{"id":17517,"date":"2019-07-31T20:44:04","date_gmt":"2019-07-31T20:44:04","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17517"},"modified":"2019-07-31T20:44:04","modified_gmt":"2019-07-31T20:44:04","slug":"aragtiyaha-madaxweyne-muuse-iyo-axmed-siilaanyo-ay-ka-kala-aaminsanyihiin-dulqaadka-iyo-faraqa-u-dhexeeya-labadooda-fikir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17517","title":{"rendered":"Aragtiyaha Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Siilaanyo Ay Ka Kala Aaminsanyihiin Dulqaadka Iyo Faraqa U Dhexeeya Labadooda Fikir"},"content":{"rendered":"\n<p>Hargaysa-(GLN): Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii Axadii ee toddobaadkan, wuxuu qayb ka mid ah kaga hadlay \u2018dulqaadka\u2019 oo uu ku tilmaamay inay walaalo yihiin doqoniimada.<\/p>\n\n\n\n<p>Hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa\nwuxuu bulshada ka dhex abuuray hadal hayn badan, waxaanay dad badani\nisweydiiyeen sababta keentay in Madaxweynuhu dulqaadka iyo doqoniimada is garab\ndhigo.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne Biixi oo khudbadiisan\nkaga hadlay dadka weerarada u gaysta ciidamada kala duwan ee dalka iyo\nkhasaaraha ka dhasha, ayaa yidhi \u201cXukuumadu ha dulqaadato dadka hala waaniyo\ngacan qabow halagu maamulo; laakiin dulqaadka iyo doqoniimadu waa walaalo lama\nkala saari karo.\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynaha khudbadiisa oo ahmiyad\nlahayd, kana hadlaysay khasaaraha ka soo gaadha ciidamada dalka weerarada ay\ndadka qaar u gaystaan oo u baahan xal, ayaa haddana waxa khudbadiisa shiikhiyay\nkelmada uu isku garab dhigay dulqaadka iyo doqoniimada oo uu weliba yidhi waa\nwalaalo.<\/p>\n\n\n\n<p>Siilaanyo:<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweynihii hore ee uu Madaxweyne\nMuuse Biixi xilka kala wareegay, in badana ay rafiiq ku ahaayeen siyaasadda,\nayaa waxa xusid mudan in sannadkii 2015 uu jeediyay khudbad aad moodo inay\njawaab u noqonayso khudbada Madaxweyne Biixi ee maanta. Axmed-siilaanyo oo\nmaalintii 18 May ee 2015 jeediyay khudbadaas, wuxuu dulqaadka ku tilmaamay\ninaanu ahayn doqoniimo balse uu yahay sahayda siyaasiga suuban, \u201cSabirka iyo\ndulqaadku ma\u2019aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban\u2026\u201d\nayuu yidhi Axmed-siilaanyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata\ninuu faraq u dhexeeyo hoggaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo\nsaaxiibkii Axmed-siilaanyo oo door libaax ka qaatay inuu ku guulaysto\ndoorashadii 2017 dalka ka dhacday.<\/p>\n\n\n\n<p>Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa noqday mid bulshadu faaqiday oo ay isweydiisay sababta ka keentay Madaxweynaha isagoo ah hoggaamiyihii dalka. Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dunida soo maray ayaa kuwooda ugu hoggaaminta wanaagsanaa waxay caan ku ahaayeen dulqaadka.<\/p>\n\n\n\n<p>Xigasho: Geeska Afrika<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image is-resized\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/ARAGTIDA-DULQAAD.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17518\" width=\"389\" height=\"268\"\/><figcaption>Gacanlibaaxnews.com<br>News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa-(GLN): Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii Axadii ee toddobaadkan, wuxuu qayb ka mid ah kaga hadlay \u2018dulqaadka\u2019 oo uu ku tilmaamay inay walaalo yihiin doqoniimada. Hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu bulshada ka dhex abuuray hadal hayn badan, waxaanay dad badani isweydiiyeen sababta keentay in Madaxweynuhu dulqaadka iyo doqoniimada is garab [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17518,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17517","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17517","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17517"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17517\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17519,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17517\/revisions\/17519"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17518"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17517"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17517"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17517"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}