{"id":17681,"date":"2019-12-20T21:33:51","date_gmt":"2019-12-20T21:33:51","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17681"},"modified":"2019-12-20T21:33:53","modified_gmt":"2019-12-20T21:33:53","slug":"sidee-loo-dhisi-karaa-somaliland-la-wada-leeyahay-wq-mustafe-ismail-bulaale-mustafe-dawlad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17681","title":{"rendered":"Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)"},"content":{"rendered":"\n<p><em>\u201cNinku yidhi sinaan mayno<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><em>adna buri sarayntiisa<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><em>sedka waad wadaagtaane<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><em>ma sagaashan baa tiisu.\u201d<\/em><\/p>\n\n\n\n<p><em>(Abwaan.Mohamed Ibrahim warsame \u201cSirta noloasha ).<\/em><\/p>\n\n\n\n<p>Waa su&#8217;aal adag oo u baahan jawaab nool, oo qancisa guud ahaan\ndalka oo dhan, waana masuuliyad saaran hadba cidda haysa hogaanka dalka iyo\nhayadaha dastuuriga ah ee dalka. <\/p>\n\n\n\n<p>ugu horayn waxa waxa loo baahan yahay in uu hogaamiyaha dalku\ndareensanaado in ay jirto wada lahaansho iyo sinaan cadaalad ku dhisan oo loo\nsiman yahay dalka hayadihiisa oo dhan min madaxweyne ilaa waashmaan waa in loo\nsinaadaa shaqada dawlada iyo wadalahaanshaha dalka guud ahaantiisba.&nbsp; <\/p>\n\n\n\n<p>Waxa aynu ka soo dagaalanay waxa ugu waynaa waa cadaalad daro\nlaynoo geystey intii uu jirey maamulkii Afweyne ee xukumaddii Siyaad Bare ee\niyo kuwii ka horeeyeyba ay kula kaceen shacabkii keenay xoriyadda ee waqooyi\ndal jacayl iyo midnimo darteed u sidqeeyey qaranimadii aynu ka qaadanay\nGumaystihii Ingiriiska.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba Soddon sano ka bacdi waa arin aan inoo cuntamin in aynu ka\nhaddalo saami qaybsi iyo sinaan loo simanyahay sharciga iyo dawladnimadda.<\/p>\n\n\n\n<p>Burburkii somalilia waxa aynu la soo noqonay xoriyaddii aynu\nlixdankii hibayney ee aynu midnimadda dhaafsanay, dhiig badan ka dib waxa aynu\nhelay dal iyo dad madaxbanaan oo dawladnimo doon ah inkasta oo aynaan ictiraaf\nhelin, haddana waxa aynu helay waa qaran taabo gal ah oo qaan gaadh ah, oo aan\nmaanta cidna marti uga hayn dawladnimadiisa. Balse waxa ayaan daro ah in Afartii\nhogaamiye ee qaranka maamulkiisa soo qabtay aanay ku bixin dedaalkii iyo\nkartidii loo baahnaa in la geliyo Midnimada dalka iyo Raadinta Ictiraafka aynu\nsoddonka sano raadinayney oo ninba meel uu diirada saaraayey balse aanu nina ku\nguulaysan. Balse waa halxidhaale looga tegey Madaxweynaha maanta haya\nhogaamintii &nbsp;dalka oo looga fadhiyo ku\ndhicii &nbsp;iyo geesinimadii iyo go\u2019aan\nqaadashadii loogu codeeyey looguna ololeeyey, su\u2019aashu se waa ma muuqataa\nhogaamin arintaasi iyo hawlaha gudaha ee cakirn ka fal celinkartaa oo dalkan u\njeexi karta diriiq lagu guulaysan karo.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddii uu madaxweynuhu la yimaado karti iyo dedaal aqooni ku\ndhisantahay, oo uu hanto quluubta shacbigiisa min daraf ilaa daraf, geesino iyo\nhawlkarnimona ku darsado, cadaalad iyo sinaan sharci oo muuqatana oo la iska\nwada dhex arkona uu sameeyo horaa loo soconayaa waa dhab. Laakiin haddii kale\nhorusocod daaye dibaa loo noqonayaa alle kama dhigee, guusha siyaasadu waxa ay\nku jirtaa furfuran iyo bisayl siyaasadeed oo ku dhac wata.<\/p>\n\n\n\n<p>Cadaaladu waa laf dhabarta jiritaanka iyo sinaanta umadda,\nsoomalidu waxa ay ku maahmaahdaa &#8221; Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala\nyaac&#8221;, waayo haddii la waayo cadaalad iyo sinaan iyo midnimo, waxa\nimanaysa in aan loo sinaan Sharciga, shaqada, xilalka dawlada, xukunada\nmaxkamadaha iyo hayadaha garsoorka iyo sinaanta ganacsiga dalka oo noqda in\nkooto cid gaara loogu xidho,ama lagu wada qaato waxkasta oo adeega bulshada ah\nsida iminkaba aynu horaanteeda aragno.<\/p>\n\n\n\n<p>&nbsp;Arintaasi waxa ay\ndhaawacaysaa jiritaanka dalka iyo dawladnimada jirta taabo galkeeda iyo soo\nkoritaankeeda iyo hiigsa fog ee qaranka lagu soo wadey 27 kiisano ee hore, Haddaba\nwaxa looga fadhiyaa maddaxweynaha maanta hogaaminaaya qaranka dhiiranaan\nsiyaasadeed iyo go\u2019aano cadaaladeed oo qanciya bulshada Somaliland oo dhan min\nlawyacado ilaa qaw. Wayo horaa loo yidhi \u201c Raqba waa ku rageed\u201d, markaa maanta\nninka la doortay ee la wada eegayaa waa adiga Madaxweyne ee si cadaalad iyo\nhufnaan ah ugu garsoor Qaranka oo dhinacna ha u eexan.<\/p>\n\n\n\n<p>La soco qaybta danbe\u2026<\/p>\n\n\n\n<p>By: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)<\/p>\n\n\n\n<p>Email: bullaale999@hotmail.com<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"512\" height=\"512\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Mustafe.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-17683\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Mustafe.png 512w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Mustafe-150x150.png 150w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Mustafe-300x300.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 512px) 100vw, 512px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"1024\" height=\"571\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland-1024x571.png\" alt=\"\" class=\"wp-image-17682\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland-1024x571.png 1024w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland-300x167.png 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland-768x428.png 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland-800x446.png 800w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/Flag-map_of_Somaliland.png 2000w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/figure>\n\n\n\n<p>===========================================================<\/p>\n\n\n\n<p>Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha\nhabka iyo curinta qoraalkan, ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se\nGacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo ka la haadinta ka hor\ninta aanan idiin soo baahin qoraalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cNinku yidhi sinaan mayno adna buri sarayntiisa sedka waad wadaagtaane ma sagaashan baa tiisu.\u201d (Abwaan.Mohamed Ibrahim warsame \u201cSirta noloasha ). Waa su&#8217;aal adag oo u baahan jawaab nool, oo qancisa guud ahaan dalka oo dhan, waana masuuliyad saaran hadba cidda haysa hogaanka dalka iyo hayadaha dastuuriga ah ee dalka. ugu horayn waxa waxa loo baahan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17682,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17681","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17681","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17681"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17681\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17684,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17681\/revisions\/17684"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17682"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17681"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17681"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17681"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}