{"id":17844,"date":"2020-01-27T22:35:54","date_gmt":"2020-01-27T22:35:54","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17844"},"modified":"2020-01-27T22:44:26","modified_gmt":"2020-01-27T22:44:26","slug":"hoggaamiyeyaasha-soomaaliya-itoobiya-iyo-eritrea-oo-kulan-yeeshay-iyo-nuxurka-kulankooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17844","title":{"rendered":"Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea Oo Kulan Yeeshay Iyo Nuxurka Kulankooda"},"content":{"rendered":"\n<p>Asmara-(GLN): Madaxda dowladaha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa maanta ku kulmay magaalada Asmara ee caasimada  Ereteriya.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda hoggaamiye, waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo\nqotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex\ngeesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska\nAfrika.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda\nhoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go\u2019an tahay Heshiiska\nSaddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna\ndib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan\nhirgelintooda.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda\nhoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay\nsannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo\nee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale\nsare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen\ninay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer\ngobol oo wax ku ool ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka\nammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo\nlagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan,\noo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhanka\nhorumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan\nabaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga\noo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha\nadeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga\nmahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda,\niyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa\u2019idaysi siman.<\/p>\n\n\n\n<p>Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Warmurtiyeed laga soo saaray kulanka.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"910\" height=\"506\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Horn-of-Africa.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17845\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Horn-of-Africa.jpg 910w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Horn-of-Africa-300x167.jpg 300w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Horn-of-Africa-768x427.jpg 768w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Horn-of-Africa-800x445.jpg 800w\" sizes=\"auto, (max-width: 910px) 100vw, 910px\" \/><figcaption><em> Raysalwasaaraha Itoobiya, <\/em><strong><em> Abiy Axmed (midig), madaxweynaha Eriteriya,  Isaias Afwerki (dhexda) iyo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waa na sawir maanta <\/em><\/strong> (<strong><em>January 26, 2020)<\/em><\/strong><em> laga qaaday kulanka saddexda hoggaamiye ee Asmara ka qabsoomay. Sawirka waxa la soo dhigay oo aanu ka soo xignnay: Abiy Ahmed \u2013 Twitter. <\/em><br><br><br>Gacanlibaaxnews<br>News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Asmara-(GLN): Madaxda dowladaha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa maanta ku kulmay magaalada Asmara ee caasimada Ereteriya. Saddexda hoggaamiye, waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17845,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17844","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17844","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17844"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17844\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17849,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17844\/revisions\/17849"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17845"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17844"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17844"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17844"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}