu bilownay sidii<\/p>\n<p>wadatashi loo yeelan lahaa, runtiina reer Buuhoodle oo ah xubin aad<\/p>\n<p>u weyn oo beesha Dhulbahante ka tirsan ayaa aqlabiyadoodii waxay<\/p>\n<p>go\u2019aansadeen inay dantooda u soo noqdaan oo danta deegaankooda<\/p>\n<p>eegaan oo go\u2019aansadaan inay si buuxda uga mid noqdaan<\/p>\n<p>Jamhuuriyadda Somaliland, oo dantoodu ku jirto, nabadgelyadoodu<\/p>\n<p>ku jirto, horumarkoodu ku jiro, mustaqbalkooda siyaasadeedna ku<\/p>\n<p>jiro, Xukuumad ahaana wax walba waanu la dhinac taagan nahay<\/p>\n<p>waxana aan filayaa insha allaahu in isbedel weyn oo degdeg ahi<\/p>\n<p>dhaco\u201d<\/p>\n<p>WWW.Gacanlibaaxnews.com<\/p>\n<p>Hargeysa\/Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Buuhoodle(GLN)_Wasirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo socdaal hawleed ku jooga Magaalada Buuhoodle ayaa ka waramay xaalada siyaasadeed iyo ta bulsho ee Gobolkaasi, waxana uu digniina u diray maamul goboleedka PL Somalia oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaansha Gobolkaasi. Wasiirka caafimaadka DrSaleebaan Ciise Axmed xaglotoosiye waxa uu ugu horayn tacsi u diray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":173,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-172","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/172","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=172"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/172\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":174,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/172\/revisions\/174"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/173"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=172"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=172"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=172"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}