{"id":17685,"date":"2019-12-20T21:42:31","date_gmt":"2019-12-20T21:42:31","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17685"},"modified":"2019-12-20T21:44:28","modified_gmt":"2019-12-20T21:44:28","slug":"qorshaynta-mustaqbalka-fog-wq-dr-cabdiqani-xuseen-muxammed-beder","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17685","title":{"rendered":"Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)"},"content":{"rendered":"\n<h4 class=\"wp-block-heading\">Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu\nka tallowsan yahay waxa muuqda.<\/h4>\n\n\n\n<p>Culuumta aadka u xiisaha badan ee maanta\nxarumaha qorshaynta iyo horumarinta bulshooyinka lagu diraaseeyo waxa ka mid ah\ncilmiga la yidhaahdo: Diraasaynta Mustaqbalka (Future Studies or Futurologies).<\/p>\n\n\n\n<p>Diraasaynta mustaqbalka iyo ku talogalka\ndhacdooyinkiisu waa dhaqan Aadanaha abuurkiisa la soo bilaabmay, sidoo kale waa\ndhaqan ay la wadaagaan xayawaanada qaarkood, kuwaasoo saadaasha hawada iyo\nxaaladaha la xidhiidha lagu ilhaamiyo(loo bidhaamiyo), ka dibna ku talogala\nkaydka nololeed ee ay ku gaadhi karaan xilli roobaadka danbe.<\/p>\n\n\n\n<p>Hase yeeshee, in ku talogalka mustaqbalka\ncilmi ahaan loo aqoonsadaa waa wax adduunka ku cusub marka culuumta kale loo\neego.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa la sheegaa ciddii ugu horreysay ee\ncilmi sidiisa u madax bannaan ku sheegtaa in uu ahaa taariikh yaqaan Ingiriis\nah oo la odhan jirey; Herbert George Wells (1866 \u2013 1946), waxa uu qoray 1902\nbuug yar oo uu ku magacaabay; \u201cThe Discovery of The Future\u201d (<a href=\"#_ftn1\">[1]<\/a>).<\/p>\n\n\n\n<p>Sidaas oo kale ciddii ugu horreysay ee u\nbixisa magacan (Futurology), oo macnihiisu yahay diraasaynta mustaqbalka, cilmi\nahaanna u adeegsata 1943 kii, waxa lagu sheegaa aqoon yahan asalkiisu Jarmal\nahaa, hase yeeshee Maraykanka uga cararay taliskii Naasiga ee Hitlar sannadkii\n1935, kaas oo lagu magacaabi jirey Ossip Kurt Flechtheim (1909 \u2013 1998)(<a href=\"#_ftn2\">[2]<\/a>).<\/p>\n\n\n\n<p>Cilmigani waxa uu la walaal yahay cilmiga\nqorsheynta (Planning), mana kala maarmaan. <\/p>\n\n\n\n<p>Qorshayaasha dawladaha iyo shirkadaha waaweyn\nee mustaqbalka waxa loo qaybiyaa qorshe dhow (Short &#8211; Term Planning), qorshe\ndhexe (Medium &#8211; range Planning) iyo qorshe dheer (Long &#8211; range Planning).<\/p>\n\n\n\n<p>Qorshaha dhowi waa hal sanno iyo wax ka yar,\nqorshaha dhexena waa 1-5 sannadood, halka qorshaha dheeri ka bilaabmo 5 sanno\niyo wixii ka badan oo laga yaabo in uu boqollaal sanno gaadho, taas oo ku\nxidhan hadba awoodda qorsheynta iyo aragtida qorshe dejiyayaasha.<\/p>\n\n\n\n<p>Ummaduhu hadba sida ay u kala qorsheyn\nfiican yihiin, una kala aragti fog yihiin ayay u kala horreeyaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Maanta Muslimka badankiisu waxa ay ka mid\nyihiin dadyowga dunidan ugu danbeeya, sababtuna waa qorshe la&#8217;aanta iyo aragti\ndhowaanta.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhab ahaan waxa ay ahayd in ay dunida ugu\naragti fogaadaan uguna qorshe dheeraadaan, maxaa yeelay? Quraanka iyo\nAxaadiista Nebiga in badan oo ka mid ahi waxa ay ka warramaan Aakhiro, waxa aanay\nboorrisaa in mustaqbalkaa fog loo qorsheysto oo lagu talogallo.<\/p>\n\n\n\n<p>Aakhiro oo keliya ma aha, ee adduunyada\nlafteed in la cammiro oo loo qorsheysto mustaqbalkeedu waa wax ku badan\nnusuusta Quraanka iyo Axaadiista Nebiga \u2013scw-.<\/p>\n\n\n\n<p>Labadan cilmi laftooda ayaaba run ahaantii\naynnu Quraanka ka soo helaynaa haddaynnu u fiirfiirsanno.<\/p>\n\n\n\n<p>Tusaale ahaan, suuradda Annamli, waxa ku\njirta qiso layaab badan oo ka warramaysa Nebi Saleebaan \u2013cs- Aadahaya 15-44aad.<\/p>\n\n\n\n<p>Qisadaas waxa ka mid ah, in uu Nebi\nSaleebaan ciidankiisa oo ka koobnaa Insi, Jin iyo Shimbiro, kormeer ku\nsameeyey, ka dibna waxa uu ka dhex arki waayay shimbirka la yidhaahdo\nGuuguulaha (Hud\u2019hud), kolkaasuu yidhi: \u201cGuuguulihii ma arkayo ee miyuu maqan\nyahay? Waan ciqaabi doonaa ciqaab daran ama waxa uu la iman doonaa xujo cad oo\nuu ku maqnaa\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxyar ka dibba waxa yimi shimbirkii, waxaanu\nsheegay in uu sameeyey cilmibaadhis baaxad leh, oo uu soo helay boqortooyo ay\ngabadhi u taliso, waxa uu warbixin buuxda ka bixiyey, boqortooyadaas iyo\nmaamulkeeda, dhaqaalaheeda iyo dadkaas diintooda iyo caqiidadooda.