{"id":17892,"date":"2020-02-06T22:31:14","date_gmt":"2020-02-06T22:31:14","guid":{"rendered":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17892"},"modified":"2020-02-06T22:31:16","modified_gmt":"2020-02-06T22:31:16","slug":"xanuunka-coronavirus-oo-golaha-wasiirrada-soomaaliland-lagaga-hadlay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=17892","title":{"rendered":"Xanuunka Coronavirus Oo Golaha Wasiirrada Soomaaliland Lagaga Hadlay"},"content":{"rendered":"\n<p>Hargeysa-(GLN): Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada\nJamhuuriyadda Somaliland, oo uu shirguddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda\nSomaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku na wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka\nSomaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu\nlafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu\ndhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim\nu ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu horayn madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,\nayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul\ndaadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku\nxigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha\nhoose uga faa\u2019iidaystaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka\nka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana\nlagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo\nCaynaba.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa\ngolaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo\nmaamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha\nbulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani\nmuujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta,\nisaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee\ndawladaha hoose ee dalka.<\/p>\n\n\n\n<p>Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa\ngolaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul\nistaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii\nlooga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada,\ndekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay\nlaguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.<\/p>\n\n\n\n<p>Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland\nku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda\nwaxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay\u2019adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo\ndaneeyayaasha caafimaadka Somaliland.<\/p>\n\n\n\n<p>Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa\nwarbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh,\niyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka,\nwaxbarashada iyo xirfadaha.<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka.<\/p>\n\n\n\n<figure class=\"wp-block-image\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" width=\"720\" height=\"480\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/FB_IMG_1580990533156.jpg\" alt=\"\" class=\"wp-image-17893\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/FB_IMG_1580990533156.jpg 720w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/FB_IMG_1580990533156-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><figcaption><em>Qoraalka iyo Sawirka: Madaxtooyada Soomaaliland<\/em><br><br>Gacanlibaaxnews<br>News Desk<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-(GLN): Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shirguddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku na wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah. Ugu horayn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":17893,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17892","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17892","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17892"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17892\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17894,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17892\/revisions\/17894"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17893"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17892"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17892"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17892"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}