{"id":17274,"date":"2019-04-03T13:49:11","date_gmt":"2019-04-03T13:49:11","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17274"},"modified":"2019-04-03T13:49:11","modified_gmt":"2019-04-03T13:49:11","slug":"cabdi-haybe-waxaanu-ka-digaynaa-in-ganacsade-axmed-geele-sharaftiisa-iyo-karamaadiisa-la-isku-dayo-in-meel-lagaga-dhaco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17274","title":{"rendered":"Cabdi Haybe: \u201cWaxaanu ka digaynaa in Ganacsade Axmed Geele sharaftiisa iyo karamaadiisa la isku dayo in meel lagaga dhaco\u2026\u201d"},"content":{"rendered":"\n<p><br>Hargaysa-(GLN): Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka\nsare ee Waddani, is la markaa na ah Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbigan, ayaa ka\nhadlay xiisada ka dhalatay dalabka dawladda Djibouti ee ah in loo xaraasho\nhantida uu Axmed Cismaan Geele ku leeyaay Djibouti.<\/p>\n\n\n\n<p>Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa\nsidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xil ka qaadistii, isku bedelkii\niyo magacaabistii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu ugu horeyn\nyidhi: \u201cAxmed Cismaan Geele, waa Ganacsade, waa Baayac-mushtar, maxbuus maaha,\nbaxsadna maaha, wax dambiyana muu galin, ee kolay dano gaar ahi wey muuqdaan,\nee waxaanu ka digaynaa in Ganacsade Axmed Geele sharaftiisa iyo karamaadiisa la\nisku dayo in meel lagaga dhaco, cidda danta gaarka ah lehna waxaanu leenahay ka\ndigtoonadan inaad qaadan talaabo khaldan, oo dhib abuuri kara.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Mar uu ka hadlaayey isku bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyey\nXukuumaddiisa iyo musuq-maasuqa ayaa yidhi: \u201cMadaxweynuhu wuu ku amaanan yahay\ninuu musuqmaasuqa wax ka qabato,xilkana ka qaado ciddii lagu tuhmayey\nmusuq-maasuqa, laakiin waa in Maxkamadda lala tiigsada cid kasta oo hantida\numadda boobtay, waana ka war haynaa boobkii iyo ku takrifalka hantida umadda ee\ndhacay markii ay Xukuumaddii hore taladda dalka haysay, Dugsigii Haweenku wax\nku baranaayeen ayaa dano gaar ah loo isticmaalay, oo hanti gaar ah ayey laga\ndhigtay, Guriyihii Ingiriisku inooga tageen ayaa si sharci daro ah loo\nlunsaday,hantidii qaranka ka wada dhexeeysay ayaa cid gaar ah loo gacan galiyey,\nboobkii hantida umadda ee la xalaashaday ayaa Madaxweynaha looga baahan yahay\ninuu dib u soo celiyo gacanta dawladda, oo waliba cidda lagu helo Maxkamadda\nwaa in la soo saara, oo waajibkeeda laga gutaa\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Mar uu ka hadlaayey mashaariicda horumarka iyo sida loo\nqaybiyo ayaa yidhi: \u201cAnigu Guddoomiyaha Hay\u2019adda Shaqaalaha waan soo noqday,\nWasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Beerahana waan soo qabtay,\nXukuumaddihii hore si cadaalad ah ayaa wixii mashaariic ah ee horumar ah ay ugu\nqaybin jireen Gobolada kala duwan ee dalka, marka laga reebo Xukuumaddii Axmed\nSiillaanyo iyo Xukuumaddan Muuse Biixi.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Source: Geeska<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"576\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Cabdi-Haybe-1024x576-1-1024x576.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17275\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Cabdi-Haybe-1024x576-1.jpg 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Cabdi-Haybe-1024x576-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Cabdi-Haybe-1024x576-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/Cabdi-Haybe-1024x576-1-800x450.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><figcaption>Gacalibaaxnews<br>News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa-(GLN): Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee Waddani, is la markaa na ah Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbigan, ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay dalabka dawladda Djibouti ee ah in loo xaraasho hantida uu Axmed Cismaan Geele ku leeyaay Djibouti. Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17275,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17274","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17274","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17274"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17274\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17276,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17274\/revisions\/17276"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17275"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17274"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17274"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17274"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}