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa uu ka calaacalay diin xumadooda, isaga\noo sababeeyey waxa halkaas gaadhsiiyey.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxa uu warbixintiisa ku sheegay in aanay\nsidii u fiicnaan lahayd yeelin, oo halkii ay Alle caabudi lahaayeen ay\ncadceedda caabudaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Mustaqbalka marka laga hadlayo waxa loo\nqaybiyaa saddex nooc:<\/p>\n\n\n\n<ol class=\"wp-block-list\"><li>Mustaqbal la filayo.<\/li><li>Mustaqbal la jecelyahay <\/li><li>Mustabal suuraggal ah.<\/li><\/ol>\n\n\n\n<p>Shimbirka Hud\u2019hudku halkan tirsiga 1aad iyo\nkan 2aad ayuu sheegay, oo waxa uu ka warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, isla\njeerkaasna ku sii sugnaan doonaan sida la filayo, sidoo kale waxa uu ka\nwarramay sida uu jeclaan lahaa in uu mustaqbalkoodu noqdo.<\/p>\n\n\n\n<p>Intaa markuu sheegay ayuu Nebi Saleebaanna\nwarkii Hud\u2019hudka ku dhisay qorshe Istiraatiiji ah oo uu boqortooyadaas\nmustaqbalkeeda kaga dhigayo mid suuraggal ah, oo hanuunsan, waa tirsiga 3aad e.<\/p>\n\n\n\n<p>Taa macnaheedu waxa weeye mustaqbalkaagu\nsidaad jeceshahay iska noqon maayo, haddaanad qorshe aad ku saxayso la imannin,\nisla markaana aanad gelin feker iyo hawl, mana jiro mustaqbal ka muhiimsan\nmustaqbalka Aakhiro, isla markaana uga baahi badan ku talogal iyo qorshayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Buugga \u201cHalbeeg, Hirdanka Fikradaha iyo\nHabraaca Fahamka\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Bogagga: 286-291<\/p>\n\n\n\n<p>Qoraagga Buugga: Dr. Cabdiqani Xuseen\nMuxammed (Beder)<\/p>\n\n\n\n<p>Email: <a href=\"mailto:tubtatoosan02@gmail.com\">tubtatoosan02@gmail.com<\/a><br><\/p>\n\n\n\n<hr class=\"wp-block-separator\"\/>\n\n\n\n<p><a href=\"#_ftnref1\"><strong>[1]<\/strong><\/a> &#8211; \u0628\u062d\u062b \u0644\u0643\u0627\u062a\u0628\u0629: <strong>\u0645\u0646\u0649\n\u0648\u0644\u064a\u062f\u060c \u0628\u0627\u0633\u0645:<\/strong> \u0627\u0644\u062f\u0631\u0627\u0633\u0627\u062a \u0627\u0644\u0645\u0633\u062a\u0642\u0628\u0644\u064a\u0629: \u0628\u062d\u062b\u0627 \u0639\u0646 \u0622\u0641\u0627\u0642 \u0645\u063a\u0627\u064a\u0631\u0629 &#8211; <a href=\"http:\/\/www.misrelmahrosa.gov.eg\/NewsD.aspx?id=201\">http:\/\/www.misrelmahrosa.gov.eg\/NewsD.aspx?id=201<\/a> <\/p>\n\n\n\n<p><a href=\"#_ftnref2\"><strong>[2]<\/strong><\/a> &#8211; Building a Scenario in the Light of Futurology, Mohamed J. Jarihi; <a href=\"http:\/\/staff.du.edu.eg\/upfilestaff\/789\/researches\/3789_1466413258__.pdf\">http:\/\/staff.du.edu.eg\/upfilestaff\/789\/researches\/3789_1466413258__.pdf<\/a> <\/p>\n\n\n\n<p>===========================================================<\/p>\n\n\n\n<p>Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha\nhabka iyo curinta qoraalkan, ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se\nGacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo ka la haadinta ka hor\ninta aanan idiin soo baahin qoraalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu ka tallowsan yahay waxa muuqda. Culuumta aadka u xiisaha badan ee maanta xarumaha qorshaynta iyo horumarinta bulshooyinka lagu diraaseeyo waxa ka mid ah cilmiga la yidhaahdo: Diraasaynta Mustaqbalka (Future Studies or Futurologies). Diraasaynta mustaqbalka iyo ku talogalka dhacdooyinkiisu waa dhaqan Aadanaha abuurkiisa la soo bilaabmay, sidoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17686,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17685","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17685","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17685"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17685\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17688,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17685\/revisions\/17688"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17686"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17685"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17685"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17685"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}